XAALUFINTA DHAQAALE EE HARGEYSA WAA IN LOO ARKO MASIIBO QARAN.

XAALUFINTA DHAQAALE EE HARGEYSA WAA IN LOO ARKO MASIIBO QARAN.
Sida laga war qabo, nasiib-darro Caasimada dalka ee Hargeisa ayaa Koox Budhcad ahi ka furatay Xarumo si cadaan ah loogu baadho dadwaynaha iyada oo loo samaystay hab tuugo casri ah,loona dhigay indho-sarcaad khiyaamo gun-dheer ah
Qalinkii:Maxamed Aden(2/23/2009)

 

XAALUFINTA DHAQAALE EE HARGEYSA WAA IN LOO ARKO MASIIBO QARAN.

Salaan wacan bahda Shebekada S/land.

Sida laga war qabo, nasiib-darro Caasimada dalka ee Hargeisa ayaa Koox Budhcad ahi ka furatay Xarumo si cadaan ah loogu baadho dadwaynaha iyada oo loo samaystay hab tuugo casri ah,loona dhigay indho-sarcaad khiyaamo gun-dheer ah. Waxaa dhacday masiibo caam oo aafaysay dadwayne ah boqolaal qoys,waxaana laga faro-maroojiyey dhamaan wixii ay hanti haysteen,wixii ay soo daynsan karayeen iyo xatta in ay Guryahoodii,gaadiidkoodii iyo dhul-beereedkoodiba soo xaraashaan si ay uga qayb qaataan laaca beenta ee budhcadu u dhigeen.

Dadka Masiibadu saamaysay waxay u badani yihiin, Haween danyar ah oo ubad agoomaha u shaqaynayey,ganacsato yar yar iyo, qurbe jooga oo loo gacan haadiyey si ay uga qayb qaataan Riwaadan dadwaynaha loo soo agaasimay oo loogu macneeyey Geelii hagoogan ee ninkii ka qaday Ciil la hogoogtay,ninkii ka qayb qaatayna kibir iyo dhereg la hagoogtay. Taasi awgeed, waa khasaare ku fiday bulshada waaxyaheeda oo idil oo aan sahlanayn.

Waxaa lagu jiraa maalmo murugsan,jaho-wareer iyo qaadan waa badan ka dib markii maalin keliya la waayey Kooxdii hormoodka ka ahayd mashruucan aan salka lahayn ee Bulshada lagu hoday meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Waxaana hor dhooban Saldhigyada Police-ka dadwayne gadoodsan oo raadcaynaya tuugtii iyo tuug-kal-kaaliyeyaashii ka dambeyey dhaqaale xaalufinta ummada ku habsatay. Sida la sheegay, ma aha arrintu mid ku soo boodo ah ee waa hawlgal muddo dheer ka socday Magaaladda oo aan la moogayn. Waa dhacdo ay ka digeen Culimada dalka iyo wax-garadkuba,Xukumadana gaadhsiiyeen cawaaqib xumada ka iman doonta haddii aan laaga hortegin.

Taasi awgeed,Xukumadda Somaliland ayaa mas’uuliyada qayb libaax ku leh, waxaana looga baahan yahay in ay gacan ka gaysato sidii loo kala bad-baadin lahaa dadwaynaha tuugtu qoorta isugu-xidhay oo ay dhici karto in dhiig ka dhex daato haddii aan maarayn loo helin shilka baaxada leh ee dhacay. Waxaana loo baahan yahay in si wada jir ah loo wajaho.loogana qayb qaato, sida, Culima-u-diinka, Xukumadda, Goleyaasha,iyo wax-garadka dalku intuba,loona arko Masiibo-Qaran oo dalka guud ahaan ku habsatay. 

Mohamed Adan Omer

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: