GEELOOW SOCO,SOCO OO MAR-KAAD CIIN DAAQDO BAA LAGUU YAABAA!!!!

GEELOOW SOCO,SOCO OO MAR-KAAD CIIN DAAQDO BAA LAGUU YAABAA!!!!

GEELOOW SOCO,SOCO OO MAR-KAAD CIIN DAAQDO BAA LAGUU YAABAA!!!!

Baadida nin kula doonayaa jira,oo daala kaa badane,

oon doona-hayn inad heshana, daayin abdkiiye,

dadkuna moodi duul wada dhashay, oon wax u dahsoonayne,

dala-na ma laha aakhiro, haddii loo kitaab dayo’e ,

Waxa la yidhi MACAL-CUNE MUUQAN DOONAA, nin wali-ba XAQA uu is yidhaaho qari oo DED, meel hoosa-na ku huurso, uma suuro gasho oo isaga oon filayn buu sida LIKA-HA KA SOO FUURAA dhulka hoos-tiisa oo uu qarxaa, waxa saaka sidaas ka dhigan xusbiga KULMIYE oo inta badan lagu eedayn jiray wuxu ka soo hor jeedaa, CARQALAD-NA ku yahay ICTIRAAFKA SOMALILAND, kolba-na damba-besi jiray, daah-na saari jiray oo dafiri jiray, weli-ba aan ANIGAY-GAN AH ABDI-SHOTALY dhawr jeer ka difaacay weeraro ku lug leh arintan, rag badan oo sheekadan ayidsa-naana aan ka doodnay amase aan kula muramay waa ina wax kama jiraan baa maanta noqotay JINOOW BAALKA KA QAAD AAN BADH KUU JEBIYO’E, siddii macdan-ta ku dhalaasha dhulka hoos-tiisa ee loo yaqaano FOOL-KAANA-HA bay mar qudha qaraxday oo hawada isku shareer-tay, taas oo maryaha ka xayday, qaawisay, kana dhigtay mudug dhar la’aan ah, meel banaa-na soo taagatay siyaasadda, maskaxdda, iyo tabcoo-yinka uu soohaayo ee ku lidka ah gooni isu taaga SOMALILAND kana dambeeyo oo uu hoos daadi-naayo KARII-RADAHA haki-naaya geedi-socodka dhulka hooyo (SOMALILAND) ee aan intaa ku taamayno in aan gaadhno, madma-doow kuma jiro in imika uu xusbiga KULMIYE DAGAAL toos ah oo cidhba-ha ku jaraayo, boqna-ha ku goonaayo, laba-diblena silsilad geed dhabarka ugu xidhay, isaga oo wejiga JIRADA u saaray, indha-hana fara-ha ka geliyey, oo intu qoofal ku shakaalay ISBAARA-NA ( bir ku kala xidhay) ku sameeyey WADO XAGAAF-TII ay maraysay SOMALILAND, waa ayaan daro uu KULMIYE ku mijo xaabi-naayo qadi-yadda SOMALILAND, mid uu ka warwa-reegi karo-na maaha sabab-tu waa tan hoos ku taal ee akhri.

Warka ka soo baxay WASARAADDA ARIMAHA DEBEDDA ee INGIRIISKA, waxa uu sheegayaa, in wasiirka amuuraha AFRIKA u qaabilsan uu la kulmay mudo dhawayd ninka la yidhaaho MAXAMED CABDILLAAHI oo ah safiirka KULMIYE u jooga BOQOR-TOOYADDA INGIRIISKA una sheegay in uu MADAX-WEYNAHA SOMALILAND yahay ka hor taagan doorashadda la filaayo in laga qabto dalka siddii loogu tala galay markii hore, oo uu riixaayo siiddii dib loogu dhigi lahaa, cadaadis-na uu saaraayo GOLE-YAASHA GUURTIDDA, XILDHI-BAANADDA, KOMISHANKA waayo wuxu doonayaa in uu mudadda sii korodh-sado, taasina waxay ifii-misay si weyna ay u muujisay in Mr MAXAMED CABDILAAHI uu ka turju-maayo, debeda-na uu soo dhigay UUR-KU-JIRTII kulmiye, fashiliyey waxa ka guuxaaya iyo waxa uu ku mashuul-san yahay MAAMULKA uu metalaa, waana sheeko DHICI-SOOWDAY oo u muuqta in KULMIYE aan raali ka ahyan horumarka SOMALILAND, ee uu mud-naanta siinaayo siddii uu kursiga u dhaxli lahaa, laakiin aanay dan kale ka lahayn, maalintii dhawayd ee MADAX-WEYNE-KU-XIGEENKU ka hadlaayey SOOMAALIYA IYO INKA XIDHIIDHKA ina dhex mari kara wixii KULMIYE ka dhacaayey iyo qaylo dhaantii uu afka gacanta geliyey qof aan maqlay-nini ma jiro, eedi uu WADAADKA AXMED YAASIIN la fuulay saw saaka maaha KIIS ISKA WAAL iyo ciiro isku qaris ma noqon, warankii uu ku riday AXMED YAASIIN saw guraddii KULMIYE ma fadhiisan.

Waxa WASIIRKU u yeedhay oo si deg-deg ah u soo gelaya LONDON MADAX-WEYNE RIYAALE halkaas oo su’aalo lagu weydiin doono, ku saabsan beentii ku kashi-fantay ee uu SOMALILAND ka gubiyey SAFIIRKA KULMIYE, waxay umadda reer SOMALILAND lee-dahay SIREEY SOO CAAD OO SADEXDDA HA GAADHIN, waxa ay been-tana dawo u tahay oo ogaanaaya xaqiiqdda ummadda, taas oo ay maanata si weyn looga fadhiyo KULMIYE waxa ku kelifay ashto-kadan aan sal, baar iyo xidid mid-na aan ku sare joogin, ee siddii ilmo caruur ah oo raad dhaqaa-jiyey dheel-dheeli-yaaya uu SAFIIRKA KULMIYE kula kufay aqalka laga xukumo BOQOTOO-YADDA INGIRIISKA, waxa-na ay wax weyn u dhimaysaa DAMACII KULMIYE ee kursi doonka ahaa, oo noqday KUD-KA GUUR-OO-QANJO-U GUUR, gacan-tiisa buu isku gawracay oo weli-ba QULAA-QULSHAHA raaciyey dhankii kale, sidaas baanu ku soo basaxay QURUB ( kulmiye) xaaraan ah oo guntiisa la soo xaadhay ee muxuu ku hadli cid ka guraysaa ma jirto’e, waxan ku soo gabaga-baynayaa maqaalkan CUUD-KUBA DHARAAR BUU JIILAAL CADAA-DIGA AFKA CAWS LA WAAYAA, ee af-weynta maw dhacay kii la is lahaa wuxu keeni is-bedel oo umaddu bal ha la eegto waxa uu soo wado, laakiin wuxu ku dambeeyey DHICIS CALAA-BUUQ AH oo if-kaba u soo bixin, wuu isku BAKHTIYEY halkii laga sugaayey in uu kala yimaado.

* N.B Ma rabaysmo dhurwaa, oo waxa raali gesha ina uu lafo ruugo.
waa abdirahman jama ahmed,

abdi-shotaly/uk

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: