jawaab hadalkii faysal , siiraanyo iyo riyaale 2003, 2009 maxaa iska badalay

jawaab hadalkii faysal , siiraanyo iyo riyaale 2003, 2009 maxaa iska badalay

sadexda xisbi iyo isbabardhiga faarax guuled ayaan rabaa inaan ka idhaa laba kalmadood oo aan badnayn ee lagu qoray qarannews
sababtoo ah dadku waqtigan waa dad waaciya oo wax garada waana dad la socda waayaha iyo waqtiga
markaa way adag tahay in maqaal aan xikmadi ku jirin lagu majaro habaabiyo

xisbiga udub
hadaba sida faarax guuleed qoray uudub iyo riyaale ayaa wax qabtay waa arin aan aad ula yaabay
malaa faarax guuleed skuuladan iyo jaamacadahan iyo huteeladan dadku dhistay ayuu moodayaa inuu riyaale sameeyay ama dhisay

faarax guuleed huteelka ambaasadoor waxaa iske leh kahadar ambaasadoor
mansuurna waa iska leh ina xaashi
toloow warshadii maalintii dhawayd daahir riyaale furayna ma waxaad qabtaa in dawladu leedahay , walaal duca qabe malaha dawladu
waxaa tidhi briishyo ayay dawladu dhistay,,, waar qosol badanaa
waa kee biriishku, halkuu ku yaalaa, bal ilaaahbaan kugu dhaarshee noo tilmaan, farta noogu fiiq biriishka dawladu dhistay
dee walaal malaa hadalkaaga iyo afkaagu isma maqlayaan
mise tolow biriishka burco laga dhisay ee dadwaynaha bariga burco dhistay ayay kugu yidhaahdeen dawlada riyaalaa dhistay
dee walaal way ku waaleen qaladna way kuu sheegeen ee wax hubso
xisbiga udub waqtigan waa kala jabay waxaana ka taagan khilaaf badan
cabdilaahi darwal iyo koox uu hogaaminaya si gaara ayay wax u tabanayaan
taageerayaashii ay lahayeena waxay badankoodu ku biireen ucid
ismaaciil yare ayaa asaguna ka biyo diiday khiyaamada ka dhex taagan xisbiga udub waxaanu isku hayaaa inuu qarxiyo sirtuu ka hayo madaxwayanaha riyaale
inkastoo dhaqankeena ay ceeb ku tahay in nin raga lagu yidhaa sirbaan ka hayaa
oo taasi ay tahay waxa ragu isku dilo balse bal aan ka war sugno sirta ismaaciil ka qabtay madawxwaynaha
udub waxay balan qaatay inay dhisayaan warshado ilaa imikana wax warshada lama hayo
dalka biyo la,aan iyo abaaro iyo gaajo ayaa ka taagan wax loo qabtaana ma jirto balse faarax guuleed malaa wuxuu so arkay oo barwaaqo noogu sheegayaa beerta riyaale ee labada matoor ee biyaha midba gees ka waraabiyo
laguna xidhay gananeetarka dabka dhaliya oo kuwayd ku caawisay dadwaynaha ceerigaabo inuu ka caawiyo xaga korontada balse la leexsaday
udub haday wax qabatay iyo hadaanay wax qaban dadku waa arkaa

xisbiga kulmiye
xisbiga kulmiye waa xisbi mudo soo jiray waxaaana ka madaxa mudane muj axmed maxamed siiraanyo
waa nin in badan usoo halgamay shacbiga somaliland runtiina aqoon u leh inuu wax ka badalo siyaasadihiisii hore
waxaan xasuustaa maalintii 7,7,2008 ee askarta riyaale xasuuqa ka gaysteen magaalada hargaysa siduu mudane axmed siilaanyo uu isu barbar taagay shacbiga ee uu dawlada afka goostay
haduu maamulka qabtana waxaanu ka sugaynaa inuu cadaalada horkeeno ragii hogaaminaayay xasuuqaa, hadaa moodeen in la ilaabay lama ilaabin
laakiin waxaanu sugaynaa waqtigeeda
hadaba xisbiga kulmiye waxaa la gudboon inay shacbiga soomaaliland kasbadaan sumcada ay ku leeyihiin
doorashadana nasiibkiina ayaa ka qaadaysaan

xisbiga ucid
xisbiga ucid waa xisbi maskax caafimaad qabta ay ku badan tahay runtiina aanay ku jirin sida labada xisbi ee kale rag askara
askartuna kala wanaagsane kuwa udubtu waaba guulwadayaashii kacaankii siyaad bare
waxaan qaba in xisbiga ucid uu muujiyay rajo aad u wayn inuu kuba guulaysan karo doorashada
gudoomiyaha ucid mudane faysal cali waraabe oo ah geesi aan gaban runtana sheega kuna faana inuu waxqabanaayo aadna u qadariya nabada
ayaa aan odhan karaa waa nin aan hore usoo marin somaliland
dadku waxay hore usoo arkeen nin u hanjaba ama been u sheega ama qaad ku hor cuna waxna aan u qaban ee ayaga dabka iskugu dhiiba
runtiina waxaad moodaa in dad badan ay sidaa qalafsan kaba helaan waayo naftooda ayaa baratay sidaa
balse waa ilaahay mahadii in maanta dalku helo hogaan cusub iyo maskax wax qabanaysa oo dadka hore umarinaysa
xisbiga ucid sidaan qabo waa xisbi hanan kara inuu qabto talada dalka
ma jiro khilaaf ka taagan gudaha xisbiga
halaka labada xisbi ee kalaba aynu aragnay mashaakil badan oo soo food saaray

faarax guuleed marka danbe sidaan qabo waad dhuuxi hadalada laguu jeediyay waxaan filayaa inaan mar danbe lagaa maqli doonin biirshyo iyo masaajido iyo warshado ayay dawladu dhistay
danbig adigu ma lihide waxaan danbiga saarayaa kuwa sida qaldan wax kuugu sheegay ee ku yidhi waxa nimco dadku samaystay waxaa iska leh ina riyaale

guuleed cismaan gahayr
ggahayr@yahoo.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: