MA KA FEEJID-TAHAY KHATAR-TA ISTICMAALKA GAAS-TA NEEF-TA AH?

MA KA FEEJID-TAHAY KHATAR-TA ISTICMAALKA GAAS-TA NEEF-TA AH?

MA KA FEEJID-TAHAY KHATAR-TA ISTICMAALKA GAAS-TA NEEF-TA AH?

Shirkada cusub ee soo deji-naysa GAAS-ta NEEF-ta ah iyo keenida qalabka wax lagu karsado sida SHOOLADA-HA IYO DAYAC-TIRKOODA ee uu MADAW-WEYNAHAU MR RIYAALE xadhiga ka jaray bishan 12/01/2009 waa wax-tar aad u mudan faa’iido-na leh haddii sida saxa ah loo isticmaalo haamaha ay ku hilan tahay GAAS-tu, mase og-thay in ay ku lamaan tahay khatar halis ah oo laban-laabani haddii loo FURO ama XIDHO si yaabo aan ahayn qaabkii loo rabay, oo ay keeni karto gumaad iyo xasuuq aad u xun iyo khasaare ballaadhan haddii ay qarxaan haama-haas ay ku hilan yihiin, sidaas awgeed waa in laga digtoo-naadaa xil aad u weyna la iska saaraa ka badbaa-dinta arintan iyada ah haddii kale waxay noqon in ay ka timaado baroor lagu gob-lamay ( in sha’allaa ma iman doonto, oo ma aan saadi-naayo belo, mood iyo nool burbura), waxan-se lee-yahay waa in lagu xisaab-tamo murugadda ay la iman karto.

Aan ku soo dhawaado halka i leh i taabo’e, haddii looga faa’iidaysto sababta runta ah ee loo doontay, waxay wax tar weyn u tahay nabaad-guurka ku dhacay dhirtii iyo geedi-hii somaliland,waxa-na keenay in loo shito dhuxul, taas oo ka timaada, dhir aan loo kala aabe yeelin yar iyo weyn mid-koodna oo la gubay loona isticmaalay GANACSI ku salaysan HUNGURI bilaa xad ah oo ku marmarsi-yoonaaya baahi aan ilaa xad-kaas ahayn, laakiin ay wax ka jiraan, hada-ba GAAS-tani waxay badbaado u tahay geeda-ha iyo dhirta sida xun loo shidayo, oo hal-keeddii waxa gelaya iyada, markaas-na waxa yaraa-naaya dhirtii loo goyn jiray macna-daridda, dhirtu dhawro si yaabood baa loo guraa, waxa ka mid ah in xoolaha lagu ooto, dadka sabool-ka ah een kari-karin in ay dhistaan guryo iyana waxay ka dhig-taan carshiiyo, baraaga-ha oo lagu dedo guud-kooda si aan loogu dhicin, iyo ta ugu daran oo ah DHUXUSHA wax lagu karsado marka la rabo, waxay lee-dahay faa’ii-dooyin fara badan oo kale laakiin aanu dareemin dadka aan aqoonta u lahayni, waa ta ugu horeysa’e meeli-ba-meesha ay ka dhir badan tahay ka roob badan,waa quruxda dalka, waa gabood laga hadh galo milicda, waa quudka xoolaha aan dhaqano, oo haddii ay waayaan ay noqo-nayso abaar,xaaluf gabaa-hiir ah iyo bannaan aan lagu gaban karin nabad, colaad, barwaaqo,dayro-dhaaf dabaylo leh, oo dalku wuxu isugu baxayaa in ay ka xiir-maan geedu-hu, taasina marka ay dhacdo waxa dhamaa-naaya xooli-hii, ka dib-na waxa la noqo-nayaa caydh aan wax ay quudato la hayn, , sidaas iyo wax ka sii daran bay la timaadaa marka la xaaqo dhirta iyo geeda-ha oo aanlo midaan deyin, waxse imika ka socda dalka HUNGURI WAD MA ARKO, waa-na ta keentay amuurtan.

Hada-ba si ay xeego-na xeego u noqoto ilka-na u nabad galaan, waa in laga taxa-diraa khatar-ta la sii arkaayo haddii aan looga digan dadka aan hore u isticmaali jirin, taas oo ku keeni karta waxa aan loo fadhiyin ( ALLA MA KEENO) laakiin waa in laga tabaa bul-shaystaa oo loodejiyo farsamo iyo qawaa-niin lagaga badbaado si aanay u qarxin oo DAWLADDA iyo SHIRKADDA keentay ay si wada jir ah u soo saaraan sharciyo ah SABA-BIXIN, oo weli-ba la adkeeyaa xeerka iibinta iyo farsa-mooyinka la xidhiidha, waxa la yidhi DARDAARAN WAA INTA XAYGA LA YAHAY, amse balaayo waa laga hor-tagaaye lama daba galo, waayo way kugu dhcday haddii aanad inta goori-goor tahay ee aanay ku soo gaadhin wax ka qaban, sida loo xakamay-nayaana waa labadan siyood ee soo socda:-

(1) waa in aan maanta-ba lagu bilaabin in la iibiyo, mudo ugu yaraan ah bil laga dhaadhi-ciyo ummadda khatarta ay lee-dahay, oo laga sii daayo TV SOMALILAND wakhti kasta, IYO IDAACADA-BA,

(2) waa in sida loo isticmaa-laayo lagu turjumaa afka soomaaliga ah, si qof kasta-ba u fahmo,

(3) waa in haan kasta marka la iib-sanaayo la raaciyo qoraal sheegaaya sida uu qofku u isticmaa-laayo ee ugu fudud kuna badbaadi karo,

(4) haddii aanu wax akhriyin waa in loo akhriyo marka uu iib-sanaayo, ama uu soo gaxaysto qof wax akhriya,

(5) dawladu ama wasaaradda ku shuqul lihi waa in ay xakamayso shirkadda qaabka wax iibin-teedda, iyo in ay fulisay shuruudi-hii ku xidhnaa ka ganacsi-geedda,

(6) shirkadu waa in aanay xayay-siis uun samayne ee is raacisaa khatra-ta ay lee-dahay-na si loo fahmo, oo loo yareeyo dhibaa-tada ka iman karta.

(7) waa in qoos kasta, maqaaxi, hudheel, wershad, shirkad iyo dhamaan meelaha wax kariyo loo taba baraa qof ka mansuul ah xidhis-teeda iyo fursi-teeda oo qaada xilka ilaalin-ta ah,

(8) waain laga fogeeyo caruurta, iyo dhalin-yarada si aanay u fara-farayn, meelo gaarahna lagu xareeyo marka laga dhamaysto, ama wax lagu karsado, si wax-yeeladda loo xadido.

(9) waa in iyana la lagu talo galo in shirkada laf-teedu keento SHOOLADO AH LAYDH ( electiric cookers) waayo waxay iyana soo yaray-naysaa khatar-ta GAAS-ta,

(10) waxa iyana jira dalalka HINDIYAS, BAKSTAAN, TAILAAND, BANGAALA-DHIISH, MALEESHIYA, INDUNIISIYA, shoolado ku baxa GAAS-ta socota oo dumaalado leh siddii aan u isticmaali jirnay FAYNUUSKA IYO TIRIIGGA oo ay wax ku karsadaan wadanada aan soo sheegay, kuwaas oo ka sahalan GAAS-ta neef-ta ah marka ay qaraxdo, waa la keeni karaa, weli-ba ka jaban, haddii laga fekeraayo mushkiladda aan kaga hadlaayo maqaalkan ee khatar-ta ah,

(11) waxa inoo sii dheer inaka oo aan lahayn baabuur-ta dab-demiska iyo qalabka lagu taageero, taas oo haddii ay wax dhacaan aad u fool-xumaan doonto , marka wax bakhtiiya la waayo,

(12) waxan ku talin lahaa in haddii ay kari-karto shirkadda keentay GAAS-tan, ay isku daydo in ay baabrr-ta dabka-na meel uun ka keento, xataa hadday waydo, keento shirkad AJNABI AH oo iibisa baabuurta iyo qalab-kooda oo ka ganacsata somaliland, oo a y u kafiil tahay,

(13) waa in si joogta ah loo daba galo xaqiijinta sabata bixinta arintan oo aan laga daalin waayo waa muhiim.
.
*N.B badbaado rabaa leh, mansuuli-yadina waa xilksa-nimo.

waa abirahman jama ahmed
( abdi-shotaly).

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: