MUUQAALKA DHABTA AH EE SADDEXDA XISBI UCID UDUB KULMIYE QAYBTA 1 AAD

MUUQAALKA DHABTA AH EE SADDEXDA XISBI UCID UDUB KULMIYE QAYBTA 1 AAD

muuqaalka dhabta ah ee seddexda xisbi
udub udub kulmiye ucid qaybtii 1aad
waa xisbiga talada dalka hayay tan maalintii la furay hanaanka xisbiyada badan
xisbagan waxa aasasay madax waynihii geeriyooday ee marxuum cigaal ialahy naxariistii jano haka waraabiyee waxa se calfaday hoode badane daahir riyaale kaahin oo runtii ah nin nasiib badan oo aan habena qodixi usoo mudin kursigan uu maanta ku fadhiyo
daahir riyaale malahayn taariikh siyaasadeed oo qoto dheer iyo waaya aragnimo xeel dheer oo uu ku maamulo dalka laakiiin se waxa uu raacay raadkii ruug cadaadigii xilka uu ka dhaxlay iyo talada macalimiin ku xeel dheer sida loo maamulo maskaxda maxasta iyo maangaabka aan lahayn awood uu wax ku doorto taas oo usahashay in uu ku sii fadhiyo kursagan uu dumaasha u helay
bilowgii hore dadku waxay urakayen madaxwayne daahir riyaale kaahin in uu ku haboonyahay in uu ku guulaysto doorashadii markaa taagnayd samabo dhowra owgeed
1. daahir wax loo arkayay waji cusub oo siyaasadiihii kala duwanaa ee dalka saamayn badan ku yeelan isla markaan kasoo jeeda galbeedka dalka oo aan marnaba mansabka hore usoo qaban oo ay haboontahay in doorkan boorama mayalka qabato
2.mudadakii ka horaysay doorashadii madax tooyada waxa uu riyaale samayay dhaqdhaqaaqyo badan oo dadka rajo galiyay iyo kormeero kadis ah oo ku booqday qaar kamid ah haayadaha dowlada isagoo balan qaadyo badan oo afka ahna dadka u qaaday taasoo dad badan u arkayeen hadii uu wakhti intan kabad helilahaa in uu wadanka wax badan uqaban karo
3.riyaale oo dadku u arkayeen nin qabow oo qadiyada gooni usutaaga cabsan hankiisuna aanu gaadhsiisnayn in uu uhanqaltaago midnimo soomaliyeed oo dadka qaar
ay kuxaman jireen marxuumkii
way jireen waxyaabo kale oo daahir lagu xushay laakiin seddexdaa ayaa ugu dhumuc waynaa
maanta oo 6 sano lasoo jaray xiligii uu raayaale xafiiska fadhiistay ma muuqdaan waxyaabihii markii hore ay dadku ku xusheen walow waxoogaa guulo ah uu kasoo hooyay siyaasada arimaha dibada iyo ku fidinta maamulka ee gobalada bari hadana xusbiga udub uma shisla sidii uu kal hore ahaa
waxanaa wakhti xaadirkan xisbiga ka muuqda gal daloolooyin waawayn oo mucaaradka jaanis siinaya
lasoco qaybaha danbe ……………

shiine maxamuud
shiine_90@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: