BILICDII BILAWGA JACAYL IYO BURBURKII KA DAMBEYEYE . SHEEKO TAXANE AH.

BILICDII BILAWGA JACAYL IYO BURBURKII KA DAMBEYEYE . SHEEKO TAXANE AH.

Bilicdii bilawga jacayl iyo burburkii ka dambeeyey. Taxane.

Waxay ahayd wakhtiga roobka dayreed. Waxa da’ay roob casariye ah oo aad iyo aad u neecaw macaan balse aan wayneyn oo abaaro saacad ka hor qaaday. Roobkan ayaa gabi ahaanba jawiga magaalada ka dhigay nadiif.

Dhulka ayaa rays labeena oo yar wali ku sii taal iyadoo aanay cagtuna ku badanin. Saxansaxo yar oo macaan oo udgoon oo ruuxu sanka la raaco una qushuuco ayaa khafiif u soo butaacaysa iyadoon badnayn.iyadoo ah nooc ruuxu damco in ay ka soo yara badato intaa.

Dhirta iyo ugbaadka, ubaxa geedaha iyo ka ka baxay dhulka iyo guryaha ayaa udugiisu si macaan kaaga hareero carfayaa.waa xiliga magaaladu ugu qurux badantahay. Bilicda magaalada, guryaha ayaa si fiican oo kala hufan isu soo bandigaysa.

Cadceeda ayaa si gaaban godka hadba ugu sii dhawaaneysa oo liiqa sii dhigaysa. Waa xiliga ay casarka dhaafto godkana cadceedu ka sarayso nin joogiii. Waxay bilicda macaan ee cadceedu la simantahay indhahayga. Waxaan ka soo baxay gurigayga, anoo kabaha soo baalashaystay, shah yar soo cabay oo nastay hurdana ka soo toosay salaada casar adinkeedii.

waxaan ku labisan ahay shaadh buluug iyo cadaan isugu jira iyo surwaan madaw oo aan dhexda ka xidhanahay suun madaw anoo ku qaata, kabo madmadaw oo ah alphani nooca talyaaniga. saacad madaw ilaa suunka midha tiris ta iyo goor tilmaamashaashu dhalaal dahabiya yihiin.

Marnaba waxa aanan hilmaamin oo aanan bixin anoo aan marsan cadarka nooca loo yaqaan Armani ga ee fransiiska yaan hilmaamin muraayada indhaha oo aad u yar madaw yar oo khafiif ahna ku dahaadhanyahay si labeena balse aad indhahayga caadi uga dhex arkayso.

Waa nooca aragtida fog loo qaato ama prescription ka loo xidho. Goobta iyo meeshu waa, xaafada shacabka,magaaladu Hargeysa waa gurigayga oo ku soo jeeda laamida tagta gabiley waa qiyaasihii kolka aad u sii jeedo gabilay guryaha ka horeeya huteel guleed intaanad gaadhin.waxaan ka xigaa laamida dhanka waqooyi waxa ila siman huteel yar oo laamida ku soo jeeda iyo deyr aan waxba ka taagnayn dhismo ah balse dhir iyo ubax lagu dhex beeray ay is qabsadeen uduguna ka soo baxayo. Goor sheegtu waxay tilmaamaysaa shantii iyo 20 mirir. Fiidnimo.

Waxa iiga baxay dhawaaq yar oo gaaban dhinaca midig geesta galbeed cadeed u dhac. Jaleecay oo istaagay, balse, cadceeda indhahayga haysa awgeed arki waayey oo si waadixa uma arko ruuxa ila hadlaya.

Isku dayay in aan sii dheehdo balse ma awoodo cadceeda iyo ruuxa oo isoo eegaya awgeed. Muuqaalka kaliya een arkaa waa humaaga ruuxa. Waxaan gartay inay tahay gabadh dhalinyaro ah codkeeda aad ayay u gaabisay si aan inay ii yeedhayso cid kale u dareemin.esii eegay oo way igu soo socotaa. Misna iyaduna waxay la yaabantahay in aan u soo dhaqaaqi la’ahay. Sii dheehday oo niyada gashtay laafyaha dhaqaaqooda oo kaliya balse wali ma hubo inay iyadii tahay.

Wax yar ka bacdi markay aad iigu soo dhawaatay ayaan xaqiiqsaday inay iyadii oo aan biyo ismarin tahay. Wadnaha ayaa I boodboodaya oo dhiigeyga ayaa si tartiib tartiiba usoo kacaya. Garaaca wadnaha ayaa kordhaya in ka yar sakano ku boodaya.

Kusoo dhaqaaqay aniga oo dhankeedii wax ii jiidayaan. Waa suleekha oo indho cadcad oo aad ku cajab galiya leh, waa suleekha oo ku hagoogan shalmad yar oo aad u qurux badan midabka casaan basali, diric casaan basali iyo cadaan raacsan. Midabada ayaa si qurux badan oo indhuhu ka boganwaayaan isugu dhex maran.

Maser yar oo cadaan basali xigeen ah ayaa fooda ka soo muuqda. Kabuhu waa madaw casaan yar oo liid ah raacsanyahay. Aniguna waan ku suuxaa oo u dhintaa waxyaalaha uduga haween ee waxay marsantahay cadar aad u macaan oo aan ku iloobay reexaantii dhirta ii carfeyseyba. Salaam ku boobay suleekha nafta ka waran iyo waa nabad

Bilicdii bilawga jacayl iyo burburkii ka dambeeyey. Taxane.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: