WARARKA IS KHILAAFSAN EE XUKUUMADA S/LAND IYO HUB GANTAALAHA MAXAA KA RUN AH?

WARARKA IS KHILAAFSAN EE XUKUUMADA S/LAND IYO HUB GANTAALAHA MAXAA KA RUN AH?
Salaan wacan bahda wargeysyada.

Sida warbaahinta ku sugan, laba todobaad ka hor waxaa Xukumadda Somaliland ,gaar ahaan Wasiirka Daakhiligu shaaciyay in la qabtay Hub lagu tilmaamay Gantaalo tiroba toban dhan oo ciidanka Amaanku gacanta ku dhigeen iyaka oo ku qarsoon guri ku yaala Magaaladda Hargesia. Waxaa raacay in Xukumaddu sheegtay in laga soo diray dalka Ereteria,lana soo mariyey Gobolka Gal-guduud.

Runtii waxa uu ahaa warkaasi dhawaaq dhiilo xambaarsan,dadwaynaha Somalilandna dib u xasuusiyey dhacdooyinkii 29October 08 ee lagu hoobtay,isla markaasi bulshada cabsi geliyey ah in weli Cadawgii ka dhex maleegayo magaalada Hargeisa iyo s/landba xasuuqyo labaad.

Maalmo ka dib, waa xigay warar sheegaya in hubkii ay la wareegtay Dawladda Ethiopia,Mareegaha dalka ayaana lagu faafiyey,cidina ma beenin.

Waxaa xigay in Wasiirka Arrimaha dibeda Mudane Cabdilaahi Ducaale ay idaacada bbc-du-warays la yeelatay todobaadkii laga soo gudbay,waxaana la waydiiyey su’aal ah,”maxaa ka jira hubkii la qabtay in Ethiopia la wareegtay ama hawlgalkaba lahayd.?”

Mudane Cabdilaahi waxaa uu si aan gabasho lahayn ugu jawaabay weedha ah (Looma kala hadhin qabashadda Hubka. Intaasi kuma eekaanin wasiirku balse waxaa uu raaciyey in Ehiopia xidhiidho badani ka dhaxeeyaan S/land iyada oo aad moodo in uu Wasiirku cid kale ku cabsi gelinya Saaxiibtinimada dalka Ethiopia ay xukumada S/land la leedahay.

Wasiir Cabdilaahi waxaa uu meesha ka saaray Qaranimadii Dalka S/land,karaamaddii iyo jiritaankiiba,waxaanu ku tilmaamay gobol Ehiopia gacanta ugu jira. Waa marka uu si aan caad saarayn u leeyahay umaanu kala hadhin anaka iyo ethiopia qabashadda tobanka Gantaal ee Hargeisa gudaheeda yaalay. Way jirtaa,dadkuna waa ka war qabaa in Xukumadda S/land ama Madaxtooyada iyo Dawladda Ethiopia ay ka dhaxeeyaan xidhiidh hoosaadyo qoto dheer oo aan laga war qabin,laakiin waxa xusid mudan oo aan hore Bulshaddu u ogsoonayn in Police- iyo ciidan Ethiopian ahi Caasimadda S/land ee Hargeisa ka hawlgalo caddaynta Wasiir Cabdilaahi ducaale ka hor.

Waraysigaas Wasiir Cabdilaahi, wararka Mareegaha dalka iyo faahfaahin la’aanta Xukumadda S./land ee xaaladda Hubkan iyo cidii ka dambaysay iyo sida wax u jiraan,waxay noqdeen kuwo Bulshadda somaliland shaki iyo werwer wayn ku abuuray oo ilaa hadda murugsan.

Waxaana la si waydiinayaa,ma wax aan jirinbaa hubka la sheegay?. Ma xukumada ayaa Xaalad abuur damacsan iyada oo ujeedooyin gaar ah ka leh.? Ma jaho wareerin dadwaynaha loogu talo galay baa jirta si doorashadda Madaxtooyada dib loogu riixo?,iwm. Xatta haddiiba xaalku yahay dhalanteed iyo Riwaayad Bulshada loo dhigayo,waxaa haboonayd in Wasiiradda metelaaya ee loo xisaaray ay ahaadaan kuwo si hufan isula jaan-qaada indho-sarcaadka si aanay dhakhso ugu fashilmin ujeedooyinka dahsooni.

Hadaba, si kasta oo wax u jiraanba,waxaa Xukumadda S/land looga baahan yahay in ay xaaladdan oo ah mid aan sahlanayn ka saarto mad-madawga iyo mugdiga hadheeyey,kana feejignaato xukumadu wararka is-burinaya ee aan meel oo raaco lahay,isla markaas dadwaynahana walaac iyo xasilooni la’aanta u muujinaya,cadawgana ka farxinaya.

Mohamed adan Omer.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: