WALI RAG BAA NOOL: ABWAANIINTA DADA YARE EE HARGEYSA .BY M.HAARUUN

WALI RAG BAA NOOL: ABWAANIINTA DADA YARE EE HARGEYSA .BY M.HAARUUN
Burbur iyo dagaalo kala dambeeyay oo dadka iyo dalkaba dishooday ayaa is-bedel wayn ku keenay wax kasta oo umada Af-Soomaaliga ku hadashaa ay lahayd ama lahaan jirtay. Dhaqankii bulshada, dhaqaalihii, deegaankii iyo luuqadii dadku ku hadlaayayba way is bedeleen! Tani waa marag ma doon. Waxyaalaha burburkaas ku dhaawacmay laakiin aan dhimanin waxa ka mid ah suugaantii afka Soomaaliyeed. Sababtaas weeye ta loo waayay suugaantii iyo suugaanyahanadii tirade badnaa, ee kala waawaynaa, ee kala yaryaraa ee goor kasta iyo goob walba ka marin jiray suugaanta noocyadeeda. In casrigan aroos, xaflad ama kulan kale oo muhiim ah la isugu yimaado, laakiin la waayo, hada la waayoba cid suugaan u nisbo sheegata maaha midh lala yaabo.

Maanta (26th February, 2009) ayaan BBC da ka dhegeystay abwaano hufan, oo sharaf leh, oo dhalin yaro ah, oo suugaanyahano ah, oo waliba suugaantoodu ay qani tahay maaha afar-midhlayaal! Shan wiil oo is dhaafsaday dood suugaamaysan oo geed-baaska qaadka la yidhaaho lagu falanqaynaayo ayay idaacadu manta sii daysay. Suugaan aanan waayadan iyadoo kale maqlin, oo ah tii la yaqinay ee dadka Soomaaliyeed ay caanka ku ahaayeen, ee waayahooda dhib iyo dheefba ay ku faalayn jireen ayay ahayd. Hadii aniga la igu yidhaaho qiimayn sii, waxan sin lahaa inta wacan inta u wacan! Iyado ay sidaas tahay, ayaanay hadana dhalinta qudhoodu isku sugaan iyo isku dood toona ahayn. Nasiib wanaag, sidii doodoodu u kala wacnayd ayay suugaantooduna u kala saraysay. Dadka qaar baa qodob sax ah ka hadla, laakiin ereyada ay doodooda ku cabirayaan hadal iyo hawraar kay noqotoba ay liidataa. Dhalinta kuwooda dawga iyo xaqu la jiro carabkooda ayaa af-tahanimaduna la jirtay oo suugaan wacnaa. Waan sheegi donaa ee bal u fiirso oo ila xukun hadi aad dhegeysatay akhristoow.

Labada wiil ee Siciid Ibraahim Dool (Guray) iyo Mubaarig Cumar Axmed (Caad) oo kala ah ninka dood-suugaaneedka ibo furay iyo saaxiibkiis oo ku ayiday mawqifka xaqa ah ee uu qaadka iska taagay Mr Guray ayaa dooda dawgeeda iyo hab-samida suugaantaba hayay. Mid waliba dhawr minute buuku soo ban-dhigay suugaan habaysan, oo aad u habaysan, oo hadana hufan, oo ishii iyo saxarkiiba laga idleeyay dhisme ahaan, iyo dood xaq ah oo qaawinaysa geed-baaska uu Mr Guray “Gumeeye” u bixiyay. Ninkii suugaanyahaynka ahaa ee waynaa Mr Salaan Carabay ayaa laga soo wariyay inuu sheegay inuu geel aad u tiro badan kaga iibsan lahaa kalmad uu isticmaalay wiil dhalin yaro ah, oo suugaanyahan ahaa, oo Cismaan Gun-iyo-baar eeg la odhan jiray, oo mar uu Salaan socdaal Kenya ugu maqnaa cali dhuux oo ahaa nin ay Salaan si wayn isu hayn jireen u gabyay. Kalmadu waxay ahayd iyo munaasabadii ay ku baxday toona qoraalkan lama xidhiidho, laakiin waxa la xidhiidha ee aan u dan leeyahay waa ereyga aan waligayba waayay ee uu Siciid-guray ku magacaabay qaadka “Gumeeye”!

Alaylehe waa “Gumeeye”, qof kasta oo inuun habeen agtiisa ay garasho u hooyatayna taas waa ka marag. Anigu maba moodaynin inay geedka Gumeeye ah cidi u doodayso ama difaacayso. Doodaha ay dadka uu geedkani dishooday ku andacoodaan oo dhami waa baadil! Waxa ka mid ah: “Culimadaa quraan ku akhrida; waa quud awliyo; dad badan baa nolol-maalmeed ka hela; geedku (Gumeeye) dhib ma laha ee dadka ayaa si qaab daran u cunaaya; waa dhaqan bulsheed oo wada xaajoodka iyo fadhiga ayaan looga maarmin; firinfircooni ayuu galiyaa qofkii ku shaqeeya!” iyo qaar kale oo badan ayay si liidata oo aan cilmi iyo caqli toona ku fadhiyin u soo arooriyaan dadka geedkan Gumeeye dishoday. Dooda ay dadkaasi qabaan oo dhan ayay wiilashu si cilmiyaysan, oo hufan, oo suugaanaysan uga jawaabeen xujooyinkoodiina ku burburiyeen. Afkooda iyo adinkoodaba ilaahay ha barakeeyo!

Si kastaba ha ahato ee wiilashaas ama suugaanyahanadaas da’da yar aad baan u salaamayaa, hadii aan gaadhaayona halkooda ayaan ugu tagi lahaa oo ku soo salaami lahaa. Intii aan odhan lahaa, ama qof mujtamaca u damqanaaya, oo inuun damiir islaamnimo ama garasho umadnimo ku jirto uu geedkaas Gumeeye ah ka odhan lahaa ayay yidhaaheen. Suugaanyahanada waxan ku boorinyaa in ay nashaadkooda dhalinyaro nimo sii kordhiyaan, oo ay doorkaas ay qaateen ee ay bulshada ugu digayaan sii adkeeyaan. Waxan ku leeyahay idinkaa hagaagsan ee sii wada hawsha. Waxan idinka codsanayaa inaad la shaqaysaan Dr Daauud iyo ururka la dagaalnka iyo ka hor taga qaadka ee Hargeysa fadhigiisu yahay. Waxan ka codsanayaa abwaanada ay dhalintu ku hal-qabsadeen ee waawayn iyo kuwa kaleba suugaantan ka qayb galaan oo nacabka ugu way nee bulshadu ay leedahay dhinac dhaqaale iyo mid caafimaadba oo geedkaas Gumeeye ah la diriraan.

Dirirta ugu wayn uguna toosan ee geedkaas Gumeeye ah lagala hor tagayaa waa in dadkeena oo aqlabiyad aad u saraysaa ay ku waalantahay geedka, oo naftooda, awlaadooda, sharaftooda iyo maalkoodaba ay dhaafsanayaan loo digo. Waa in damiirkooda wax loo sheego, waa in lagu celceliyo, waa in dharaar iyo habeenba qaylo kor loogu dhawaaqo ilaa inta dagaalka lagu guulaysanaayo. Qof kasta oo la soo badbaadiyaa kama duwana qof dib u soo dhashay aniga sida ay ila tahay! Abwaan Gaaxnuug ayaa laga hayaa: “Waa geed ku wada qoofala oo qoobka kaa xidha; waa geed ilkihii naga qubay oo qoomay ciridkiiye; waa geed jidhkeena io badalay dheeha qaalibane; waa geed sabool iyo qatalay qaari soo dagaye; waa geed qabsshaash nagu diliyo walax qashaabuure…”! Umadnimo mustaqbal higsanaysa iyo geedo daaqis iskuma sii wadi karno, dhaqaalaheena iyo jiritaanka umadaba halis run ah buu ku hayaa Geedkaas Gumeeye ee qofba intuu ka gaysan karo dagaalka geedkan yuu la gabanin. Biwaaya ee geedkaas la dirira.

Mar hadii aan salaam iyo cumaamd sharafeed wiilasha saaray, waxan jeclahay abwaaniin kale oo iyaguna door sharaf leh kaga jira la dagaalanka geedkaas Gumeeye sheego. Wiilasha waxa ka horeeyay, oo suugaan hufnaan iyo khibradiba ka buuxdo soo ban dhigay abwaan Macalin Gaaxnuug iyo abwaan Yuusuf Shaacir! Labaduba ilaahay magane si aan hagrasho lahayn bay geedka uga hadleen, hadii uu hadalku geedka dili lahaana in lagu dhinto way ka yidhaaheen! Dadka qaadka u dooda waxan u sheegi ;lahaa inay ilaahay ka yaabaan, oo naftooda, tan qoysaskooda, iyo dhaqaalaha wadankaba u tudhaan. Soomaali meel ay joogtoba geedka gelengal caydheed ku so wada xidhay ee cudurada isku wada midka ah ku riday ma wax kalaa saw Gumeeye maaha? Ninkii qaadka cunistiisa sharaf u haystoow walee inaanad guna jirin! Sanadkii 2008 ee ina dhaafay qoraal dheer, oo ilaa shan kun oo weedhood ka kooban, oo cinwaankiisu ahaa “Khat Effects on Individuals and Society”, oo baadhitaan xoog leh iyo macluumaad badaniba ku jiro ayaan sameyay, qofkii doonaayana waan u soo dirayaa.

Ugu dambayntii, waxan codsanayaa cidii igu dhaantaa inay cinwaan lagala xidhiidho abwaanada aan sheegay kuwo hore ee odayaasha ah iyo kuwan cusub ee dhalinta ahba I soo siiyaan.

Maxamed Haaruun

E-mail: mbiixi@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: