SOMALILAND IYO T-SUNAMIDA QAB YAALADA

SOMALILAND IYO T-SUNAMIDA QAB YAALADA

Somaliland iyo T-sunaamida

Qayb-yaalada

Waxaynu ognahay Somaliland in aanay ahayn bugcad yar oo 1960-kii ilaahay aduunku ku soo kordhiyey, isla markaana ahayn mid wakhtigaa dhulka ka soo maaxatay.

Balse ay tahay mid waligeedba jirtay inta ay xeedhiyo fandhaal kala dhacayeen.

Hadaba waxaa is-weydiin leh maxaa aduunka intiisa kale ka reebay, su’aashaasi waa wax caqliga fikirayaa uu garan karo jawaabteeda waana Qab-yaalada.

Qab-yaaladu ma wax-aynaan garanaynbaa, ma wax-aynaan soo arag dhibteedaa, labadaas midna maaha balse waa wax aynu garanayno oo waliba ah waxa kaliya ee ay soomali Shahaado ka haysato inta uu aduunku horumarka gaadhayey.

Qab-yaaladu waa waxa soomali la hadhay dhan kastaba.

Hada waxaa maanta taagan in ay qabyaaladu faro baas ku hayso Somaliland, iyada oo baryahan danbe aad loogu faanayey in laga sii gudbaayo hanaankii qab-yaalada.

Runtu waxay tahay in lagu gudbo daaye waa la sii muquurtay, waxaad arkaysaa xisbiyadii u tartamaayey in dalkan xilkiisa qabtaan ayaa u horseedaaya dadka wixii ay hore ugu baabaday rajadoodu, taasi oo ah qab-yaalada.

Waxaad maqalaysaa qabiil hebel ayaa haddii aanu nahay xisbi hebel nagu soo biiray, iyo qabiilkaas ayaa naga baxay.

Taasina hadhaw waxay dhashaa waa “Anagu hadii aanu nahay qabiil hebel wax saami ah kuma lihin xisbigaas oo ma aqoonsanin dawalda uu soo dhisay”

Taasina arkhriste waa rajo xumo aad iyo aad uga xun dhibkii aynu soo marnay.

Guntii iyo gabagabdii waxaan ku talin-lahaa waliba aniga oo odayaasha dhaqanka saaraya eeda oo aan leeyahay umadan aad hogaamisaan meel xun ha u jeedinina, kuwa wax laga weydiinayaa ifka iyo aakhiro waa idinka ogaadana “Nin xil qaaday eed Qaad”

Qalinkii: C/casis Cawil Max’ud (Cirro)

Burco/Somaliland

Adar20042@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: