MASHRUUCA BOOBKU SANAD BUU SOCDAY, DAWLADUNA WAY OGAYD! By M. Harun

MASHRUUCA BOOBKU SANAD BUU SOCDAY, DAWLADUNA WAY OGAYD! By M. Harun
Xaqiiqda waxa Hargeysa ka dhacay iyo hantida badan ee luntay xukuumadu xilkii ka saarnaa miyay ka soo baxday? Jawaabta su’aashaasi iyadoo kooban waa Maya! 
Qalinkii:Maxamed Harun(2/22/2009)

MASHRUUCA BOOBKU SANAD BUU SOCDAY, DAWLADUNA WAY OGAYD! By M. Harun

Wax kasta oo dhacaa sabab uu u dhacay baa jirta? Wax kasta oo hdacana cid baa eed ku leh ama amaan. Taasi waa xaqiiqo. Magaalada Hargeysa ee imika mudada 20 ga sano ku sii socota caalamka aqoonsi la’aan uga xanibnayd, ee dadkeedu shaqo-la’aanta iyo duruufta adag la halgamayaan ayaa shil ku dhacay. Qawlaysato ayaa dadkii heshay; balan-qaadyo aan waaqici ahayn ayay dadka u qaadeen, si loo aaminona dadkii qaarkood bay u rumeeyeen wixii ay sheegeen intii badnaydna way caydheeyeen! Jawaabta ay xukuumadu ilaa hada ka bixisay shilkan ma aha mid sax ah.

Xaqiiqda waxa Hargeysa ka dhacay iyo hantida badan ee luntay xukuumadu xilkii ka saarnaa miyay ka soo baxday? Jawaabta su’aashaasi iyadoo kooban waa Maya! Xukuumadu waxay sheegtay inay mudo sanaad ku dhaw imika dadka u digaysay oo lahayd wixiina haysta! Taasi waa hadal wanaagsan, waana wacdi! Wacdiga waxa jeediya dadka aan awood xukun haynin ee culimada iyo wax-garadku ka mid yihiin. Doorka xukuumadu maaha wacdi radio ga laga jeediyo ee hadii ay ogaato in fal-dambiyeed xuni socdo waa inay talaabo qaado. Sidaas baa dawlad lagu yaqaanaa!

Dooda ah, “Dadku iyaga ayaa waxooda shuftada la doontay, anaguna waanu ka waaninay!” oo ah mawqifka xukuumada ee manta ma meel-mar baa? Aniga malahayga iyo aqoontayda gaaban waa maya! Dawladu waxay dawlad ku tahay oo u tahay inay wixii muuqda ee sharciga ka hor jeeda si kasta ha loo qariyee kashifto, gacan bir ahna ku qabato! Wixii aan muuqana waa inay ka sii hor tagto oo talaabooyin looga digtoonaanaayo qaado! Sidaas bay xukuumaduhu u dhaqmaan! Maaha inay sidii wadad masjid ka kacay yidhaahaan, “Dadka waanu u dignay oo tuugta wixiina ha u dhiibina baanu nidhi!”

Xukuumadu hadii ay inuun wax masuuliyad akhlaaqeed ama qaanuun ah dhawranayso, oo ay wakhti u hayso adeega bulshada, waa in ay talaabooyin cadcad qaadaa. Talaabooyinka ay qaadayso waa inay ka mid noqdaan tafsiir ay ka bixinayaan sababta ay u ogolaadeen shabakada shuftada ahi inay sanad mudo ku dhaw xoolo umada ka urursato oo aanay wax talaabo ah qaadin. Fashilaad masuuliyadeed baa jirta ee xagay ka jirtaa? Jawaabta su’aashaas, oo aan ahayn baadhitaan baa la samaynyaa aanay waxbana ka soo baxaynin sida xukuumada caadiga u ah, waa in dadkii la dhacay tiro koob rasmi ah loo sameeyo. Intaas kadibna dadka dhacan intooda daran inta u daran oo qoysaska agoomaha ahi ka mid yihiin waa in taakulayn iyo gurmad qaran loo sameeyaa. Wixii aan intaas ahayniba waa hadal-tiro iyo micno la’aan iyo masuuliyad fashilantay oo dayacan.

Maxamed Haaruun

Email: mbiixi@gmail.com

One Response to “MASHRUUCA BOOBKU SANAD BUU SOCDAY, DAWLADUNA WAY OGAYD! By M. Harun”

  1. toggaherer Says:

    toggaherer

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: