NINKII WARAABAHA GEELA RAACSADAY MUXUU UGA AAYEY

NINKII WARAABAHA GEELA RAACSADAY MUXUU UGA AAYEY

Ninkii Waraabaha Geela Raacsaday Muxuu uga Aayey?

Madaama aynu nahay mujtamac islaam ah waxa inaga madnoocan cunitaanka xaaraanta.Sida ku cad xadiis diinteena ka mid ah ayaa waxa dhacday maalin maalmaha ka mid ah in scw Rasuul keenii suubanaa maxamed iyo asaxaabtii oo fadhiya meel, In inan yari ku soo tuuray dhagax. Waxa la is weydiiyey inanka yar oo aabihii fadhiyey goobta. Rasuulku wuxuu yidhi waa xaraami inanku. Wiilka aabihii oo goobta fadhiyey ayaa hadlay dabeeto.Wuxuu yidhi rasuul alaw anaa dhalay ee siduu garac ku noqday inankaygu?Scw rasuulku wuxuu yidhi dabeeto maxaad cuntay kolka uu calool galay ilmuhu. Nin kii ayaa yidhi xabad timira oo geed nin kale hoos taaley. Wuxuu u sheegay dabadeed in ay xaaraan ku ahayd sidaana uu ilmuhu kaga noqday xaaraan.

Waxa hadaba isweydiin leh dawlada Somaliland wakhtigii doorashadii 2003 gii dhacday wax boob ah oo ay u gaysatay cod bixintii ma jirtaa kaadh kaliya ha noqotee? Waxaan filayaa inay jawaabtu haa noqonayso. Mar hadii khalad ay wax ku qaadatay sidaa ayay dawladu ku noqonaysaa dawlad xaaraan ah. Waa qodobka ugu yar tani hadii aan tusaale ka dhigano.mar hadii dawladu noqotay sidaa aynu soo sheegnay, waa maxay waxa aynu ka filanaa. Ma noqon kartaa dawlad xalaal quudad ah oo xalaal ugu shaqaysa shacbigeeda? Jawaabtaydu waa maya marka aan isweydiiyo kaligay. Waxa loo baahanyahay in la lafo guro oo si hufan loo baadho loona soo bandhigo cadaymo iyo ifafaaleyaal aynu ku kala xaqiijino. Tusaale waxaan ka dhiganayaa anigu oo naftayda ku qanciyey inay dawladu xaaraan tahay oo waxan ku xaqiiqsanayaa. Waxaan eegay dawladu habka ay u shaqayso. Ka bilaw, laaluush, musuqmaasuq, hanti boob dawladu boobtay hantidii iyo dhulkii shacbigu lahaa.cashuuraha oo aan si sharci ah lagaaga qaadayn hadii aad xafiis dawladeed gashid. Waa in lagu meermeeriyaa maalmo iyo bilo oo kolba marmarsiiyo iyo madadaalo laguu saaraa. Iyada oo lagu caajisiinayo oo lagu xashayo,lagu ruxruxayo ilaa hanti dheeraad ah lagaa cuno oo mudo aad kolba soo noqnoqotid. Tiiyoo aan cashuuraha iyo shaqada xafiisyada dawlada loo dheelitirin laguna miisaamin nolosha dadku ku noolyahay iyo wacyiga ka jira dalka. Tusaale, waxaad cashuuraysaa gaadhi ama guri. Waxa waajib ah in la eego qiimaha shaygu ka joogo wadanka iyo caalamkaba. Waxa waajib ah in la eego nolosha shacbigu ku noolyahay iyo duruufo-hooda. Waa in cashuurtu noqotaa kolkaa percentage aad u yar oo aan qofka taabanayn noloshiisa.waxa kale oo la qiimeeyaa wadanka iyo shacbiga dhaqaalihiisa. Kolkaa ayaa la xukumi karaa hadii dhaqaalaha dadku ama dalku aad u liito oo ay ka jirto shaqo la’aan oo aanu qofku soo saaraynin dhaqaale ku filan noloshiisa shakhsi sida meceeshad, hooy uu galo. Waxa waajib ah in ay dawladu ka dhigtaa cashuurta .05 percent. ama boqolkiiba shan. Waayo marka aad eegto caalamka ree yurub iyo aduunyada kale. Qofku wuxuu soo saaraa bishii $1000. dollars ugu yaraan balse ay jiraan dabaqado ilaa 5000. bishii sameeya.kolkaa qofka bishii 1000 samaynaya waxa loogu qiyaasay cashuurta dalka .10 boqol kiiba toban. Waa dalalka dadkoodu sheqeeyo ee ay shacbigu wax soo saaraan qof isagu is dayacay mooyee. Waxa iyaduna jirta in dawladaha caalamku ay caawiyaan dadkooda kolka ay shaqo la’aantu jirto. Waxay u ogolyihiin hadii uu qofku sameeyo $700 dollar iyo wixii ka hooseeya waxay ku kabaan dhaqaalihiisa inta ka dhiman kadib kolka ay qiimeeyaan cost ga nolosha meeshaasi ama magaalada uu ku noolyahay. Waxa iyana lagama maarmaan ah inay hubiyaan in qofku helo hoy ama guri uu ku noolaado oo kalkaa ay siiyaan hadii uusan lahayn. Hadaba dawladeenu iyada oo aan intaa midna ka caawineyn baahida shicibka, waa khalad in cashuur lagu dhibaa shakhsiga. Waayo shacbiga wadanka ku nooli waa wada bilaa shaqo, waa wada bilaa mustaqbal oo lamaba tartami karaan nolosha caalamka ka jirta maant.Waxa isweydiin leh hadii aanu qofka muwaadinka ahi sooba saarin shilinba xagee ayuu ka keenaa cashuur.

Midhka labaad kolka shacbi cashuur laga ururinayo waxa lagu qabanayaa waa inay ka muuqataa dawlada iyo dalka. Sida dhismaha laamiyada, goobaha waxbarashada, caafimaadka, biriishyada isaga talaaba wabiyada ama dooxyada, biyaha iyo laydhka oo ah daruuri koowaada, iyo xafiisyada dawladaba. Isweydii, Maxaa laga qabtay dalka ee ka muuqda maant? Muwaadiniyadu maaha in dalka iyo dadka loo soo shaqo tago oo laga shaqaysto ee waa in loo shaqeeyo iyaga. Nolosha iyo duruufaha ka jira dalka ayaan ah qaar aan la qiimaynin haba yaraatee. Waxa kale ee aan ku xaqiiqsanayo ayaa ah, bal eega dhismaha dawladeed ee ka taagan maanta dalkeena. Ka eeg xulashada wasiirada uu soo doortay madaxweynuhu. Cawil oo ahaa nin kii jawaanada ugu soo guray siyaad barre dadka nool nool 1989 isagoo safiir ka ah Kenya magaalada Nairobi. Isagoo dad kiisii la xasuuqayo xilka u hayey siyaad barre ee u adeegayey ugana dhex shaqaynayey dadkiisa ee loo adeegsanayey. Isagoo maantana aad ka aragto musuq maasuqa iyo kaba qaad nimada uu ku hoos joogo maamulka khaldan.

Cabdilaahi cirro wasiirka daakhiliga oo ahaa ninkii haystay ee hor taagnaa 21 ka sano jeelkii la odhan jiray godka. Waa halkii xiniinyaha lagaga saari jiray raga ee lagu gumaaday ragii dalkan u dhashay ee aqoonyahan,siyaasi, waxgarad, arday iyo odayba lahayd. Waa halkii lagu dhufaanay kornayl Galaal. Miyaanu isagu ahayn kii dhufaanayey ee raga xiniinyaha kalbada kaga qaban jiray. Kii qaabilsanaa ciqaabida iyo jidh dilka shacbiga.Waa ka hadana kula dhex dhacay in uu xidhxidho siyaasiyiin aan geed loogu soo gaban xadhigooda iyo xabisidooda. Waliba kuwii xoreeyey dalka ee shacabku shaadhkooga xabada kaga gabanayey kol kii la gumaadayey ee uu isaguna ahaa kii gumaadayey ee hor fadhiyey jeelka. Waa ka odayadii beelaha ee shirarka ay kaga tashanayaan aayaha beelahooda iyo arimaha qoyskooda ka hor istaagay inay wax shir la yidhaa isugu yimaadaan oo qabsadaan. Waxa la yidhi ninna camalkiisa ma daayo bahalna bakhti. Waa tobabarkii digtaatooriyada ee uu ku hana qaaday. Isagoo imikana shaqadiisu noqotay in uu basaaso oo u hanjabo xidhxidho, kolba afarta oday ee meel ku shiraysa. Isagoo shaqadiisii iyo kala garan la in uu mafrishka afar inan oo yaryar ama afar oday fadhiyaanba in uu dhaga dhageeyo oo basaaso. “Maxa laga hadlayey mafrish hebel, maxaa ka socda guriga hebel”. Isagoo baalo daymaha sanqadha shimbiraha ciyayaa uga baxayso hareeraha. Cuqubadu halkii lagu galay ayey gogol ku jiiftaaye. Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abid. Iska dhimo geeridu mar bay nolosha dhaantaaye. Labadaa oo qudha kolka aan ka tusaale qaadano. Inagaa noqonay sidii ninkii waraabaha ku yidhi geela ii raac dabeeto weli ka sugaya inuu u soo nabad xareeyo geelii ilaa maanta.

Waxa xaqiiqo noqonaysa oo aad arkaysaa in dawladu ay tahay xaaraan. Ma ka sugnaa dawlad xaaraana in ay inagu maamusho cadaalad, diin, dhaqan, shareeco iyo dastuur aynu leenahay iyo kii ilaahay midnaba? Waxa dawladu fasaxday fusuqa wadanka saameeyey gabi ahaanba.Waxba kama qabato ee iyadaa horseed u ah xumaha iyo xaaraanta. Hore ayaa loo yidhi hal xaaraan ahi nirig xalaalaya ma dhasho.Sidaa darteed kama filayno dawlad xaaraana inay dhasho maamul iyo shaqo wanaag xalaala.

Qalinkii. Fuaad Cumar

26/2/2009

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: