UDUB WAXAY SAMAYNAYSAA WAX LOO DUL QAADAN KARAAYO MAAHA KULMIYENA WAX LA DOORTO MAAHA!!!!!!

Waxaa dhaba erayga uu Faysal Cali Waraabe yidhi ee ah hadii 29 ka March ay dhici weydo doorasho muu dhicin yoomal qiyaamii waxaaa hadalkaa ku jira ama laga dhadhan san karaa in ay dadka iyo dalkaba ay maslaxo ugu jirto, waayo waa fikir wanaagsan.

Haddii aanay dhacayn doorasho 29 March waa inla helaa xal uu wadanku ku sii waaro, laguna gaadhaa wada tashi iyo is af-garad.

Waxaan leeyahy siilaanyo waxay kaga dhegtay 29 March waxaanu u dareeraynaa doorasho ha dhacdo ama ayaanay dhicin, 30 March-na waa in aan ahaadaa Maddaxweyne, balse haddi ay taasi dhici weydo miyan la heli Karin xal aan ahayn in doorasho qaboonto adna aad noqoto madax wayne

Waxay ila tahay waaa la helayaa laakii diyaar uma tihid waayo waxaad leedahay oo qudha Riyaale wuu ka dhamaaday waxkhtigii ee aniga meeha igeeya aniga idoorta anigaa ka guulaysanaya anaa daku ila socdaa anaa madax wayne noqonaaya
Gabaybaa ahaa Duqu wuxu jeclaan laa midha daray had iyo jeer duuduub in lagu liqo waxes aanukuba darin in la yidhi halaga dayo dirxi in uu kuhoos jiro 

Reer Kulmiye waxay shir walaba ku sheegaan UDUB-aa wax xumaysay., wax qaribtay, wax walaaqaysa, wax waalaysa, wax khiyaamasay, waxay wadaka ka ilaalinaysaa kulmiye, cadaw aan kulmiye ahayn male, Kulmiyaa wax qarxiyay iyo erayo lamida 

Waxaanay doonayn in dalku horumar gaadho dhaaqaale ahaan, wax soo saar ahaan, ganacsi ahaan, caafimaad ahaan, wax barasho ahaan, xooliibay xidhay, dakadiibay xidhay, Dumarkibaa hagbadii laga baadhay.

Waxaan leeyahay waa runtiin sxbayaal laakiin in uudhaafo meesha oo uu ka dhaadhaco salaanka madaxtooyada mooyaane miyaydaan odhanayba sidey wax isku badalayaan, xagee looga gudbayaa marxaladan qalafsan ee bulshadu wada ogtay, wax qabad la’aanta Riyaale iyo xukuumadiisaba waxkhtigiina yaa badali kara in lays waydyo, laakiin maha anaa badalaaya ee i doorta

Waa sax hadii laysla garatay in horta wadanka looga diyaar garoobo oo doorashadana la qabto wakhtigii loogu talo galaay, laakiin waxay tahay su’aasha is waydiinta lihi haday dhic waydo wadanku miyuu baaba ayaa?

Yaase ku meel gaadha loogu dhibayaa? Yaa loo igmanayaa? Yaa dhamays tiri kara qabyada wadaka taala? Yaa gadhsiin kara inta Alle wax ka aqbalaayo?

Nin ayaa laga hayey hal-hayskan “walaal-kaa oo dhintayna wax loo faano maahaa naagtaasina waxay samaynaysaa wax loo adkaysto maaha”

UDUB waxay samaynaysaa wax lo dul qaadan kaarayo maaha Kulmiyena wax la doorto maaha

Madaxda Kulmiye waxa haya laba cudur oo kala ah
Doorasho kursi doona Iyo cudur UDUB la yidhaa oo jiidhay Kulimiye ka UDUB hayaana ka waaweyn ka Kulmiye haya.

Waxaa shir walbaad kaga hadashaan musuq maasuqa UDUB, wax qabad la aanta UDUB, fadhiidnimada UDUB, waxaad leediin anagaa wax hagaajinayna, anagaa ka wanaagsan.

Muuse Bixi waxa u yidhi Awal Bari waa laf dhabarta reer bariga u malaymaayo in Burco iyo Sanaagtaa la harday doorasho mooyee dan ka leeahay.

Aan mid ku idhaahdo Muuse Biixi gabaygii Ibraahin Gadhle ee ahaa:-

“Waraaba ayaan yidhi magacii inkaarnaa amiin baan kala baxay ee ha la i aamino” kadib maalintii danbe ayaa waxaa dhacay in neefbaa dabeed la gawracay sii ilaalibaa lagu yidhi muu si eegine wuu cunay neefkii inta uu cararay ayuu yidhi waxaad igu ogaataan wixii aan ahaan jiray Muuse Biixi waxaanu leenahay waxaan kugu ogaanaynaa waxad ahaan jirtay qofwalbana bulshadu ku ogtahay

Max’ed Kaahin waa ka hadal wanaagsanyahay waana uga roonayahaya dalka iyo dadkaba waayo isagu muu kala soocin bari iyo galbeed, meel walbaana wax qabad way u baahantahay codna waa laga doonayaa wadanka waa la arkaa inuu ubaahanyahay is badal laakin yaa samayn kaara isbadalkaa? ayay tahay is waydiintu

Waa in laga wada tashadaa oo laysla gartaa cida wax badalaysa laakiin Kulmiye waxa uu leeyahay anagaa badalayna ee na doorta
Waxaan leeyahay madaxda Kulmiye wadanka wanaag iyo xumaan midkay doonto ha noqotee wakhtiginii waad qabtaan ee siiya fursada xubnaha xisbiga ee kale.

Anagu waxba ka garan mayno warabe waraabe canaanay iyo waa walaalkii.

Guntiiiyo gabagabadii Kulmiye mid baan leeyahay:-

1. Kulmiye hadii ay doorashadu dhici weydo 29 march waa in aad keentaan xal, xalkaasi oo uu dalku ku sii waari karo oo ay nabad iyo xasilooni ku jirto, dadkana aad ka daysaan ficilkan UDUB ah ee aad ku abuuraysaan.

UDUB-na mid aan idhaahdo:-

2. Hadii la galo wakhtiga doorashada oo ay wakhtigeedii dhici weydo, waa in aad xilka u tirsaan cidii laysla garto si sharaf leh, waa hadii aad doonaysaan in uu dalkani ku sii naaloodo xasi-looni iyo nabad galyo, xukunkana haysku sii dhajinina.

Shacabkana mid aan idhaahdo:-

3. Hadii doorashadu dhici weydo 29 March, waa in aad ka fikirtaan wixii dalka khal khal gelinaaya, waa in aad meel uga soo wada jeestaan nabad iyo midnimada qaranka Somaliland, waa in ay aydeen eegi xaamasada xisbiyada qaranka.

Wabilaahi Tawfiiq
Qalinkii:- Khadar A/laahi Ahmed
Burco/Somaliland
Khaddar_15@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: