BAASAABOORKA DJIBOUTI EE LA SIIYEY CULIMADA SOMALILAND

BAASAABOORKA DJIBOUTI EE LA SIIYEY CULIMADA SOMALILAND
Dhowaan waxaa warbaahinta Somaliland caddaysay in Dalka Jabouti u qaybiyey Culimada S/land Baasabooro ah D/Jaboutian. Taasi oo muujinaysa in ay yihiin dhalasho ahaan.
Qalinkii:Mohamed Adan Omar(2/22/2009

 

Wacan oo wanaagsan Bahda Shebekadaha.

Dhowaan waxaa warbaahinta Somaliland caddaysay in Dalka Jabouti u qaybiyey Culimada S/land Baasabooro ah D/Jaboutian. Taasi oo muujinaysa in ay yihiin dhalasho ahaan kuwo ka soo jeeda Dalka Jabouti oo la maydhaamay. Sida la tilmaamayna Xukumada S/land ayaa ka dambaysay, kuna dhiiri gelisay Culimada qorshahan.
x

Waxaa kale oo aynu la soconaa in toban Sanno ka hor la sameeyey Baasaaboor Somaliland leedahay oo ka turjumaya astaanta Qaranimo iyo jiritaanka dalka. Waxa kale oo aynu la socona in Wufuda Xukumada oo Madaxwaynaha dalku hormood ka yahay ku socdaalayeen Baasaaboorka S/land,kuna aadeen dalalka jaarka iyo kuwa durugsanba, in muddo ahna haatan lagu dhaqmayey.

Hadaba,marka maanta loo qaybiyey Baasaboorka Dalka Jabouti hal-doorkii Culimadii S/land waa dhacdo dhabar-jebin iyo hantaaqo hor leh ku ah Qaranimada S/land,waana ficil mugdi gelinaya dhamaanba hankii iyo hiyigii Bulshadu ka qabtay jiritaanka Dal madax banaan oo la yidhaahdo S/land. Waa albaab hor leh oo loo furay Bulshada S/land oo loo tilmaamayo in inteeda kalena qaadato Baasaaboorka Cabdilaahi Yusuf si ay meesha uga baxdo Ummad iyo Bulsho leh astaan la yidhaahdo Somaliland oo u gaar ahi

Waxaa iyana xusid mudan in dhowaan hurin Wasiiro S/land ahi u socdaaleen dalka Jabouti,lana yeesheen shirar iyo heshiisyo Xukumada jabouti. Kuwaasi oo aan Bulshada loo shaacinin ilaa hada. Waxaa xigay in Saraakiil heer Qaran ah, Mudane Adan Waqaf laga soo celiyey Madaarka Jabouti,loona diiday in uu ku galo dalka jabouti Baasaboorka S.land maalmo ka dib markii Wasiirada Somaliland ka soo laabteen D/Jaabouti.

Waxaa iyana xigay oo xusid mudan in Maslax Siyaad Bare oo u tartamay Jagadda Madaxwayneinmo ee Somaaliya,isla markaas jagada labaad galay in uu war baahinta u sheegay in kharashka uu ku hawl gal uu ka bixiyey Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Daahir Reyaale Kaahin. Arintaasi oo aanay Madaxtooyada S/land weli beeninin.

Marka aynu odorsno dhacdooyinka is-xigay iyo ifafalaha muuqda,waxaad moodaa in ay jiran dabino qarsoon oo loo maleeyago Bulshada Somaliland iyo dalka, isla Xukumaduna ay ka qayb qaadanayso hirgelintooda.

Taasi awageed, waxaa looga bahaan yahay dadwaynaha iyo wax-garadka dalkuba in la feejignaado,isla markaas lala xisabtamo Xukumada dalka ka jirta.

Mohamed Adan Omar

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: