HAYAAY , GUULEED GAHETROW WAR LA IDAA, YAA KUGU YIDHI DAWLADU HANTIDA DADKA KAMA MASUUL AHA!!!!!

HAYAAY , GUULEED GAHETROW WAR LA IDAA, YAA KUGU YIDHI DAWLADU HANTIDA DADKA KAMA MASUUL AHA!!!!!
Waxaan marka hore saalama dhamaan akhristayaasha iyo maareeyayaasha shebakadaha la akhristo

Ma jecli inaan qalinka qaato oo sawir aan leeyay uu sudhmo meelaha la akhristo, oo imika noqdey samuurado lagu wada feegaro oo qof kastaa uu waxa uu doono u soo gudbiyo. Hadana kama adkeysto oo ma waayo wax igu dirqiya oo igu khasba inaan qalinka khadka ku shubo, dabeed aan la dhaco warqada cad ee uu Microsoft ownerku ugu tala gely inuu wax ku qoro qofkii ay suurto gal u noqoto inuu dul fadhiisto PC, uu internetkisu online yahey. Aan isku dayo inaan ka hadlo amuurta maanta igu igbaartey inaan fariitan soo diro

Sheekada Hargeisa iyo Somaliland ka dhacdey ee ah in dad badan oo boqolaal dhaafaya, ay lacagahoodii isaga dhiibeen dad aan xafiisyo laheyn, ducoments aan wadan, waxa ay iibinayaan iyo waxa ay iibsanayaan aan mida la garanyenini, waxey astaan u tahey baababa iyo aaya la`aanta ka jirta dhaamaan Dhulka Somalidu degto, gaar ahaan Somaliland oo sheegata iney ka jirto dawlad iyo nidaam nabad gelyo oo buuxa, waxa ay astaan u tahey in dadku ay gudcur gudayaan oo ay joogaan meel goreygu uu ka hadaafey. Anigoo faalo intaa dhaafsiisan ka bixineyn waxa dhacey oo aan hubo iney waxaas iyo wax la midi maalin kasta dhacaan ama ay dhici doonaan, ayaa dadka amukurtan ka hadaley waxaa ka mida Aqoonyahan Mohamed Haruun oo isagu, si caanan ku jirto eeda arintaa dusha ka saarey Dawlada fadhiidka ah ee Somaliland.

Allaba oge hadii aan arintaa hore aan wax iska weydiiyey waxaan u arkaayey ama ay taheyba in maamulka Riyaale uu masuul ka yahey arintaa lagu baadhey maatida iyo wax ma garatada badan ee uu hunguriga iyo daamicaga beenta ahi hadntidoou saheyday. Mohamed Haruun anigoo ku colaadinayey muxuu u qorey intii aad qori laheyd, ayuunbaan indhaha qac ku siiyey nin magaciisa ku sheegey, GuuleedGaheyr oo Mohamed Haruun madaxa goostey. Waxaana hadaladiisi ka mid ahaa. (Haarunow dawladu kama masuul aha hantida dadka iyo halka ay gashanayaan iyo dadka waxey arkayeen faa`iido oo hadii laga horjoogsado).Mar hadii aan markii hore Mr.Haruun aan la mawqif ahaa, kama gabanayo inaan waleelkeen Gaheyr ugu caqli celiyo si nadiifa oo kooban

Guuleed Gaheyrow yaa kugu yidhi adiga dawladi kama masuul aha hantida dadkeeda?, xageed ka akhristey saxiib?. Walaal dawladu sida ay nabadeygalyda dalka uga masuulka tahey ayey hantida umadana uga masuul tahey. Ma kula tahey in qof uu iska furan karo bank aan sharci aheyn oo uu dadka lacag beena kaga ururiyo?. Ma kula tahey inuu qokfa dadka ka iibin karo wax beena?. Ka waran hadii aan boqolaal kun oo Dollar oo Faalso ah aan suuqa Dubai, ama ka London ku sarifo markaa malaha dawladu masuul kama aha iney i qabato?. Hadii aan danbas jooyada ku guro oo dadka daqiiq ahaan uga iibiyo, yaa ka masuula?.
Sida la sheegayo sheekadan oo kale waxey hore uga dhacdey wadamada Kenya iyo USA. Lakiin dalkaas mey aheyn in Islaamo buulal ku jira lacagta loo dhiibey ee waxaa lagu fuliyey habankan Bangiyada ribada wata, lakiin xaga dawlada ka sharci gareysan. Waa lacag dhigo oo hel rent ama Dulsaar. Dabcan markii danbe masuulkii ayaa lacagtii lawada aamusey. Taasi waa khiyaamo sharci gareysan lakiin khiyaamo tuugo cadaana ah Dawlasda ka masuula iney ka hortagto. Keliya Dawlada waxaa la gudbooneyd iney beri horeba wareysato dadkan lacagta ururinayey iyagoo la weydiinayo. A.Halka lacagtani ku biyo shubto ugu danbenyta. B.Waxa lacagtan lagu qabto iwm.

Waxaan filaya in Mr. Gaheyrow in arintaa aad keliya kala doodi karto saaxibada kukgu dhowdhow, dabeed aad ku qanci doonto marka lagu yidhaa Dawladu tuugta iyaga ayaa ka masuula iney dadka ka qabtaan. Weliba anigu shaki la`aan waxaan is leeyay dawlada lafteeda qaar ka mida masuuliyiinteeda ayaa Islaamaha lacag u dhiibtey. Aduunka kama dhacdo dad leh waanu baahaney oo waanu bakhtiyeynaa oo hadana Habro indha la u dhiibaya malaayiin Dollarka mareykanka ah. Waa arin mucjiso ah oo la yaabkeeda leh in Islaan ilaa Islaan lagu ururiyo lacag dhan maalyiin Dollar.

Alla mahad leh
Osman Omar Dool
Oslo Norway

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: