Dooda Qaawan ee Barlamanka iyo Darenada Kulul ee Kulmiye Dawo ma u Noqonayaan Danyarta S/land

Dooda Qaawan ee Barlamanka iyo Darenada Kulul ee Kulmiye Dawo ma u Noqonayaan Danyarta S/land

Anigu Uma Arko inuu Xalku ku Jiro in Udub laga Wareejiyo xilka haddii Dib udhac Yimaado in Udub Masuuliyadeeda Leedahay waayo Komishanka ayaa Leh Masuuliyadeeda .

Nimankan Golayaasha Labada aqal ee Wakiilada iyo Guurtidu ma waxay Noqdeen Kuwo Sharciga Jeebada uun kala soo baxa waxay dad farabadani la yaabeen Kuwii aynu ogayn ee aynu soo Dooranay ee Xildhibaanada ahaa ee dadkii soo doortay ay ka Quusteen maantana waxaan lasoo dhiganin meesha Keenay .

Waana wax aad loola yaabo oo aanay sharci ahayn in ay Yidhaahdaan Xil baanu kala wareejinaynaa waa Wax laga Murugoodo kuwii Dadweynuhu soo doorteen inay la yimaadaan Qodobo aanay Sharciyadeeda lahayn iyagu inay kasoo yeedho lama filayn shacbigu taa idiin kamuu fadhiyin maanta Waar Hawshiinii Garta Komishanka Doorashooyinka ee Qaranka udaaya Hawshooda tiinana Garta ayaan idin odhan lahaa waxa intaasi Dheeri Kolay waxay Noqonaysaa Sharcigii oo lagu Tuntay Gacantiina ku keenteen (Labada Golle).

Haddaba Waa Go,aan aydaan ka Fiirsanin Qodobadani ad soo saarteen Waayo Madaxweyne Doorasho lagu Doortay aayar maydaan tidhaahdeen Waanu ka wareejinaynaa Yaase lagu wareejinayaa ma mid aan Cod Lagu soo dooran Waa M

Haddii Kale Xaajadu waa Af kala qaad ee Bal sidaa ku daaya Bal inaad ka Faa,iidaan waxaana Ku Jabaysa Dimuqraadiyadii aynu ku faanaynay ee la Socda .

Maah maah ayaa Tidhaahda Ninka Tag uun lama Yidhaahdee Wuxuu ku tago ayaa la Tusaa .

Qalinkii Sayid Mohamed-khadar
Hargeysa
Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: