CODKAAGA KU CIIL BAX QAYBTII 4AAD AXMED CARWO

CODKAAGA KU CIIL BAX QAYBTII 4AAD AXMED CARWO
Wiigii hore waxa Aw Barkhadle laga furay mashruuc midho-dhalay oo ah wershed sameysa cabitaanka iyo cunooyinka fudud. Waa guul lagu farxo, waxaanan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa inta maal gashatay.
Qalinkii: AXmed Carwo(2/23/2009)

CODKAAGA KU CIIL BAX QAYBTII 4AAD AXMED CARWO

CODKAAGA KU CIIL BAX QAYBTII 4AAD
AXMED CARWO

Wiigii hore waxa Aw Barkhadle laga furay mashruuc midho-dhalay oo ah wershed sameysa cabitaanka iyo cunooyinka fudud. Waa guul lagu farxo, waxaanan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa inta maal gashatay iyo inta ka gargaartay tabogalka wershedda. Waxaan u rajeynayaa inuu mashruucani noqdo mid kora, macaasha, shaqaale iyo hantiilabana ka farxiya, noqdana mid lagu daydo oo lagu faano.
Waxa xafladda ka muuqday olole siyaasadeysan oo Madaxweyne Riyaale ka dhigay masrax uu ku baaciyo mustaqbalkiisa iyo doorashada soo socota. Waxa habboon in ganacsiga laga daayo xisbiyeenta oo madashaas oo kale loo dhammaado. Waxaa hubaal ah in shacbi weyne farxadeeda iyo waxtarkeedaba u dhan yahay, una yahay macaamiil iyo shaqaalaba iyagoo seddexda xisbiba ku jira.

Haddaba Madaxweyne Riyaale oo madasha ka hadlay waxa uu soo qaatay sahaminta shiidaalka iyo bangiyada ganacsi. Waxuuna yidhi:
“ Waxaan idiin sheegayaa beri dhawayto sahamin baanu dalka ka qaadnay dhinaca Shidaalka ah, hadallo badan baa meelahaa laga odhan jiray oo ah waxba lama qaadiniyo. Waxaan idiin sheegayaa Shirkaddii qaadday sahaminta Shidaalku inay 15-ka bisha soo saari doonto oo ay natiijo fiican ka soo baxdo Insha Allah markii ugu horraysay Somaliland heli doonto sahamin ay iyadu leedahay oo sheegaya Shidaalka dalku leeyahay, taasina waa dedaalka Xukuumadda.

Wax badan baanay ka tari doontaa mustaqbalka waayo Shidaalka waynu soo iibsanaa, haddii uu Ilaahay ina siiyo dalkeena ayuu ka soo baxayaa, Shaqo iyo dhaqaalena waynu heli doonaa. Muruqeena iyo Maskaxdeenuna way inoo kaydsan yihiin oo in aynu isticmaalno wax inaga hor joogaa ma jiraan baan aaminsanahay, taa kalena Insha Allahu si degdeg ah ayay u iman doontaa, waxna uga soo bixi doonaan.”

Golaha Wakiillada ee Somaliland ayuu Md. Rayaale ugu baaqay in ay ansixiyaan Shuruucda Baananka. “Xildhibaannada waxaan odhan lahaa in Shuruucdii ay ansixiyaan si ay dalkan suurtogal u noqoto Bangigaa Faransiiska ah iyo kuwa kale oo waddani ahiba ay dalka uga hano qaadaan, si ay ugu sahlanaato Ganacsatadeenuna ay u hesho dhiirigelin iyo maalgelin.” Ayuu yidhi Md. Rayaale

Innagoo sugayna maalinta uu cayimay, aan xusuusano inta jeer ee mashruuca sahaminta iyo baadhista wax laga sheegay iyo inta sharkadood eel lala xidhiidhiyey. Heshiis keliyana lama hor geyn Golaha Wakiilada oo distoor ahaan looga baahan yahay inay ansixiyaan. Mawduucan oo tafitiran aan dib u dhigto, ee bal aan erey yar ka idhaahdo dhinaca bangiyada. Waxuu Madaxweynahu ka codsaday Golaha Wakiilada inay ansixiyaan shruucda bankiyada si Bangiga Fransiisku iyo qaar kaleba u hawl galaan.

Hadalkani waxuu burinayaa furitaankii Bangiga Fransiiska ee dhowaan la buun-buuniyey, oo dhab ahaan ah Bangi ka diiwaangashan dalkeena Jabuuti, ahna Bangiga ugu farac badan dalka Jabuuti. Mulki ahaan waxaa wado leh Dawladda Jabuuti, Dawladda Yemen, iyo Bangi Fransiis ah Waana mid daah furtay inayna jirin sharci saamaxaaya sameynta bangi ganacsi oo xor ah. Haddii weli shuruucda laga sugaayo Wakiilada sida Madxweynuhu sheegay, sidee loo furay xafiiskooda, mise waa dhalanteed doorasho. Faalada mashaariicda dhalanteedka ah ee kolba loo durbaan tumo ooy hormood ka yihiin 3 Wershadood ee balanku ahaa in la dhiso Oct 2007, iyo shiidaalka, aan u daayo, Aadan Ruush, Wasiira-dawlihii Hawlaha Guud ee iscasilay

Aadan ruusha mar uu ka hadlayay siyaabaha khaldan ee uu dhaqaalaha dalka ku baxo : “ Waxaa dhacda in ay dalka yimaadaan niman isku sheegaya dilaaliin ka socda Shirkado maal gashiya iyo sidoo kale inan yar oo dib jir ah oo ka soo kacay gidaar London ku yaal ayaa ina bililiqaysan karaya oo wax iskugu keen sheegaya ka dibna aynu aqbalaynaa oo marka uu soo dagaba madaxwaynaha toos loogu gaynayaa, qaab maaha taasi karaamadeenii iyo sharafteenii ayay meel kaga dhacaysaa” Taas waxaad ku joojin kartaa adigoo Codkaaga Ku Ciil Baxa oon marna oggolaan in mar kale Codkaagu Kugu Noqdo Cadow.

Mashruuca sahaminta shiidaalka faahfaahin ka akhriso Somaliland Times: Guji halkan: http://www.somalilandtimes.net/sl/2006/271/3.shtml http://www.somalilandtimes.net/sl/2008/337/1.shtml

Golaha Guurtida iyo Guudashada Xilkooda.

ILLAAHOW eex hanooga tegin, garashana ha nagu cadaabin… macnaheeda waxa loo beddelay inaad meeshaad doonto xil ka qabato oo adigoon aqoonteed iyo garaadkeed lahayn waxaad doonto ku dhaqaaqdo, waxii garasho la’aani kuu geysato, dambi ma ah. Bal raad-xumada taas ku leedahay bulshadeena aan meesha ugu sareysa ka raadino. Hal darejo ayaan hoos u degi oo Golaha Guurtida ila saar diiradda. Imisaa xilkooda taqaan weliba kan aasaasiga ah een cidda aan garanayni tahay mid badheedh xil aanu qaadi Karin tuurta u ritay. Xaaraan ma lihi waa dhammaan, mana lihi garaad ma leh. Waxa ku jira rag aqoon leh, qaar garsho cidwalba kaga horeeya. Bal se kol walba waxa muuqaal dheer qaladka iyo qalqalooca. Waana kuwaas cidda aan arkay oo wanagooda waa mid aynu ku reynay, una baahanay.

Guurtiyey xilkaagu waa maxay? Waxaa marar badan si qaldan loo tilmaamaa taas. Waa Gole dhaqan, iyo ma aha Gole siyasadeed? Waa yaab. Golahani waa Gole siyaasi waa qaybta ugu weyn ee haysa xilka barlamaanka. Waa Gole sharcidejin, waa Gole loo xilsaaray la xisaabtanka dawladda sida Golaha wakiilada. Ma aha Gole badhitaara Golaha fulinta, una eekaada la’aan hoos tagta Golaha Fulinta. Cidda aan garanayn xilkaas ee golaha ku jirtaa ma aha mid garasho la’aan u go,aamisay ee waa mid xil ayna ehel u lahayn u badheedhay kagana gabanmeyso garasho la’aan xaqdarada eey badheedhka u sameyso.

Ninka Golahan ku jira ee ayna hawsha Golaha Fulinta iyo kan Sharcidejinta u kala socnayn, waxuu yahay nin xil qaaday aanu karti iyo aqoon midna u lahayn. Waxa xilka Golaha ka mid ah inuu kormeero oo uu ilaaliyo, lana xisaabtamo, toosiyana Golaha Xukuumadda. Guurti waxay matashaa bulsho weynta, ma aha xisbi, fulintana ka durugsan. Waana Gole siyaasi oo u baahan xirfad siyaasi, sharci iyo aqoon bulshaba.
Hawsha Golahani hayaa waa mid dunidu u doorato rag iyo dumar aqoon-dheer oo khibrad leh. Waa Golaha lagu doorto xirfad iyo muwaadiniinta xilal badan soo hayey sida wasiiro hore, shaqaale heer sare ka soo qabtay dawladda sida Agaasimayaal, Macalimii Jaamacadeed, Baayac Mushtar naajix ah, diblomaasiyeen IWM. Ma aha Gole lagu uruuriyo rag aan kala soocayn xukuumadda oo ah Golaha Fulinta iyo iyaga oo ah Gole sharcidejin iyo la-xisaabtan.

Ninkaan garanayn inuu yahay nin ka madaxbanaan xisbi, madaxtooyo iyo gole fulineedba waa nin gafay oon garasho la’aan lagu saamaxayn if iyo aakhiraba. Nuxurka xilka guurtidu waa kormeerka, la xisaabtanka iyo toosinta Golaha fulinta. Waa booliska ilaaliya xukuumadda, min-Madaxtooyo ilaa shaqaale hoose. Waa cidda dhangadda lagu raacaayo Golaha fulinta dadweynahu u dhiibteen, ooy tahay inay si fiican ugu dabaalaan Madaxtooyada iyo Wasiirada hadday dabarka sharciga goostaan.Ma aha Boolis amba Maxkamad dambi qaadi lahayd ilaa kolka Madaxtooyada xil-ka xayuubin lagu qaadaayo. Waa se kuwii ku qaylin lahaa ,una yeedhi lahaa oo tusi lahaa qaladkooda weliba u gudbin lahaa warbihintooda hay’adaha sharciga ee Boliska iyo Maxkamadaha. Sidaas darteed ka mugweyn oo ka dherersan Gole dhaqan. Waa Gole sharcidejin oo martabad ahaan ka sareeya kan aynu dooranay. Waxaana loo baahan yahay in dib loo eego distoorka oo lagu sar jaro hawsha looga baahan yahay labada Gole oo meelo badan isjiidhaaya.
Dhanxiir iyo Guurtida

Maansha Allaah, Alleylehe, Guurtidii weynaanta ku qalqaaliday waa kuwaa Illaahay bogoodii burcad isu mariyey ee gacmaha u fidsaday saamaxaad iyo iscafin ay kaga istaaqfurulaysanayaan mooshinkii xasaradaysnaa ee sida qalladda samada kaga soo dhacay.
Weger; Adeer, Guurtidu awalba ismay haysan oo muska ku dhegen ayaa dhamac lagaga soo afuufayee, iga daayoo waxaad ka warantaa Booliskan lacagta beerlaxawsiga ah ka urursanaya haweenkii ku caydhoobay tuugadii casrisanayd tallow miyaanay Ilaahooda ka yaabayn? Cajiib! Duni macaash iska wada dhex raadinaysa ayaa u daran.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Waxa xilka la wareegay Guddomiye cusub waa Jaamac Sweden. Qofka intaadan ka faaloon waa inaad taariikhdiisa soo eegtaa. Waa nin khibrad leh oo weliba muddo dheer ku noolaa dal dimuquraadi ah oo uu bulsho ahaan ka muuqday. Waxa aan ka filayaa inuu noqdo nin khibradiisa iyo aqoontiisa si daacadnimo ah ugu fuliya xilka la saaray. Waa ayaan darro in laba Guddoomiye oo hore iska casileen, welina ay Golaha ku sii jiraan iyo khilaafaad hadheeyey guddiga hawsha weyn ee qaranka haya. Xilkaas ay hayaan manta waa mid masiirka ummaddeenu ku xidhantay. Waa mid geeri iyo nolol ah. Cidda middida daabkeed haysaana waa toddoba nin oo mustaqbalkeenii oo dhan ku aaminay. Waa xil weyn, oo sharaf iyo qadarin leh. Waana mid xubnaha hayaa ku heli karaan maamus derejo kan ugu sareeysa. Waa mid ay noqon doonaan ehelo kheyr cadaalad ku sifooba oo aakhiran janno loogu duceeyo, ifkana sharaf iyo qadarin lagu fooladeeyo.

Waa rag nasiib u helay inay nolashooda u soo jiidaan magac qiimo badan, amba mid madow oo canbaareentu ku daadagto ehelkooda…waa ina hebelkii caadilka ahaa amba waa ina hebelkii xaaranta xalaashaday. Dadka wax yar ayaa nasiibkaas hela. Inta badan ma helaan meel ay magacooda ku dhisi karaan, ma helaan hawl ay middida daabkeeda hayaan, ma helaan meel masiirka ummadooda ay iyaga garabka ka saarantay, ma helaan xil ay ugu jiheeyaan ubadkooda iyo jiilka soo socda. Waa nasiib wacan, waana marba sida Guddidan doorashadu ka yeesho naftooda iyo teenaba,
An ugu duceeyo inay noqdaan dark u sifooba wanaag, cadaalad oo ay hawsha qaranka ka ahaadaan dhexdhexaad aan dhana u ciirin, gar-qaadayaal go’aan caadil ah ku goo’ya seef siman oo subkan. Dar seddexda xisbi, seddexda murashax u dhex ah, dawlad iyo mucaarid u dhex ah, gobal iyo degmo kasta u dhex ah.

Ma aha daacadnimadu go’aanka oo keliya, waxa ka mid ah inayna hagran hawshooda oo caajis iyo luga-jiid ayna yeelan. Waa inay noqdaan dar xilku gubo, oon si hawl yar salka dhigin, dar gacantoodu socoto, lugtuna istaagin, u darban hawl dharaar iyo habeen kala lahyn, indho soo-jeeda, iyo dhego taagan leh. Dareen aan seexan iyo maan sida raadaarka wareega iyo maskax aan faalaynta ka daalin . Dood furan oo dabci wacan iyo garasho leh waa inay ku casuumaan maanka iyo garaadka bulsho weynta. Warbaahinta la saaxiibaan, dadka waci geliyaan, xisbiyada u hawl galaan, dawlad iyo mucaarid danta guud si siman ugu riixaan. Waa masiirkii ummadeena ee u toosa, Illaahayna haydin gargaaro. Nasiibkiina wacan ka midho dhaliya oo ehel, iyo ubadkiina magac aan duugoobin u reeba, waad kartaan ee u dhaqaaqa. Waa kartaan inaydun Soomaliland ka dhigtaan dal dimuquraadiyad dhab ah ku sifoobaa. Haa waad kartaan inaydun hormood ka noqotaan ictiraafka Soomaliland, oo manta ku xidhan doorasho xor ah, xalaal ah, qarsoodi lahayn, cid walba qancisa, kan helaa ku faano, kana laga helaana ku qanco… waa inoo guul idina waa idiin sharaf siyaade ah.

Waxa manta cad gaabis dhankiina u badan ooy ka faa’ideysatay dawlad cimridherer ka dhiganaysa sabab kasta ooy heli karto. Ka digtoonaada inaad niyad jabisaan shacbiga u heelan ictiraafka iyo dawlad la hanoqaada caalamka. Ka digtoonaada dib-u- dhac aan cudurdaar lahayn oo khalkhal geliya nabadda aynu ku naaloono. Waxa la yaab ah inaydaan ilaa maanta hawlgelin Maamulihii loo baahanaa inuu xafiiska diiwaangelinta maareeyo, waana mid ka muuqata kala-dhantaalidda hawshiina. Muddo ayaa ka soo wareegtay xiligii Muwaadinka Maxamed Baaruud shaqadii uu helay la diiday, iyadoo lagu eedeeyey dawladda. Halkay ku dhammaatay iyo bedel toona lama hayo ilaa maanta. Dadaal iyo daacadnimo aynu isku ogaano. Ha noqonina eed ka carar ee xaqqa ku addima, Allena talo saarta.
Waxaan soo qaatay habka loo soo xulay loona soo doortay Guddiga Doorashada Kiiniya. Waxa xulidda iyo ansixintaba loo dhaafay Golaha Wakiilada. Waana isla nidaamkaas kan ka shaqeeya dalkan U.K, oo magacaabid, iyo masuuliyad shaqaba waxay hoos tagaan barlamaanka, oo waxaa laga durkiyey Golaha Fulinta oon waxba ka dhexeyn. Fadlan si faahfaahsan u akhri oo guji hoos:

SAMOTALIS: Kenya: New chair for Electoral Commission

Waa iga tilmaan iyo in habkan oo Kiiniya u guurtay ka dib waxii ka dambeeyey doorashadii khilaafka dilka iyo burburku ka dhashay ka dambeysay, inay tahay midka ugu habboon ee lagu heli karo Hay’ad doorasho oo madax banana. Ma lihi Guddigeenu ma aha dhexdhexaad, mana yareysanaayo xilka iyo culeeska saaran, ee waa nidaam hufan oo shaki saaraaya cid walba. Maanta waxa xilka badbaado qaran saran yahay guddiga toddobada muwaadin ka kooban. Aan u duceyno in ILLAAHAY ku toosiyo xaqa iyo inuu u fududeeyo shaqadooda, inagana inaga dhigo kuwa wanaaga u tilmaama, kana reeba xumaanta iyo eexda. Aamiin.

Haddaad jecleysato maqaalkii aan ka qoray doorashadii Golaha Wakiilada 2006 booqo oo guji: SAMOTALIS: CODKAAGU YAANU CADOW KUGU NOQON (4)

Codkaaga ku ciil bax. U codee isbedelka. Iska jir in mar kale Codkaagu kugu Noqdo Cadow. Waad kartaa inaad dhisto dawlad dimuquraadi ah, codkaaga ku soo baxday, la-xisaabtan oggol, adigu leedahay oo awoodda aad ku dooratay aad ku eryi karto. Dawlad dad weynaha u shaqaysa een ka shaqaysan. Dawlad sharcigu ka sareeyo, leh cadaalad loo siman yahay. Haa Waad kartaa ee xaqiiji isbedelka aad u baahantay, ku ciil bax codkaaga.
Weynu guulaysan Insha Allah ee aan xaqqa iyo cadaaladda u hiilino.
Waa inoo maqaal kale iyo fikrad aad ila wadaagtaan, Insha Allah.

Ahmed Arwo
Samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: