MAQAAL TAXANAHA SANADKA 2009 BY FUAAD ISMAACIIL CUMAR

MAQAAL TAXANAHA SANADKA 2009 BY FUAAD ISMAACIIL CUMAR

Taxanaha sanadka 2009/27/2

Faraqa u dhexeeya Aqalka cad ee maraykanka

iyo

Madaxtooyada Somaliland.

Taariikhdii aqalka cad

Hadii aynu nidhaa wax ka taabta taariikhda aqalka cad ee maraykanka iyo kala duwanaanshaha u dhexeeya madaxtooyada Somaliland. Runtii waa mid aad u daba dheeraanaysa oo aan lagu soo koobi Karin maqaal kaliya iyo maalmo cayiman. Waa hadii aan Qodob qodob usoo qaato oo aan ugu dhaadhaco ama ugu talax tago. Anigoo isku dayaya in aan si historic ah u taabto qodob kastana aan sidiisa uga hadlo.balse Waxaan halkan idiin ku soo bandhigi doonaa si guud ahaaneed si aan usoo koobo. Hadaba aan ku horeeyo aqalka cad ama white house ka maraykanka maadaama uu ka taariikh dheeryahay madaxtooyada Somaliland. Anoo ka bilaabaya wakhtigii la dhisay

iyo cidii dhistay.

Waxay ahayd qasriga madaxtooyo oo qayb ka noqda “city of Washington plan” fikradii engineer piere L’enfant. Kaas oo ahaa nin faransiis ahaa. Waxay ahayd nashqadii 1700s kii ee Georgian houses ka loo dhisi jiray. Hadaba octobar 13 1792 waxa madaxwayne ahaa george washinton iyo xaaskiisa oo ahayd Martha oo kolkaa aan nasiib u helin inay guriga wakhtigaa ku noolaadan. Iyadoo loo xilsaaray inuu dhismaha fuliyo ama dhiso nin irish ah oo la odhan jiray James Hoban. Isaga ayaa design-ka ama nashqada diyaariyay isla markaana dhisay.Waxa guriga hadaba la gaba gabeeyey dhismihiisa dhamaad kii xukunkii John Adams oo usoo guuray guriga wakhtigii ay taariikhdu ahayd november 01 1800 kii.iyadoo uu talada dalka la wareegay1797 kii haystayna ilaa 1801 kii. John Adams ayaan wax badan oo alaab ah ama furniture ugu iman guriga. Hadaba arinta cajaa’ibka lahayd ayaa waxay tahay maalintii uu usoo guuray galabnimodii ka dambaysay in uu madaxwayne John Adams oo ahaa madaxwaynihii ugu horeeyey ee nasiib u yeeshay inuu ku noolaado ama wakhtigiisa halkaa ka taliyo isla markaana ahaa kii labaad ee xukuma dalka maraykanka ayaa u qoray xaaskiisa warqad uu ugu ducaynayo gurigan qiimaha badan iyo sumcada ku leh caalamka aynu ku noollahay maanta. Wuxuu Madaxwayne John Adams ku duceeyey ducadan,, “I pray heaven to bestow the best of blessings on this house and all that shall hereafter inhabit it. May none but honest and wise man ever rule under this roof”. Oo macnaheedu yahay waxaan samooyinka janada waydiisanayaa in ay gurigan usoo dajiyaan barakooyinka kuwooda ugu sareeya isaga iyo intii ku noolaan doontaba midba mid ka bacdigiisa, In aanu ka talinin nin daacada oo saaxibul caqli ah mooyee mid kale saqafkan hoostiisa..

Ducadan ayaa waxa amray in gidaarada qaybta cuntada guriga lagu xardho madaxwayne Frankling D Roosavelt, wakhtiyadii dambe.waxa isagu u dalbaday furniture nooca faransiiska ah madaxwayne Thomas Jefferson oo ahaa Madaxwaynihii sedexaad ee soo xukumay aqalka cad.Hadaba gurigan aqalka cad loo yaqaano ayaa soo maray isbedalo fara badan iyo taariikho kala duwan tan iyo wakhtigii la aassaasay. Waxa hadba wax ka badalayey ama wax kusoo kordhinayey madaxwayneyaashii soo maray iyo xaasaskoodii. Kuwaa oo mid waliba xukun kiisa iyo isticmaalka ku kala duwanaa.balse aragtida gurigan ayaa ah mid dastuuri ah oo cidii timaadaba ay ku dhaqmaan dastuuur u dagan dalka. Wakhtigii hadaba 1814ayaa waxa dab qabadsiiyey ciidamo ingiriis ah. Iyadoo ay Dolly Madison oo ahayd xaaskii Madaxwayne James Madison ka (continue)page 2:::::::::::::::::::::>

Taxanaha sanadka 2009

Faraqa u dhexeeya.

Taariikhdii aqalka cad

waxa aynu marayney 1814 oo ciidamadii ingiriisku gubeen aqalka cad ee mareykanka. Dolly Madison oo ahayd xaas kii madaxweyne James Madison ayaa ka badbaadisay dabkaa sawiro kuwa gidaarada la sudho ah oo midkood yahay bilaydh silver ah ka kalena ahaa portrait uu sawiray Gilbert Stuart, Labadaasi oo ahaa sawiradii madaxwayne George Washington. Waxa khasab ku noqotay qoyska madaxtooyada wakhtigaa inay ka qaxaan guriga.

Waxa hadana loo xil saaray inuu guriga dib u habeeyo ninkii dhisay oo ahaa James Hoban, ninkaasi oo sidaan hore usoo sheegay ahaa Irish born ama nin u dhashay Irland. Mr: Hoban waxa uu go’aansaday inuu Cadaan ku rinjiyeeyo gidaaradii uu qiiqu madobeyey. Waxa dhamaystiray hawsha furniture-ka iyo qalabaynta madaxwayne James Monroe oo ka dambeeyey Madison. Iyadoo congress kii wakhtigaasi ay aad ula gacan qabteen qalabaynta. Isagoo waliba ku caawiyay furniture isagu uu lahaan jiray oo ahaa nooca French ga. Xaga khaanadaha iyo kabadhada waxa sameeyey wakhtigaa Pierre-Antoine bellange oo aha nin u dhashay dalka fransiiska magaalada paris. Waxa la dhigay iyana sedex marble oo ahaa Columbus ama Christopher Columbus, Amerigo Vespucci and George Washington oo lagu soo iibiyey qiimaha $100 dollars xabad kasta, kuwaasi oo ahaa sida la rumaysanyahay qaar uu sameeyey nin talyaani ahaa oo la odhanjiray Cerracchi. Madaxwayne Monroe ayaa hadana dhisme ku kordhiyey 1824. Waxa iyana mudan in aan xasuusnaano in dalka maraykanka wakhtigaa ay ka jirtay colaad gudaha ah iyo tu dibadeedba. Oo ay maamuladii faransiiska, ingiriiska iyo boortaqiis dhamaan isku dayayeen inay xoraystaan oo qabsadaa. Oo waa ta ay 1814 ciidamadii british expedition oo gudanayey gubitaanka York Canada ay gubeen aqalka cad wakhtigii Madison.

Madaxwayneyaashii wax ka badalay dhismaha ayaa waxa ka mid ahaa hadaba , Thomas Jefferson, Theodore D Roosevelt iyo Harry Truman 1948, iyo Qaar kale oo badan oo aanan halkan ku wada magac dhabi kareyn, oo waxyaabo ku kordhiyay hadba sidii ay baahidu u soo badato, maadaama tirada dadka ka shaqaynaya iyo dadka imanaya ay marba marka ka dambaysa aad uga soo badanaysii intii wakhtiyadii hore.Waxa iyana mudan xusid in isbadal badani soo maray gurigan dhinaca dhismaha haday noqoto laydhka, iyo iftiiminta gudaha, bihaha, dabka oo wakhtigii hore lagu karsan jiray madbakh aan lahayn gasline ama gaasta wax lagu kariyo oo iyada loo sameeyey 1850 gii.waxa kale la badalay in la galiyo heat ama kulayliyaha guriga iyo biyaha kulul.

Hadaba maamulka faraha badan ee soo maray aqalka cad ayaa mid waliba afkaar ahaan iyo shakhsi ahaanba ka duwanaa ka kale. Balse aad moodaa inay ka midaysnaayeen gabi ahaanba in mid waliba wax ku soo kordhiyo gurigan kagana tago taariikh lagu xasuusto dhinac kastaba ha qusaysee.

Aqalka cad ayaa hadaba maanta noqday meel runtii caalamka ka iftiimaysa oo ka muuqata. Marka la xasuusto aqalka cad ama magaciisa lasoo qaado, ayaa bulshada caalamku u taqaanaa ama ku xasuusataa meel ay ku ladhantahay(democracy) ama—

dimuquraadiyad. Waliba gaar ahaan dadka maraykanka ah iyo ree yurub. Aniga oo aan hilmaansanayn in inbadan oo caalamka ahi u aragto inuu ku hayo cadaadis iyo

dhibaatooyin iyo fara gelin siyaasadeed ama dhaqaale ama xag dhaqanba. Hadana wuxuu u adeegaa dadkiisa, oo waliba si cadaalad ku dheehantahay loogaga taliyaa dalka. Tusaale, Waxa dhacday in madaxwayne Bill Clinton lagu qaaday maxkabad iyadoo lagu eedeeyey inuu dambi macsiya ku galay aqalka cad. Kadib inta lagu qaaday hadana la cafiyey maadaama uu yahay madaxwaynihii dalka. Balse isaga iyo shacbigiisu ay sidaa ugu sinaayeen sharciga dalka.

Halka Kalena waa tan Madaxtooyada Somaliland ay ka xidhxidhay shacbi, suxufiyiin iyo siyaasiyiin iyadoo waliba aynaan ka arkayn maxkamad cadaali ah oo gorfaysa gartooda..

Waxa isweydiin mudan, aqalka cadi sumcad isuma yeelo ee maxaa ka dhigay meel lagu garto xoriyad ama dimuquraadiyad oo xoriyad iyo maamul wanaag ku dheehnaado? Waxaan filayaa inay jawaabtu aad u fududahay. Waxa ka dhigay dastuurka ay umadi samaysato oo madaxwayneyaasha ay doortaan si fiican, hufan u ayidaan uguna taliyaan. Dastuurkan ayaa nin waliba ixtiraamayaa oo markastaba laga badalayaa qodobada loo arko inay haboontahay in wax laga badalo. Dastuurka ayaan ahayn mid madaxwayne kastaaba ka badali karo wuxuu doono oo aanu mid kastaba u dhigan sida isaga u fiican ee uu jecelyahay. Dastuurkan ayaa ah mid madaxwayne kastaaba ayido oo hadii loo baahdo in wax laga badalo waa in ay shacbigu u codeeyaan qodobka wax lagu kordhinayo ama laga badalayo. Shacbiga ayaa xor u ah inay iyagu u codeeyaan oo ay ka fakaraan kadib kolka loo soo bandhigo, madaama uu saameyn ku yeelanayo noloshooda. Hay’ada sharci dajinta ayaa iyana u xilsaaran inay naaqishaan oo diyaariyaan wixii u baahan in la badalo ama in laga soo saaro qodobo sharci ah oo cusub. Hay’ada sharci dajinta ayaa iyadu ka kooban aqoonyahano ku xeel dheer sharciga oo u leh takhasus iyo waliba waayo aragtinimo dheeraada. Waxa laga soo xulaa lagana soo doortaa lawyers ama sharci yaqaano,amaba qareeno dalka oo dhan iyadoo laga soo dooranayo qareenada shacbiga ah ama private ka u shaqaysta. Iyagoo qareenadu leeyihiin gudi guud oo la shaqaysa hadba general attorney ga gobol kasta leeyahay.

Hadaba bal aan iswaydiino in madaxtooyada Somaliland ay noqon doonto meel sida tan oo kale iyo in aanay noqonayn. Waxaan filayaa in xukunka soo maray tan iyo intii aaynu dawladnimada qaadanay aanu kolna saxsanayn. Waxa aynaan lahayn ama samaysan dastuur sida kan oo kale loo ayido oo loo ixtiraamo. Madaxda aynu doorano ayaa hadba u dhigta sharciga sidii iyaga u hiil noqonaysa.iyagoo waliba xad-gudubyo cad cad ka gaysanayso dawlad kastaaba sharciga. Sharcigeena oo aan laga badaleynin waxyaabaha aan u aragno kolba in madmadaw ku jiro. Shacbiga laftiisu xadgudubyo ayuu ku samaynaya sharciga balse waxay kala mid-yihiin bulshada caalamka. Taa macnaheedu waxa weeyi bulsha waliba way leedahay dad ku xad gudba sharciga, balse waxa jira laamo dawli ah oo loo xil saaray ilaalinta sharciga, kuwaasi oo ay tahay inay abaalkeeda mariyaan cidii ku xadgudubtay. Sidaana loogu kala dambeeyo, haday tahay, dawlad, hay’ad, shacbi, laaji dhamaantood. Macnaha yaanay noqon nin walooba waxaad doonto yeel iyo anaa xoog wayn. Muwaadin kastaana ogsoonaado in sharcigu isaga u shaqaynayo. Xoriyada shacbigu sugayo ayaa ka aradan arimaha soo foolleh.

Taxanaha sanadka 2009

Faraqa u Dhexeeya…

Sharciga & suaalo.

Hadaba, inta aynaan ku dheeraanin tilmaamida faraqa inoo dhexeeya caalamka aan idiin dhex dhigo suaalo dadka qaar iswaydiinayan. hadii maamulka Daahir Riyaale doorashada 2009 ka laga helo ma ka tagi doonaa dalka? Ma u wareejin doonaa xilka si sharaf leh? Ma abuuri doonaa isku dhac beelo lagu sameeyo? Oo laga yaabo in la fuliyo inta doorashaba aanay dhicin si loo yidhaa dagaal ayaynu ku jirnaa oo la qaban mayo doorashaba? Amaba sidii C/raxmaan Tuur ma odhan doonaa Somaliland ma jirto? Daahir ma tagi doonaa xamar isagoo ka doonanaya kursi iyo shaqo horleh? Waa su’aalaha dad badani iswaydiiyo. Xaqiiqo ahaan arinta doorashada iyo arimo badan oo kaleba waa kuwo looga fadhiyo madaxwaynaha. Dadkuna waxa ay doonayaan ay tahay inay helaan war cad oo aan madmadaw ku jirin.

Fikirkayga waxaan qabaa in Daahir sidii umada ree Somaliland ugu dhiibatay xukunka uguna dooratay iyadoo ay ka dhex doorteen rag badan oo kale in uu si sharaf leh ugu wareejin doono oo aan isqabqabsi iyo doqoniimo toona lahayn. Waxaan filayaa inuu ixtiraami doono mujtamacii faraha badnaa ee doortay uuna si sharaf badan uga dagi doono waa hadii aanu doqon ahayn. Waxaan filayaa in hadii uu xilka wareejiyo uu ogsoonaan doono inuu yahay nin huwan magac ay umada ree Somaliland u samaysay oo uu qadarinteeda awgeed aanu hoos tagi doonin koonfur. Waxaan filayaa colaadaha laga aloosayo galbeedka dalka inaan laga dhigan gabood loo sameeynayo doorashadu yay qabsoomin. Waayo waa sharci daro iyo dimuquraadiyad la aan in doorasho kolba loo joojiyo xaalado la abuurayo. Waxa mudan tilmaan marmarsiyaha maanta taagan, in ay haboonayd in wax laga qabto intii maamulka ay dawladu haysay. Maanta se waa xil ay dawladu lahayd gudana weydey. Kolkaa waa inay xilka ku wareejisaa cidii gudan karta ee loo igmado. Kolka yey noqon arimaha wadanka ka jiraa qaar marmarsiiyo iyo gabood looga dhiganayo in lagu raadiyo oo lagu doonayo wakhti korodhsi. Waxa khaldan dimuquraadiyad iyo masuuliyad la’aan ah in dawladi u baajiso doorashadeeda dhaqaale ay bixin waydo, iyo shisheeye laga sugo toona. Dawladu waxay ka masuul tahay in doorasho kastaba maamulka jiraa uu u diyaariyo gabi ahaanba waxyaabaha loo baahanyahay oo aan kolnaba dib loo dhigan hadii dagaal jiro iyo hadii kaleba. Iyadoo ka masuul ah qabashada doorashada dawladu ayey tahay xilkii loo dhiibtay inay soo qabanqaabiso mudo horena diyaariso waxkasta oo loo baahanyahay. Waxa madaxwayne loogu doortaa dal maaha kursi uu ku fadhiisto ee waa in uu xilka loo doortay dhamaystiraa oo waliba dalka u diyaariyaa doorashada iyadoo waliba ay munaasib tahay in doorashada laga dhigo mid ku qayaxan dastuurka, maalin cayiman, hanti cayiman, oo aan cidina korodhsan Karreyn badalina kareyn. Waxa khalad dastuuriya ah in wareegto iyo madaxwayne midna looga fadhiyaa qabsoomida doorasho xalaala.Waxa mudan isweydiin ma u baahanahay in aynu dastuurka wax ka badalo qodobka doorasho ee quseeya si looga dhigo mid aan bari ka maalin looga fadhiyi doonin madaxwayne kasta oo inasoo mara qabashadeeda shuruucdeeda iyo budget keedaba? Dastuurkeena ayaad moodaa in madmadaw badani ku jiro oo aan dadku ka fiirsan oo aan loo soo bandhigin oo aanay dadku garanayn . iyadoo inta durbaan laynoo qaaday layna yidhi u codeeya dastuurka Somaliland gooni isu taageeda.100/97 ayaynu ugu shubnay balse waxaan filayaa dastuurku waxa uu dhigayo in la inoola yimid uun inta la inoo soo qoray. Waxay aniga fakir shaqsiyeedkayga igu kooban ila tahay in dib loo naaqisho ama dib loo dhuuxo oo si fiican oo hufan dastuurka looga dhigo mid qofna sida uu doono u badalan Karin. Waayo dadka hadhaw dastuurka iyo sharciga loo adeegsanayo ee ay noloshooda saameynaysaa waa inaga shicibka ah. Sharcigeenu waa inuu noqdaa mid aan cidna saaxiib iyo garab toona u ahayn. Mid ay u sinaadaan madaxweyne ilaa keena danyarta ah ee u hooseeya. Wuxuu yidhi faarax nuur “nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maal”. Waxaan ka wadaa sharciga aynu samaysanaa yuu noqon mid inaga la inoo adeegsado oo shicibka oo kaliya qabta ee ha noqdo mid qabanaya cid kasta oo ku xadgudubta. Waayo maanta waxaad moodaa inuu sharcigu qabto oo kaliya shicibka ree Somaliland waliba gaar ahaan nin aan lacag lahayn iyo danyarta.

Taxanaha sanadka 2009

Faraqa u dhexeeya aqalka cad ee mareykanka

iyo Madaxtooyada Somaliland

Musuqa maanta iyo maal korodhsiga.

Waxay somaalidu tidhaa, Faraska waxa usha loogu dhuftaa waa ha’ka baddiyo. In badan ayay saxaafada, shacbi waynaha, iyo siyaasiyiintuba cambaareeyeen oo wax badan ka tilmaamayeen khaladaadka maamulka jira maanta. Ujeedadu maaha in wax uun laga sheego ee waa ha’ka badiyo maamulku heerka uu hadba marayo. Si ka duwan sedan ayaad moodaa hadaba inay dawlada jirtaa u fasirato aragtida dadkeeda. Waxaad arkaysaa dawlada oo la ficiltamaysa , la xintamaysa, la xafiiltamaysa dadkeedii xilka u dhiibtay. Dawlada ayaad mooda in ay xilkii iyo hawshii loo caleemo saaray ku ilawday iska ilaalinta odhaahda siyaasiga, iyo aragtida dadkeedu ka bixinayaan iyo hebel iska celi. Hadaba ma barbar dhigi karnaa maamulkeena maamulka mareykan?

Waa maya jawaabtu . Inaga oo ogsoon in maamulka maraykan gobol ka mida oo kaliya aynaan kala sinayn xaga dhaqaale siyaasad, iyo dhisme toona ayaa hadana waxa laga qiyaas qaadan karaa oo kaliya hab maamulka dawladeenu u isticmaasho waxa gacanta inoogu jira. Waxa dal horu mar ku gaadhaa ilaha dhaqaale ee uu leeyahay oo uu u isticmaalo si aqoon, xilkasnimo,daacadnimo, musuq la’aani ku dheehantahay oo danta umada iyo dalkuba ugu jiraan. Haday noqoto wakhtiga fog iyo hadii ay noqoto wakhtiga dhawba. Waxaad eeg taa oo kaliya waa intee mushahaarka madaxwaynaha maraykanku? Halka madaxwaynaheena ay qasnadu u dhex taalo aqalka. Maamulkeena iyo hab maamulka mareykan u maamulo dhaqaalihiisa iyo siyaasadiisa ayaa hadaba sidaa u kala duwan. Xisaabi hantida musuq maasuq kaga baxda xafiisyada iyo shaqaalaha dawladeena calaa maalin. Waliba ogsoonaw kharashkan musuqa ku baxaya maalin kastaa wuxuu dhabar jab ku yahay shacbiga. Waayo iyaga ayaa laga soo gurayaa hantidan la khasaarinayo. Musuqa ina haystaa wuxuu ka bilaabanayaa madaxtooyada ilaa uu saameeyo shakhsiga ugu hooseeya ee dawlada u shaqeeya.

Hadaba tan oo kale ayaan ka dhicin dalka maraykanka oo aan marna suurto gal ka ahayn. Cidii samaysa musuq iyadaa u qoolan. Waxaan ogayn Martha stuart oo taajiriinta ugu waawayn ah sidii loogu xidhay musuq been abuur.waxa iyaguna la mida maamulayaashii bangiyo gaar ah. Waxa iyana mudan xusuus sidii loo galay governor kii illinoi ee lagu soo eedeeyey in uu iibi islahaa kursigii golaha senate ka ee uu ka kacay president Obama. Waxa iyana mudan xusuus sidii mr Obama loogu eedeeyey inuu gacansaar laaluush la leeyahay qolyihii Canadian ka ahaa wakhtigii doorashada kadib markii uu kulan la yeeshay. Kama dhacaan hadaba kamana jirto tani oo kale dalkeena. Maamulka maraykan ayaa dadkiisa u ogol inay iyaga oo kaliya shirkado wax soo saar samaystaan iyadoo dawladu ka caawinayso maalgalinta warshadaha iyo wax soo saarka. Iyadoo shakhsiga muwaadinka ah loo ogolyahay in uu soo bandhigo fakir ganacsi oo uu faaiido ku gaadhi karo ka dib la amaahinayo wixii dakhliya ee uu u baahanyahay balse waa inuu isagu la yimaad hanti iyo fakir hufan kolka hore. Halka ay dawladeenu u xidhay ajnabi ilihii dhaqaale sida patroolka, dhoofinta xoolaha, shirkadaha diyaaradaha, kaluumaysiga, macdanta iyo wixii la mida.dhamaan kuwaasi oo ay shacbigu ka heli lahaayeen shaqooyin.

Hadaba si aan u soo gaabiyo mawduuceenu wuxuu ahaa ma barbar dhigi karnaa dawladeenai tan dalka maraykanka amase guud ahaan madaxtooyada soomaaliland ma barbar dhigi karnaa tan maraykanka?

Jawaabtu waa maya. Waayo dawlada maraykanku waxay u shaqaysaa dadkeeda, u shaqaysaa dalkeeda oo markastaba bilo gudohood ayaad arkaysaa isbedelka siyaasadeed dhaqaale, dhisme ee ay ka wado dalkeeda. White house ku waa dawlad ku shaqaysa sharciga u yaal dalka oo aanu baal mari Karin madaxwayne walaa wasiir midkoodna.waa dal doorashadiisu tahay dimuquraadiyad shaqsi waliba codeeyo oo danaynaya in uu wax saamayn ku yeesho shuruucda iyo maamulka dal kiisu. Dadka iyo madaxduba waxay u simanyihiin sharciga ay dhigteen kuna dhaqmaan. Dadkeeda ayaanay xidhxidhin, suxufi, siyaasi, odayaal iyo cid kale toona si kastaba ha uugu kacsanadeen maamulka kolkaa jira ee. Dadka ayaa xor u ah mudaharaadyada, saxaafada xorta ah, waxaan odhan karnaa waa xoriyad dhab ah oo uu ku dhisanyahay dalka maraykanku.

Daahir waa kaa

Halka maamulka Somaliland kii hore haday tahay iyo kan jira hadii ay tahayba aanu sharcigu qaban madaxda. Halka shacbigeenu noqday kuwo laga shaqaysto oo aan waxbaba loo qaban.waxa iyana aan ka muuqan madaxtooyadeena dhismihii qasri madaxtooyo iyo muuqaalkii madaxtooyo. Sidoo kale waxa ka maqan dimuquraadiyadii, horumarkii dal, iyadoo laaluush inlaysa siiyaa ay caado ka noqotay aqalka madaxtooyada. Halka madaxdeenu ay yihiin kuwo ka shaqaysanaya shicibkii ay u shaqayn lahaayeen. Halka Madaxwayneheena iyo maamulkiisu ku hawlanyihiin hebel iska dhici iyo suxufiga wax inaga qoray soo xidha oo u awood sheegta dadkiina.Waxaan filayaa in aynaan ka filayn cadaalad maamulka caynkaas ku sifoobay.Waxa mudan iswaydiin Madaxweyne Daahir Riyaale marka uu isticmaalayo awooda ciidan, ee uu ku xidhxidhayo suxufiyiinta, kuna dalbanayo ciidamada xafiisyada axsaabta kale miyaanu u arkayn inay tahay waan idinka xoogweynahay iyo car juuq dhaha? Mida kale ayaa ah Dadkan uu xidhxidhayo miyaanay ahayn dadkiisii, waliba uu u ahaa madaxwaynaha ee uu matalayey. Kolka ay sidaasi jirto waxaan odhan karnaa Madaxwaynuhu waxa uu ka dhiganyahay sidii muuse yuusuf oo waa nin aan xil kas ahayn.Muuse wuxuu ahaa nin u ordayey saldanad beelaha Somaliland, Waa beesha h,jeclo. Muuse yuusuf oo u ordayey saldanada ayaa niman ilmaadeera oo is halxifaalaynayey yidhaahdeen, muuse ma qaadi karaa saldanada.iyo aynu hal xidhaalayno. Waxay usoo direen inan yar oo yidhaahdeen gogosha kaga kaadi. Kolkuu inan kii yaraa kaga kaajay gogoshii ayuu muuse dhangad la boobay kii yaraa. Inta ragii is eegay ayaa la yidhi habar jeclooy muuse waa kaa. Hada waxa sidaasi oo kale ka dhigan. Dahir Riyaale oo shacbigii doortay xabisaad, caga juglayn, cabudhin iyo khiyaamo qaran ixtiraam daro kula dhex dhacay Shacbiga ree Somaliland. Hada waxaan odhan karnaa ree somalilaanoow Daahir waa kaa. Waxa mudan in laga fikiro, Dimuquraadiyada aynu ka sugayno maamulka Daahir Riyaale waxay ka dhex muuqan lahayd maamul kiisii 6dii sano iyo shirkii xisbiga uu gudoomiyaha ka yahay Maadaama Dhismaha guri ka bilawdo seeska. Dimuquraadiyada xisbina ay tahay seeska siyaasigu ka soo galo maamul, kana soo tartamo isaga oo ka soo ifbaxaya inta kula jirta loolanka siyaasadeed. Hadaba marka aynu miisaano xad gudubyada sharci iyo kuwa xuquuqul insaan ee ay gaysato dawladeenu ayaan odhan karnaa waa digtaatooriyad dhab ah oo afka laga yidhaa waxaynu haysanaa xoriyad. Sidaa darted isma barbar taagi karno dal kale kolaba.

Taxanaha sanadka 2009

Madaxtooyada Somaliland. Gunaanad.

Madaxtooyada Somaliland iyo maamulada soo mari doonaba waa in loo duceeyo. Waa in shicibku ka ducaystaan oo iska qabtaa musuqa iyo horu mar la’aanta, daacad la’aanta, diinta oo aan lagu dhaqmayn, dhaca iyo boobka maamul xumada, beenta, khiyaamada, hanti korodhsiga, tuugta oo noocyo badan min xafiis dawladeed ilaa suuq jog, tuugadu way noocyo badantahay haduu qalin wax ku xado, haduu sharci dawladeed adeegsado haduu xeelad iyo khiyaamo wax aanu xaq u lahayn wax ku dhaco intaba.waxay kala tahay uun (direct and indirect stealin) kumana koobna oo kaliya hanti. faalka, falalawga fusuqa, maandooriyaha lagu hayo meel kasta (khamriga iyo xashiishka) xaraanta, macsida. Waxa aad arkaysaa suuqyada hargaysa hablo yaryar oo laamiyada tuban fiidki iyo inamo yaryar oo gawaadhi dawladeed iyo kuwa shicib la yaacaya oo ku hawlan xumaan oo aan waxba laga qabanayn. Waxa badan guryaha xumaanta lagu hayo oo aan shacabku xil iska saarin.Taasi oo dawladuna gabtay inay wacyi galin ka samayso.iyadoo ay waliba maqaale igu tahay in dawlada rag iyo dumar ka mid ahi ay horsed ka yihiin xumaanta qaarkeed. Waxa inagu soo badanayey baryahan dambe odayaal koofiyad bacle yaal ah, dilaaliin iyo hunguri raac dad ku sifooba oo aan wax shakhsiyada iyo sharaf toona lahayn oo shacbiga kula dhexdhaca khalkhal iyo xaalad abuuris iyagoo shilimaad iyo dan gaar ah wata. Odaytinimada, saldanada, caaqilnimada, iyo madaxtinimaduba waxay leeyihiin sharaf cizi iyo karaamo lagu qadariyo,balse hadii uu nin ahaa dilaal suuqa wareega, tuug, dibjir (iwm) side ayaynu u dooran karnaa ama u aamini karna ama xil loogu dhiibi karaa? Waxa mudan in aan tilmaamo in ay tahay muhiimada ugu wayn ee caalamku ahmiyad siiyo in lagu soo doorto madaxda aqoon, daacadnimo, karti ruuxu leeyahay.Sida ku cad diinteena “Qoom kastaba waxa madax looga dhigaa kuwo sidooda oo kale ah”. Waxa lagama maarmaan ah in shacbigu noqdo “kuwo wanaaga isu sheega, xumaantana iska reeba.” Waxay somalidu tidhaa hadaad ilahay baryeyso weel wanaagsan ayaa lagu baryaa. Waxaan uga jeedaa si ilaahay naxariis inoogu soo dejiyo horta aynu inagu iswanaajino oo wanaajino dalkeena iyo madaxdiisaba kuna dhaqano diinta oo usoo noqono dhaqankeenii suubanaa iyo shareecadeena islam ka ah. Hadaba shacbigu iyaga oo caado ka dhigtay ama aan iska qaban waxyaalaha aan kor kusoo xusay side ayeynu ku noqonaynaa dad wanaagsan, dal wanaagsan, iyo dawlad wanaagsan?

Diyaarintii: Fuaad Ismaciil Cumar. USA

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: