BURBURKA SIYAASADEED EE SOMALILAND DUL HEEHAABAYA YAA KA FAAIDAYSANAYA?

BURBURKA SIYAASADEED EE SOMALILAND DUL HEEHAABAYA YAA KA FAAIDAYSANAYA?

Bur burka siyaasadeed ee Somaliland dul heehaabaya yaa ka faa iidaysanaya?.

Marka hore waxaan salaamayaa umada qiimaha iyo qaayaha badan ee reer soomaaliland laga bilaabo Lawyacade ilaa Taleex oon ku salaamayo salaanta islaamka, Asalaamucalaykum Waraxmatu laahi. Waxa lagu jiraa wakhti aad iyo aad u xasaasiya oo ah wakhti isbadalo farabadan ay soo ifbaxayaan gudaha Somaliland iyo dibadeedaba. Waxaan doonayaa inaan umada Somaliland waydiiyo bur burka siyaasadeed ee Somaliland dul heehaabaya yaa ka faa iidaysanaya?.

Waxan ognahay in dhawrjeer si cad ay dawlada jabuuti isku dayday in si cad ay Somaliland ay u curyaamiso iyadoo adeegsanaysa ururka lidka inagu ah midawga carabta. Talaabooyinka ay Jabuuti qaaday waxa ka mida in ay ka dalabto dawlado carbeed in Somaliland cuna qabatayn laga saaro xoolaha ay somaliland u dhoofiso dawladaha carbeed iyadoo doonaysa oo ka dalabtay dawladahaas inay iyada xooluhu soo maraan.

Waxay jabouti xooga saartay siday arintaa ugu suurta galilahayd iyadoo in badan arintaasi dawlada imaraadka carabta xidhiidhyo badan la samaysay. Arimahaasina waxa u suurta galiyey markii loo dhisay shaybaadh xoolaha caafimaad kooga lagu baadho.

Waxa kale oo ay dawlada jabuuti ololo xoogle u gashay sidii shirkada daalo ee ahayd shirkadaha Somaliland ku faani jirtay inay jabuuti u wareegto. Waxa manta la og yahay in jabuuti ay ololo lamida ugu jirto shirkado badan oo kale oo Somaliland laga leeyahay oo ay ka mid tahay dahabshiil. Waxa dhawr jeer jabuuti soo eriday wakiilkii Somaliland u fadhiyey dalka jabuuti iyadoo ay Somaliland waxba iskaga tirinayn.

Waxa mudooyinkan dambe Somaliland lagu dhex arkayey qaraxyo, dad ajaaniba oo la laayo iyo waxkale iska daaye hubka wax gumaada. Markaa waxa iswaydiinle ma waxa arimahaa ka danbeeya ururrada argagixisada ah sida alshabaab mise dawlado lidku ah jiritaanka Somaliland? Ugu danbayn waxan ku soo xidhayaa maqaalkan su aashaydii hore bur burka siyaasadeed ee Somaliland dul heehaabaya yaa ka faa iidaysanaya?

Sadiq Mahdi Isxal

United States of America

Sadiq.isxal@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: