MAYER JICIIR WAA INUU DHISAA WADADA UGU XUN EE KU TAAL BARTAMAHA HARGEYSA AMA

MAYER JICIIR WAA INUU DHISAA WADADA UGU XUN EE KU TAAL BARTAMAHA HARGEYSA AMA

Maayar jaciir waa in uu dhisaa wadada ugu xun ee ku taal bartamaha magaalada Hargeysa ama uu iskaga dagaa xilka uu umada u hayaa wadadaas waxaa ku dhibaateysan waayeel badan

Dawlada hoose ee magaalada Hargeysa maxay wax uga qaban weyday wadada ugu
xun ee ku taal bartamaha magaalada Hargeysa , waxaa ayaan daro ah in
xarunta dawlada hoose ee magaalada Hargeysa in ay u jirto wax ka yar labo kiiloo mitir wadada ugu xuno
Hadaan idiin tilmaamo wadada ugu xun magaalada Hargeysa waxay ku taal xaafada Sheekh Madar , markaad soo dhaafto xero jaadka jidka xaga danbe ka mara
ee ku soo dhaca dugsiga Nuuradiin … waa ta ag marta dugsiga Nuuradiin ee gaarta xagga sare buurta
Hadaan si kale idiinku tilmaamo … markaad joogto qudbiga Sheekh Madar waa sagada ka horeysa qudbiga
Wadadan xun waxaa aad ugu dhibaateysan dadka dagan xaafadaa iyo dadka dagan xagga sare ee buurta ee soo mara jidkan , waxaa kaloo dhibtan heysataa waayeelka iyo caruurta oo aanba ka dagi karin iyadoo gacanta la qaban wax yeelada badana dadka dhalin yarada waxay ka soo gaartaa iyana habeenkii markey ka sii dagayaan ama soo korayaan.
Wadadan xun maalintii hadaad wadato gaari ood aad xagga sare wada u qaadeysid ama soo dageysid waxaa kugu adkaanaya kontaroolka gaariga intaad ka dageysid waxaad heyneysaa bareega , Wadadan xun dhibteeda waxaa ka mid
ah iskuma dhaafi karaan labo gaari , gaari iyo gaari dameer ama gaari iyo dadka wadada maraya ,
Wadadan oo aad ay dadku u isticmaalaan , waxaa ku soo durkay xaafadaha ku yaala oo deerar dhagax ka sameystay Waxaa kaloo dhibta ka mida gaariga xagga sare ee wadada tagaa malaha wado kale oo uu ku leexan karo oo uu mari
karo , way wada jaran jihiin, haduu dib u soo noqdana waxaa hor yaala dhibtaan soo sheegnay.
Hadii dawlada hoose ee magaalada Hargeysa ayna dayactireyn meelaha baahida ka jirto ee u baahan in dhaqso wax looga qabto , maxay guryaha iyo mehradahooda cashuurta uga qaadaan ! Waxaa haboon maayirka magaalada
Hargeysa waa in uu soo booqdaa wadadaa ay dadku ku dhibaateysan yihiin , hadii kale uu xilka uu umada u hayaa uu iska dhiibaa. Waxaa la yaableh dugsiga Nuuradiin ay hormarto wadadan oo ay soo maraan
ardayda waxkabarata dugsiga Nuuradiin intiisa badan , maxay wax uga qaban waayeen ama ugu soo bandhigiwaayeen dawlada hoose ama ay xaafadahaa uga aruurin waayey lacag lagu dayactiro wadadaas

Tafaatire : Yaasiin
webmaster@saaxil.net
saaxil@live.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: