Quraanka Kariimka Ah Iyo Sayniska Casriga Ah. Qaybta 1aad.

Quraanka Kariimka Ah Iyo Sayniska Casriga Ah. Qaybta 1aad.

Quraanka Kariimka ahi, waa kitaab tawxiid oo uu Alle soo dajiyay waxaanu ka waramay waxyaabo badan, oo ay ka mid yihiin masalooyin saynis, qaar tawxiid, iyo mucjisooyin kaleba. Haddaba akhristeyaal waxaan idiin soo gudbin doonaa mawducyo ku saabsan Quraanka Iyo Sayniska Casriya Ah oo taxane ah Insha Allah.
Quraanka iyo Culuumta Sayniska ah
Quraanka Kariimka ah waxa ku jira ama uu ka kooban yahay in ka badan 6000(Lix kun oo Aayadood). Kuwaas oo 1000(Kun) in ka badan oo aayadood ay ka waramaan Sayniska.Dadka qaar si ay wax u fahmaan waxay u baahan yihiin in mar wax loo sheego.Qaarna waxay u baahan yihiin laba ama saddex goor qaarna toban jeer.Halka dadka qaarna ay u baahan yihiin in ay wax ku kasaan 100 jeer.Kuwo kalena ay rabaan in arrin laga dhaadhiciyo 1000 goor ama ka badanba.Sidaas awgeed Quraanku cidkaastaba inta ay wax ku fahmayso ayuu u sheegaa.Qofka intaas waxba ku fahmi waayaana waa qof ay maskaxdiisu xaqqa ka awdan tahay.
Quraanku sidaasaba ma aha Saynis ama Science ee Waa Signs ama Aayado rabbaani ah oo uu Ilaahay soo dajiyay oo ugu talogalay in dadku ay wax ku qaataan kuna rumeeyaan jiritaanka iyo kalinimada Eebbe Subxaanahu Watacaalaa.
Dadka reer Galbeedka ah ee haysta diinta Kiristaanka. Waxa ka dhex aloosan loollan adag oo u dhaxeeya diinta iyo sayniska.Gabi ahaana waa mid aan suurtogal ahayn in in uu mufakar reer Galbeed ahi aqbalo in ay meel ku kulmaan diinta iyo saynisku.Kitaabka magaciisu yahay “Bible” oo ay kitaabka ay rumaysan yihiin dadka haysta diinta kiristaanku, waxa ku qoran ama uu sheegaa, in geedkii loo diiday Nabi Aadam Calayhi salaam cunistiisu in uu ahaa geedka aqoonta.Sidaas awgeed uu Nabi Aadam helay waxoogaa aqoon ah markii uu cunay geedkii uu Alle u diiday.Dadyawga reer Yurubna waxa ay laba qarni ku muransanaayeen in ay aqbalaan aqoonta Sayniska ah ee ka imanaysa muslimiinta iyo in kale, maadaama oo aanu kitaabkoodu dhiirgalinba aqoonta.
Kiniisadu waxa ay aamisan tahay in la fogeeyo aqoonta, maadaama oo cunista geedka aqoontu tahay sababtii janada iyo barwaaqada looga soo saaray Nabi Aadam. Baadariyada ama Bishoobyada kiniisaduhuna waxa ay daliishadaan in Aadam helay aqoonta markii uu cunay geedkaas.Helistaan uu Aadam aqoonta helayna waxa aan ku farxin bay leeyihiin Baadariyada Ilaahay oo Aadam janada ka soo saaray marki uu geedkaas cunay.Taas aawadeedna waxa aqoonta gabi ahaanba is hortaagi jiray madaxda kiniisadaha.
Ugudambayntii markii ay awooda heleen saynisyahanadii iyo mufakiriintii reer Galbeedku, ee ay ka adkaadeen madaxdii kiniisadaha, shacbigiina ay hanteen, waxa ay qaadeen tallaabooyin ka soo horjeeda kuwii ay qaadi jireen madaxda kiniisaduhu, iyaga oo ka aargoosanaya cadaadiskii ay kiniisadu ku hayn jirtay. Saynisyahanadii iyo mufakiriintii reer Galbeedku waxa ay liciifiyeen awoodii kiniisada.Saamayntii, maamulkii, iyo waxqabadkii kiniisadana waxa ay ku koobeen dhinacyo xadidan.
Laakiin diinta Islaamku waxa ay dhiirigalisaa aqoonta, si ka duwan diinta Kiristaanka. Markii uu Ilaahay abuuray Nabi Aadam, waxa uu siiyay aqoon aanu siinin malaa’iigta.Alle waxa uu baday Aadam magacyada waxyaabaha jira oo dhan, kadibna malaa’iigta ayuu waydiiyay magacyada waxyaabaha jira, waxa aanay ku jawaabeen “Ilaahayoow adiga ayaa xumo ka nasahan, ma lihin cilmi aan ahayn kii aad na bartay, adiga ayaa ah Caziis, Xakiim ah”.Kadibna Ilaahay waxa uu Aadam ku yidhi “Uga waran magacyadooda”.Aadamna waxa uu uga waramay magacyadii.
Halkaas waxaad ka garan kartaa in Ilaahay aadamaha ku maamusay milgaha aqoonta,Geedka uu Nabi Aadam cunayna muu ahayn geedka aqoonta, ee waxa uu ahaa geed uu ku dagay Shaydaanka Ibliis, lacnadi baa ku dhacday e, Ibliis waxa uu Aadam ku yidhi “Ma idin tusiyaa geedkii waaritaanka iyo mulkiga aan gaboobahanin”, Sidaas ayaanay Aadam iyo Xaawa ku cuneen geedkii uu Ibliis ugu sheegay “Geedka waaritaanka iyo mulkiga”.Nabi Aadamna waxa uu aqoonta lahaaba ka hor intii aanu cunin geedkan uu ku dagay Ibliis.

Quraanka iyo Dareenka Maqaarka(Sense of Skin).
Maqaarku waa xubinta ugu balaadhan ee jidhkeena ku jirta.Waana xubinta ugu soo xigta xagga dusha sare xubnaheena.Maqaarku waxa uu qabtaa shaqooyin kala duwan kuwaas oo wax tar u leh noolaha.Sida lagu caddeeyay cilmiga barashada maqaarka ama dubka ee loo yaqaano “Dermatology”.Shaqooyinkaas uu maqaarku qabto waxa ka mid:
1.Waa gaashaanka jidhkeena ka celiya xayawaanada yar yar ee sababa xanuunada (Pathogens) ee soo gali lahaa jidhkeena iyaga oo ka imanaya dibada.
2.Waxa uu soo nuugaa Faytamiinka loo yaqaano Vitamin D oo uu ka soo nuugo fallaadhaha cadceeda.Faytamiinkan oo loo yaqaano “Faytamiinka Ileyska Cadceedda”(Sun shine Vitamin).Faytamiinkanina waxa uu lagama maarmaan u yahay lafaheena la’aantiisna waxa dhaca xanuun la yidhaahdo lafo-jilic(Rickets).
3.Waxaa uu ka qaybqaataa qaboojinta jidhkeenu marka uu kululaado.Sidoo kale waxa uu ka qayb qaataa kulaylinta jidhkeenu marka uu qaboobaado ama uu heerkulka jidhku hoos u dhaco.Ama joogtaynta heelkulka (Thermo regulation).
4.Waxa uu nuugaa fallaadhaha kulkulul ee ay cadceedu soo dayso ee loo yaqaan “Ultra Violet Rays”.Kuwaas oo sababa kansarka maqaarka ku dhaca.Waxyeellona u gaysta walaxda hiddaha ee jidhka.
5.Maqaarku waa xubin ka mid ah xubnaha dareen wadka.Waxaana jidhkeena ku jira dareenwadaal kala gadisan oo laba nooc ah, kuwaas oo kala ah:
A.Sensory Neurons oo ah dareen wadayaasha dareenka ka qaada maqaarka ee gaadhsiiya maskaxda(Brain) ama Xangulaha(Spinal Cord).Dareen wadayashaas dareenka ka qaada maqaarku waxa ka mid ah:

Pacinian Corpuscle oo qaada dareenka cadaadiska.
Meisseneirs corpuscle oo qaada dareenka taabashada.
Ruffins end organ oo qaada dareenka qabawga iyo
Dareenwadayaal kale oo qaada xanuunka, kulaylka IWM

B. Motor Neurons oo iyaguna amarada ka soo qaada maskaxda iyo xangulaha soona gaadhsiiya maqaarka.
Haddaba barigii hore lama ogayn in maqaarku yahay xubin dareen.Waxaana loo haystay in maskaxdeenu dareento xanuunka, qabawga, kulaylka IWM.
Laakiin markii la baadhay arrinkan ayaa waxa la ogaaday in maqaarku yahay xubin ka mid xubnaha dareenka ee jidhka.
Quraanka kariimka ah ayaa se arrinkaas ka waramay 1400(Kun iyo Afar Boqol )oo sanno ka hor.Ilaahay markii uu ka waramayay ciqaabta ehlu naarka uu marsiin doono maalinta Qiyaameha waxa uu yidhi:
“Kuwii ka gaaloobay aayaadkayaga waxaanu galin naarta,mar kasta oo uu gubto haragooduna(maqaarkooduna) waxaan ku badalnaa hargo(maqaaro) kale si ay u dhadhamiyaan cadaabka.Ilaahayna waa Caziiz Xakiim ah”.Aayada 56 ee Suurat An-Nisaa.
Sababta uu Ilaahay u badalayo maqaarada gaalada mar kasta oo maqaarkoodu dhamaadaa, waa in ay dhadhamiyaan cadaabka, waayo hadii maqaarkoodu dhinto ma dhadhaminayaan cadaab oo maqaarku waa xubinta dhadhaminaysa cadaabka kulaylkiisaa.
Haddaba miyaynaan odhan Karin Quraanka ayaa 1400 oo sanno ka hor sheegay in maqaarku yahay xubin dareen iyada oo aanu sayniska casriga ahi wali arrinkaas wax badan ka ogaanba?.Jawaabtu waa Haa. Waayo quraanka waxa soo dajiyay Ilaaha abuuray samooyinka iy dhulka iyo Waxa u dhaxeeyaba oo ka cilmi badan cid kasta oo aqoon isu tuhunta.
Haddaba masaladan maqaarka iyo sida uu Quraanku ku jiro.Waxa ay hawlwadeeno ka tirsan haayada Islaamiga ah ee Al-Xaramayn uga warameen Dhakhtar u dhashay wadanka Thailand oo magaciisa la odhan jirey Dr Tejatat Tejasen oo haystay diinta Budiisamka.
Dr Tejatat Tejasen waxa uu Gudoomiye ka ahaa waaxda Anatomyga ee jaamacada Chiang Mai University oo ku talla Thailand.Horena waxa uu u ahaa hormoodka (Dean) facultka caafimaadka ee jaamacadaas.Dr ku waxa uu joogay markaas shirkii 8aad ee caafimaadka ee ka dhaca wadanki Sucuudiga.Gaar ahaana waxa uu markaas ku sugnaa Jaamacada King Abdi Aziz.Markii uu Dr ku arkay xogtii quraanka ku sugnayd ee looga waramay waa uu yaabay !!.Xogtaas oo ahayd in Quraanku sheegay 1400 sanno ka hor in maqaarku ka mid yahay xubnaha dareenka.Isaga oo sheegay in uu Quraanka ku raacsan yahay in maqaarku yahay xubin dareen.Waxa uu se u qaadan waayay in Quraanku sii sheegay cilmi dhawaan la daahfuray dhawaan 1400 sanno ka hor.
Drka waxa la waydiiyay suaal ahayd:Miyay suurto gal tahay in Nabi Maxamed SCWW uu xogtaas ka helo bani aadam ama dad?Dr Tejajat Tejasen waxa ku jawaabay “Macquul ma aha in cilmigaas laga helo bani aadam xilligaas”.Drkina waxa uu codsaday in loo sheego cidda laga helay warbixintan saxda ah 1400 sanno ka hor?Waxaana loogu jawaabay xogtan waxa laga helay Ilaahay oo ah Macbuudka dhulka abuuray.Hadii xikmad la helona Ilaahay ayaa laga helaa waayo isaga ayaa Xakiim ah.Hadii Cilmi la helona isaga ayaa laga helaa oo Caliim ah”.
Professor ama Dr Tejatat Tejasen waxa uu garwaaqsaday warbixinta waafiga ah ee laga siiyay Ilaahay iyo Quraanka Shariifka ah.Markii uu wadankiisii ku laabtay.Ayuu ardaydiisii uga waramay sida uu Quraanku uga hadlay maqaarka iyo mawduucyo kaleba.Waxaana hadalkiisii ku islaamay shan ka mid ah ardaydiisii !!.Waa Ilaahay mahadii.
Sanad kadib ayuu Dr Tejatat Tejasen ku soo laabtay dalka Sucuudiga waanu istaagay isaga oo erayadan leh “Saddrxdii Sanno ee u dambeeyay waxaan xiisaynayay Quraanka oo uu Sheekh CabdilMajiid Az-Zaydani I siiyay sanadkii u dambeeyay.Waxaan rumaysanahay in wax kasta oo aan shirkan ka arkay iyo wax kasta oo uu Quraanku qorayba ay run yihiin isla markaana lagu caddayn karo Saynis ahaan.Muxamadna waa Rasuulkii Ilaahay, Quraankan runta ahina waa mid uu Ilaahay ku soo dajiyay Nabi Maxamed.Ilaahayna waa Abuuraha u qalma inuu wax abuuro.Imakana waxa la soo gaadhay wakhtigii aan odhan lahaa Laa Ilaaha illa Laah ee aan islaami lahaa”.
Halkii ayuu ku islaamay Dr Tejatat Tejasen oo markii hore haystay diinta Budiisam ku.Waxaanu caddaymihii quraanka u turjumay luqada wadankiisa oo ah Thai.Sido kale waxa uu duubay cajalado ka waramaya sida uu Quraanku bari horeba u sii sheegay waxyaabo hadda ku cusub tijaabooyinka casriga ah ee Sayniska.
Ilaahay ayaa mahadleh innaga dhigay ummad Islaam ah.Oo aan inaga dhigin qaar caabuda Asnaam aan waxtar lahayn.

Wixii Talo Iyo Tusaale ah waad ii soo diri kartaa.

Rabanaa laa tu aakhidnaa in nasiinaa aw akhda’anaa.

Siciid Maxamuud Gahayr
002522 2 4428604
saedmgahair@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: