WARAABE IYO WAADAAL HALOOWDAY KALA WAR LA !!!!

WARAABE IYO WAADAAL HALOOWDAY KALA WAR LA !!!!

WARAABE IYO WAADAAL HALOOWDAY KALA WAR LA’ !!!!

Dantee-noo murug-tay baan, maxaadh ku huluuqayaa,

markaan muska tiiriya-ba, maxaad meel uga gurtaa,

markaan talo meel dhigna-ba, maxaad u maroori-saan,

meeshaan ku idhaa ka qabo, maxaad maad uga dhigtaan,

meel daran aad ula kacdaan, muraadkii u baylahaa.

“MAQAAL-KANI WUXU TOOS ULA HADLAYAA UMMADDA REER SOMALILAND”

Axdi-gaad la gasho ma ilaasho aboodi ee aami-naad ka fogoow, waa murti qadiimi ah, wax yar oo fara ku tiris ah da’ aad-na u da’ weyn ayuun baa laga heli karaa, waxad moodaa in xikmada-ha cayn-kaas ihi ay sii dabar go’ayaan, sida hadaba ay inoo sheegayso iyo waxa aan u soo qaatay baan rabaa in isla eegno, ugu horayn waxay ka waramay-saa in bahalka la yidhaaho ABOODIGU khiyaamo iyo khatar badan yahay mararka qaar-koodna isu soo ekaysii-naayo siddii wax kula saaxiib ah, ka dibna marka uu kugu soo dhawaado uu ABUR kugu saydhaayo jidhaaga bedela sidaas awgeed bay u yidhaaheen ha aaminin weligaa, waa sidaase wax dhici kara maaha in ABOODI IYO DAD HESHIIS DHEX MARO waayo waxay kala yihiin bani’aadam iyo xawayaan aad u kala fog, waxana aan u soo qaatay haddii wakhti-gaas ay baxday murtidani ay noqon lahayd mudoo-yinkan dambe wax lagu fasili lahaa MAAH-MAAH ku saabsan MUNAAFA-QADDA dunidda reer GALBEED-KUNA u yaqaano waxa aynu nidhaahno SIYAASAD, af-somali mala-ha waxay ku tahay SADEX-WEJIILE aan dhinac loogu soo hagaago lahayn oo kolba sida WEEDHKA ROOBKA gees kaaga yimaada, aniga oo meel isu soo taagi doona HALKA QODAXDU igaga mudan tahay hoos-na farta ku taabsiin doon qadar miridho ah ii dul qaado akhristoow.

Waxan jecelahay in aan in yar dib ugu laabto CINWAANKA kor ku qoran bal isna waxa ay ku micnee-yaan reer guraaga xoolo dhaqa-tada ahi, waxay ina fara-yaan in aanay is ogayn ee ay kala-na war qabin, waxna aan loo kala sheegin in ay fooda isla galaan laba KHABAR-MAAFUSH ahi, kuwaas oo ah WARAABE raadi-naaaya wuxu cuno oo makala-hooda qaado, askaxa-na ka sameeyo haddi uu indhaha saaro aduun (xoolo) wadee-caysan oo baylah ah, hadii ay sidaas timaada-na wuxu la mid noqo-nayaa RAH XORFAD buuxda keligii afka haysta oo waa u ber-samaad iyo BADHI-BADHI ku sug, waase markee amin-taasi uu nasiib-kaas helayaa, wedka lama baajiyo’e waa marka uu ku soo baxo WAADAAL habeen luntay ama dayacan oo dad la dagi karaa ahna XOOLO-HUNO uu khiyaa-mayn karo, uu GUDCUR MAGAN GOOYO feedha ka galo, ka dhigo in jiifta oo uu dilooday iyo in uu XAMAGGA la ledey, waa halkuu ka yidhi ALLE ha u naxariisto’e TIMA-CADE;- Aduun reer ka halaabay marku ayda ku laayo,dhurwaa uuda ma daayo,nin ugaadh-sanayaana kolay awr xun ma waayo,hadayse dareen-kaas yeelan lahaa-yeen in aan la iska hor iman wey kala badbaadi lahaa-yeen.

Aan kuu koobo intan ugu dambayso’e waxay u dhig-maan RUUXMUJRIM AH iyo MID LAX DHUKANI ABAAR MOOG AH in doora baad isu-gaysay ee iga hoo waxan kula damcay, xuduuda aan jaarka nahay ee CANFARTA IYO CIISAHA atoor-kana uu ka yahay INA CUMAR GEELE iyo inaka baa ka kala dhigan waraabaha mujrim ka ah iyo laxdaas dhukan oo inaga ah ee iga gur oo dhuux amuurta aan soo wado iyo qodoba-da hoos ku qoran, ugu horayn ilaa iyo intii dagaalku dhex maray ERETERIYA iyo XEEBAHA CANFARTA IYO CIISAHA waxa lay akhri-yaayey ATOORKU ( ina geele) imika xagee-na buu soo eegayaa, wuu waayo’arkay, runtii buu soo taabtay, waxa-na uu arkay in aanu la hayn wehel, miciin, saaxiib kale oo deg-deg ugu soo gurmadda, soohdi-nina ka dhaxayso sida SOMALILAND, hada-ba aan is waydiino’e miyuu inoo soo jeestay mise isaga oo sii socda buu ina salaamy oo gacanta XAGGA DAMBE inooga haadiyey, waxan qabaa in uu HARAATI-DAMEERAAD uu dhabarka ina-gala beegsaday oo yidhi AF-WEYNTA haw dhaceene adhaxdda jebi, wixii la igu dhuraayey saw maaha sheekoo-yinkii UBADKA loo akhri jiray siddii tii SUUL-CAWRO, DHEG-DHEER, ARAWEELO, IYO NAA LEEGO-LEEGO HAAWIYEE ee weli ma quusa-teen, kii qanci waayoow iga gunud caday-mahan, daliil-kooddiina waa kan:-

(1) Ilaa iyo intii uu isu qaatay in SOOMAALIYA uu u malma-luuqay wax uu ugu yeedhay dawlad,una caleemo saaray WADAAD-KA ABGAAL iyo kan yar ee raba in uu u hiiliyo aabi-hiisii lagu dilay LAASCAA-NOOD, baa waxa meesha ka baxay oo la waayey DHOOLO-KA QOSOLKII ahaa ceer-yaanta iyo qiiqii la isku qarin jiray, laba wiig bay ka horaysay markii intii aan la furin MAXAJARKA berbera , ogaa-dayna in uu AL-JAABIRI imanaayo, buu wasiir-kiisii XOOLAHA u diray SACUUDIGA oo wasaaradda arimaha debedda uu ka ashta-keeye AMIIRKA WASIIRKA ah ee CABDALA FAYSAL kuna yidhi heshiis baan la galay in aanu furin maxjarka BERBERA lacagna waan siinay, waanu nagaga baxay ee wax ka qabo. wasiirku wuxu ugu jawaabay anaku haddii aan nahay dawladda kuma shuqul lihin gancsigga dadka SUCUUDI-YIINTA ahi la ga galaan cidii ay ka dhaxayso, waxa war-kaas qoray JARIIDADA la yidhaaho SHARQAL-AWSAD ee ka soo baxda wadan-kaas, dabeena wasiirkii xoolaha ee jabuuti wuxu u talaabay SANCA halkaas oo uu kula kulamay niman YAMANI-YIIN ah oo ka soo dhoofiya BOOSASO, waxana uu kula heshiiyey in ay xoolaha sicir jaban kaga soo iibsa-daan, oo inta ay YAMAN keenaan u sii dhaafiyaan goboladda uu SUCUUDIGU ka haysto YAMANTA EE NAJRAAN IYO JEESAAN, sidaa-na waxa qoray JARIIDADA AL-HAYAT ee sanca ka soo baxda, akhriste ma sidaas buu inoogu soo jeedaa INA geele?

(2) Iyaba waa yaabe intii ay jirtay maawee-ladu, BAASA-BOORKA SOMALILAND waa lagaga dhoofi jiray, lagu soo geli jiray, laguna dhufan jiray fiise lagu galo gudaha jabuuti, laakiin waa isu sawiray HUMAAG ah SOOMAALI-WEYN dhistay ee maxaad uga baahan tahay SOMALILAND dan kuugu jirtaa ma laha’e, dabeed wuu diiday BAASA-BOORKEENII oo INA WAQAF oo ka soo noqday NAYROOBI baa markuu yimi jabuuti af-buuxa loogu sheegay in la diiday BAASA-BOORKAN uu sito, lagu-na yidhi ha ka soo degin DIYAARADDA, taas-na ma waxa i lee-dihiin weli waa saaxiib-keen inoo maqan?

(3) Markii ay is qabteen WADAAKA ABGAAL iyo kan ka soo jeeda MAJEETEENIYA ee la taliyaha u ahaa DAD-QAADKII ina yuusuf, oo yarkan laga soo daba tuuray wadaadka uu yidhi wasiirka arimaha debedda waxan siinayaa INA CALI QOORSHEEL, SHRIIF ku sheeguna diiday, baa waxa dhexde-xaadiyey ATOORKA JABUUTI oo ku kala gaxeeyey in mid ka soo jeeda SOMALILAND la siiyo boos-kaas ee waa-ba lagu kala dareeri lahaa, hada-ba si uu u xasiliyo waxoo-gaagga doolar-ka ah ee la yidhi ugu qaybi bariis inta ay meesha kula joogaan aanu u waayin, wax maqaar-saar ahna tuso oo yidhaahdo waanigaa soo dhisay maamulkii la rabay awgeed buu u kala qabtay, dhinac-na isaga oo is leh mijo xaabi SOMALILAND oo wax yeel, akhristoow malaa maad qancine maanta-na maxaad ii shiigi? Waxa la waayey geeloow ninkii waalan bay duda’e, ma waxad rabtaan in aan idinka dhegaysto ciyaartii TOOM IYO JEERI, PINK PAINTER IYO MICKY MOUSE, bal kuu daayeye dhan uun inoo dhaqaajiya.

*N.B Nin abees ag-degay iil-kii buu arkayaa !!!

waa abdi-shotaly.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: