WAA QAYBTII 3 AAD EE JIHAADKA DAR EEBE BY:MAXAMED XASAN

WAA QAYBTII 3 AAD EE JIHAADKA DAR EEBE BY:MAXAMED XASAN
JIHAADKA DAR EEBE IYO JAHAWAREERKA MAANTA(3aad)
Qaybtii 2aad waxay inoo joogtay su,aasha ah ; yaa ay masuuliyadiisa iyo xilkiisa tahay inuu jihaadka ku dhawaaqo oo abaabulo? balankeenuna wuxuu ahaa inayanu qormadan saddexaad ku lafa guro.hadaba waxaa muhima inaynu ka horaysiino s u,aasha ah waa maxay hadafka iyo ujeedada jihaadku? 
waxaan shaki lahayn in jawaabta dadka badankiisu garanayaan,gaarahaan kuwa xilka diintan iyo ku baaqideeda isu xilsaaray,jawaabtii oo koobanina waxaa weeye; waa in kelmada ilahay kor noqoto oo ay sarayso.maxaa looga jeedaa kelmada Eebe iyo kor noqoshadeeda? waxaa looga jeeedaa ;in diinta islaamka iyo dadka rumaysani ay noqdaan kuwo la ixtiraamo , lagu daydo,laga haybadeysto ,oo laga baqo ,sidaana waxaa inoo caddaynaaya aayado iyo axaadiis badan ,laakiin aan midba dhawr tusaale kasoo qaadano.
Eebe xumaan kanasahnaaye aayada 9aad ee suuratul asaf wuxuu ku yidhi :
( هو الذي أرسل رسوله با لهدى ودين الحق ليظهره على الدين كله ولو كره الكافرون ) 
oo macnaheedu noqonayo” Eebe waa ka rasuulkiisa hanuun iyo diin xaqa ku soo diray si uu diimaha kale oo dhan uga saraysiiyo ugana kor mariyo awgeed, gaaladu sidaa haba necbaystaane.” waxaa kale oo Eebe koreeye uu ku yidhi aayada 28aad ee suuratu al fatax : 
( هو الذي أرسل رسوله با لهدى ودين الحق ليظهره على الدين كله وكفى باالله شهيدا)

oo macnaheedu yahay” Alle waaka kusoo diray rasuulkiisa hanuun iyo diin xaqa si ,uu diimaha kale oo dhan uga koraysiiyo, Eebaana kufilan marag iyo markhaatiba.” waxaakaloo Eebe odhaah taa ka duwan laakiin ay isku ujeedo uun yihiin ku yidhi aayada 193 aad ee suuratul albaqara oo ah: 
( وقاتلوهم حتى لاتكون فتنة ويكون الدين لله فاانتهوا فلاعدوان إلاعلى الظامين )

oo macnaheedu yahay ” ladagaalama gaalada colaadu idin dhex taalo ilaa iyo ay fitnadu ka damayso , oo ilaahay uun talada iyo hogaanka looga hadhayo,haday gaaladu joogsadaan oo caga dhigtaaan colaadiina ku ekeeya kuwa daalimiinta ah oo keliya). waxaa kaloo macna kaa hore lamida Eeebe kuyidhi aayada 39 aad ee suuratul al-anfaal
( وقاتلوهم حتى لاتكون فتنة ويكون الدين كله لله فاانتهوا فاءن الله بمايعملون بصير 

oo macnaheeda aynu u tarjumi karno ” ladagaalama gaalada aad is haysaan ilaa fitanadu ka damayso Eeebana keligii uu noqonayo kalaga danbeeyo ee la adeeco,haday gaaladu joogsadaan oo adyada daayaan ilaahay waa arkayaa waxay falayaan.”
Hadaynu dib u milicsano aayadahani waxay cabirayaan oo ku soo noq noqday laba eray oo kala ah
( ليظهره على الدين كله ) oo ah ” ” “inuu diimaha kaloo dhan ka sareywsiiyo diinta islaamka ” iyo ( حتى لاتكون فتنة ويكون الدين كله لله ) oo la macno ah ” ladagaalama ilaa fitno laga waayayo diinta oo dhamina Eebe usug naanayso” maxay labdan weedhood inoo faa -iidaynayaan? 
waxay inoo faa,iiday nayaan , waa in ay noqotaa diinta islaamku mabda,a ugu sareeya , ugu qiimaha badan ee aadamigu jeclaysto,kuna soo hirto, iyo in dadkeedu noqdaan dadka farta lagu fiiqo ee caalamka u ah xidiga lagu daydo ee aadamigu hanaankooda iyo habdhaqankooda jantaan ee jeclaystaan. waxaa is weydiin mudan maxaynu uleenahay ;waa in diinta islaamku noqoto ta ugu qiimaha badan uguna saraysa miyaanay ahaynba?
waa su,aal meesha qabata ,waxaana aynu kaga jawaabi karnaa , haa way tahay diinta islaamku ta ugu qiimaha badan uguna saraysa,hasa yeeshee waxaa haboon inaynu ogaano aadamigu inta badan waxa uu mabd,a kasta ku qiimeeyaa dadka aaminsan ,waanay adagtayahay inuu kala saaro labadooda, waxaanay mabda,a kasta ku xukumaan sida uga muuqata dadka mabda,aa ku abtirsanaya, sidaa awadeed ayaanay suura gal ahayn inuu soo muuqdo oo soo shaacbaxo qiimaha iyo haybada islaamku, tiiyoo ay dadkiisu yihiin kuwa ugu liita ee ugu dib dhaca iyo fawdad badan caalamka maanta. sidaa aawadeed waxaa lagudboon muslimiinta maanta inay islaamka ugu tagaan halka uu joogo ee sare , waana inay fantaan oo kor u fuulaan fikta sare ee islaamku joogo ,si ay sharaf u yeeshaan aadamigana u tusaan qiimqha iyo qaayaha ay diintani leedahay ,ee ay iyagu ku shareereen ficil iyo falaad xumadooda.hadaad is weydiiso oo majiraa aadami falkiisu hadhaynkaro oo qarinkaro xaqiiqada diinta ee sida cadceeda u nuuraysa ? waxaynu odhankarnaa; haa waayo aadamiga ayaa ah cida ka tarjumaysa diinta iyo mabda, kasta oo dunidan jiraba.in taasi dhicikartana waxaa u daliila ,diimihii inaga horeeyeyba waxa daaha saaray ee xaqiiqadoodii madax iyo mijo u rogay soomaaha aadami ma meelkalaa looga yimi? ,kudarsa,oo Eebe ayaaba ku caddeeyey taa quraankiisa kariimka ah aayada 94aad ee suuratu al-nakhal oo ah:

( ولا تتخذوا أيمنكم دخلا بينكم فتزل قدم بعد ثبوتها وتذوقوا السوء بما صددتم عن سبيل الله ولكم عذاب عظيم )
oo macnaheeda aynu u tarjimi karno sidan ” haka dhigina ballanadiina- aad ku dharateen inaad fulinaysaan- qaar aad isku khiyaamaysaan ,taasina ay keento inaad xaqa ka sinbiririxataan ama ka siblataan , kadib intaad ku sugnaydeen ,markaa waxaydun dhadhamin xumaanta kadhalatay is hortaaga aad jidka Eebe iyo diintiisa dadka ka hor joogsateen ama kaleexiseen ,waxaana idiin sugnaaday cadaab weyn.)
aayadan waxaa sharxaaya mufasirka caanka ah ee ibnu kasiir,alla haw naxariistee waxaanu yidh i” ilaahay wuxuu adoomadiisa uga digayaa in ay balamaha iyo dhaaraha isku khiyaameeyaan,taasina waxay keenaysaa in ay xaqa ka sinbiririxdaan ama ka sibladaan ……. waayo gaalku markuu arako in mu,miniintu balankay laqaateen kaga baxeen, wax kalsooniya kuma qabayo diinta ,waxaana wadadii uu u soo mari lahaa ka ooday falkaa xun ee muslimiintu la timi.”
Aaan isweydiino,e waa ayo cida xaqiijinkarta ujeedadaa weyn ee qaaliga ah?,yaana kasoo bixikara xilkaa culus ee aynu soo tilmaamnay? warkii ookoobana waa ayo cida awood uleh inay jihaad ku dhawaaqdo maamulkiisa iyo maarayntiisana xaq u leh? .
waxaa arintaasi ay tahay awooda ay leedahay:
A) Dawlad islaama:
Cida ku dhawaaqi karta ,abaabuli karta ee hagistiisa iyo hogaamintiisa asal ahaan xaq iskaga lihi waa dawlada islaamka oo uu hormuud uyahay madaxa dawladaasi -Amiir,Madaxweyne,ra,iisaulwasaare iwm- kuu doono ha ahaadee, cida markaa madaxa dawlad ah ayaa shakhsi ahaan iska leh awooda ku dhawaaqida xaalad dagaal iyo jihaad . isagoo taa ka hadlaayana SH. Faysal mawlawi oo ah mufti caana oo ka tir san madaxda golaha fatwada iyo baadhitaanad ee qaarada yurub wuxuu yidhi ” Jihaad ku haduu weerar debad lagu duulayo yahay wuxuu ubaahanyahay in madaxa markaa dawlada muslinka ah hogaaminayaa uu kudhawaaqo, isagaanay tahay awoodaha uu leeyahay ee diintu siisay ,madaxa loo jeedaana maaha caalimka diinta ,isagu fatwo uu ku dalbaayo in jihaad lagu dhawaaqo in loo baahanyahay ayuu soo saari karaa, laakiin cida iska leh arinka ku dhawaaqida lafteedu waa madaxa iyo hogaamiyaha dawlada waxaana udaliila xadiiskii Nebigu uu lahaa
* ” لا هجرة بعد الفتح ,ولكن جهاد ونية, وإذا إستنفرتم فانفروا ) متفق عليه )
oo macnihiisu yahay ” majirto hijro dabe oo maka laga soo hiroonayaa,laakiin jihaad iyo niyaa jirta, ee hadii laydinka dalbo inaad jihaad usoo baxdaan u soobaxa” . Dr Sacad Albariik oo ah caalim sucuudiya isna isagoo taa sii adkaynaaya wuxuu yidhi: “kuma hagaagayo oo kuma habaysmayo jihaadku waxaan ka ahayn hogaaminta iyo talda xaakimka muslimiinta,waayo jihaadku maaha arin fudud ,waana arin culus oomuhim ah ,oo u baahan cudud midaysan,diyaargaraw,maamul iyo maarayn adag,sidaa aawadeed waa in madaxa dawlada muslimka ahi ogalaadaa oo hogaamiyaa ,waana kaa jihaadka dar Eebe ,ujeedadiisuna tahay kor u qaadida kalmada Eebe iyo fidinta diintiisa”. **
waxaa isaguna arintaa isna taageeraya muftiga caanka ah Ashaykh Dr yuusuf alqaradaawi waxaanu yidhi :”Arinka jihaadka waxaa loo xil saaray madaxa muslimiintu inuu isagu ka ijtihaado,bulhsaduna waa inay ku adeecdo oo ku raacdo ,waxaana haboon inuu kaga bilaabo adkaynta xuduudaha dawlada islaamka oo uu ciidan adag dhigo, dhufeysyo iyo wixii kale ee ciidanku ubaahan yahay uu udiyaariyo ,una magacaabo abaan duulayaa dagaalka iyo xirfadiisa yaqaana ,waayo xuduudaha ayaa ah halka ay cadawga iskaga dhawyihiin.” ***
sidaa si lamida waxaa isna qaba SH. cabdiraxmaan cabdi khaaliq oo ah caalim kuweytiya waxaanu yidhi :”arinta jihaadka wxaa loo xil saaray madaxa muslimiinta markaa hogaaminaaya, mana aha in laga talo goosto , mana aha in lagla hor maro go,aanka dagaalka” waxaanu soo guurinayaa sh .c/axmaan hadal noocaas oo kale ah oo uu ka sooguurinaayo ibnu al qudaamah oo ah culimadii hore waxaanu tilmaamay inuu kitaabkiisa al muqni layidhaa uu ku qaridhay in “arinka jihaadka uu xilkiisu saaranyahay madaxa iyo masuulka muslimiinta ,ummaduna waa inay ku adeecdo arintaa go,aankuu ka qaato” ****
Waxaa kaloo inoo caddaynaya in dawladu ka horayso jihaadka oo ay tahay in horta dawladii islaamka ahayd la raa diyo,taariikhda islaamka iyo sooyaalka dacwada diintan ,manay dhicin in Nebigu s.c.w, uu gacan qaaday ka hor intii uu dawladiisa madiina dhidibada u taagay, waxaa suuro gal ah in halkan su,aal layska weydiiyo oo ah dawladaa islaamka ah sidee loogaadhayaa miyaanay ahayn in dawladahan daba dhilifka ah ee caalamka islaamka qayrkii ka reebay horta lalajihaado? 
waa su,aal fiican sida dawladahaa loola tacaalayo maqaal gooniya ayeynu kaga hadlaynaa laakiin waxaaan jawaabta ku soo koobayaa, haa waalala jihaadayaa, laakiin jihaadka lala gelayaa maaha mid hubaysan ee waa mid siyaasadeed. Hadaba waa wadadaa wadada saxa ah ee jihaadka dar Eebe loo marayaa hadii se loo jeedo jahawareer iyo in wax la qaso dee waa fikrad kale oo loo baahan yahay in la iska hubsado.
B) Culimada islaamka:
Hadii lawaayo dawlad islaama oo sharciga Eebe ku socota ,waxaa xilkii jihaadku ku wareegayaa culimada diinta ee cilmigooda iyo ku camal falka diintooda layaqaano,waayo iyaga ayaa dadku kalsooni ku qabaa oo maqlayaa hadalkooda, una hogaansamayaa taladooda,laakiin culimadaasi waa inay ahaataa mid ijtihaadi karta aqoon fiicana uleh waayaha iyo waqtiga la maraayo,mana aha jihaadku wax uu shaqo kadhigto hadba nin jibooday oo cumaamatay dabadeedna magaca sheekh labaxay, ee waa mid ay hagayaan oo hogaaminayaan culimada layaqaano ee mujtahidiinta ,ah. waxaana wax lala yaabo ah in uu jihaad ku noqdo shaqo aan takhasus ubaahnayn , oo ninkastaaba khabiir ku yahay, taasoo kadhigaysa jihaadkii shaqo qiima yar oo aan wax shuruudi ku xidhnayn cida hogaaminaysa ee hagaysa, waana taa ta jahawareerka maanta keentay.
Hadaba jihaadku kama maarmo si,uu unoqdo jihaad xaqa oo islaam nimada kor uqaadaya dawlad oogta,hadii taa lawaayo ugu yaraan waa in dadka oogayaa shuruudahan buuxiyaan:
1/ waa inay awoodaan inay u babac dhigaan gaalada ay la jihaadayaan:
Marka culimada fuqahada ah ee lagu kalsoonyahay ay miisaamaan khasaaraha iyo faa,iidada ka dhalankarata hadii ay iswaajahaan labada awoodood ,kadibna ay la tashadaan dadka diintooda lagu kalsoonyahay ee khibrada uleh dagaalka ayaa ay gaadhi karaan go,aan ay ku soo saarayaan fatwo ay dadka ugu baaqayaan inay jihaad hu baysan usoo dareeraan , amaba mid siyaasiya , hadii labadaba la awoodi waayana adkaysi iyo sabir ayey ugu baaqi karaan, arintaana waxaa udaliil ah adiladii hore ee aynu ku soo caddaynay in wax kasta oo inagu waajib ah ay shareecadu ku xidhay karaankeena, ee dib ugulaabo maqaalkan qormadiisa 2-aad.
waxaa kaloo aynu u cuskan karnaa in muslimiintu marka uu cadaw goodu kabadan yahay laban laabkooda aanay ku waajib ahaynba inay ladagaalamaan, sida uu ibnu kasiir ka soo tebinayo ninka layidhaa Cadaa ibnu rabaax, isna uu kasoo tebinayo saxaabiga Cabdillahi Ibnu cabaas. isagoo sharxaaya aayadaha 65-66 aad ee suratul al anfaal oo kala ah
أيها النبي حرض المؤمنين على القتال إن يكن منكم عشرون صابرون يغلبوا مئتين يا )
( لايفقهون قوم إن يكن منكم مائة يغالبوا الفا من الذين كفرو بأنهم و 

oomacnaheedu yahay” Nebi aalloow ku dhiirigeli muminiinta,dagaalka ,haday idinka midyihiin labatan sabir badani waxay ka guuleysan laba boqol oo gaalada -ah , haday idinka mid yihiin boqol na waxay ka guuleysan kun gaalada kamida,waayo gaaladu waa dad aan waxba fahmaynin.” iyo aayada taa ku xigta oo ah
( فاءن يكن منكم مائة صابرة يغلبوا مائتين و إن يكن منكم ألف يغالبوا الفين باءذن الله والله مع الصبرين الئن خفف الله عنكم وعلم أن فيكم ضعفا ) 
oomacnaheedu yahay ” imika iyo eega ayuu Alle idinka khafiifinayaa ,waxaanu Alle muujiyey daciif nimadiina, ee haday idinka mid yihiin boqol samir badani waxay ka guulaysan laba boqol ,haday idinka mid yihiin kuna waxay idinka ilaahay kaga guu leysan laba kun , Eeebana kuwa samra ayuu lajiraa.” cabdillaahi ibnu cabaas R.C wuxuu yidhi isagoo labadaa aayadood sharxaaya” markay soo degtay ayada 65aad way ku cuslaatay muslimiinta in labaatan u babac dhigaan laba boqol,ama boqol ay iska caabiyaan kun,kadibna Eebaa ka khafiifiyey , waxaana uu aayadaa ku nasakhay aayada ku xigta ee 66aad ,xaalkooduna wuxuu noqday in aanay ubanaanay inay yaacaan oo jabaan hadii cadawgoodu ku laba-laabmayo ,hadiise cadawgoodu laban laabkooda ka badanyahay kuma waajib aha inay ladagaalamaan waxaana ubanaan inay ka meer meeraan .”
maxaynu aayadahan faah faahintooda uga danleenahay? 
waxaynu uga dan leenahay waa in aynu caddayno in ay dhici karto mar dadka muslimiinta ah aanay kuba haboonayn inay dagaal galaan ,oo ah marka aanay awoodayn ,taa horaynu u ,ogeyne aayaadkani waxay inoo sii faa,iidaynayaan in islaamku oo xataa hab xisaabeed xeel dheer isugu miisaamaayo awooda in laladagaalamaa ay waa jib tahay, iyo xooga in laga xeeladaystaa ay kuu banaantahay,taasina waxay inoo cadynaysaa khaladka ay ku jiraan kooxaha labaqof oo miinaysani ay dal dhan iskaga qarxayaan iyagoo wax uga danbeeyaana aanay jirin.
2/ waa in jihada dagaalka hagay saa mid tahay:
hadii aanay jirin dawlad jihaadka oogtaa shacbigaa muslimka ah ee dagaalka dar Eeebe isu abaabuley ee culimadu hogaaminaysaa waa inuu leeyahay hogaan midaysan,waayo hadii aanu jirin hogaan midaysani waxaa imanaaya tafaraaruq ,khilaaf iyo tamaryaraan,taasoo cadawga usuuro gelinaysa inuu ka faa,iidaysto ,waxaana imanaysa inay isku dhacaan kooxahaa kala hogaanka duwani sida inbadanba dhacda,isku dhacaana waxaa keenaaya mawqifyada ay kala qaadanayaan hogaamiya yaashoodu.Ilaahayna wuxuu kaga hadlay quraankiisa sida aanay u banaanay in laysu khilaafo khilaaf keenaaya isku dhac, iyo sida uu khilaafku u daciifiyo awooda muslimiinta iyo haybadooda, waxaanu ku caddeeyey aayaad badan inaanu banaanay khilaafka noocaas ahi.Waxaana aynu tusaale usoo qaadankarnaa aayada 46 aad ee suuratul al an-faal oo ah
( وأطيعواالله ورسوله ولا تنازعوا فتفشلوا وتذهب ريحكم واصبروا إن الله مع الصابرين )
oo macnaheeda aynu u dhugi karno” Alle iyo Rasuulkiisa adeeca, hana doodina oo ha murmina -dood iyo muran khilaaf dhaliya- waydun fashilmaysaane,awoodiinuna way daciifaysaaye,sabrana Eeebe kuwa sabra ayuu lajiraaye”
sidoo kale Rabi xumaan ka hufnaaye wuxuu ku ydhi aayada152aad ee suura tul Aala -cimraan
( ولقد صدقكم الله وعده إذ تحسونه باءذنه حتى إذا فشلتم وتنازعتم في الأمر وعصيتم…الآية ) oo aynu u tarjumi karno sidan”Ilaahay waa idiin xaqiijiyey ballan kiisii markii cadawgiina aad madaxa ka gurayseen,ilaa aad ka fashilanteen,ood ku muranteen talada ,oo aad amar-diido la timaadeen ….. ilaa dhammaadka aayada”
3/ waa in la ilaalinayo axkaamta jihaadka:
shardiga saddexaad ee looga baahanyahay in ay ka soo baxaan shacbiga jihaad isu abaabuley ee culimadu hogaaminaysaa markaan dalad laheyn ,waa in ay ilaalinayaa axkaamta shareecadu u dejisay jihaadka oo aynu ka tilmaami karno:
A-in aan la dilin dadka goobta dagaalka ka dagaalamaya mooyaane cidkale
B- waa in aan maxaabiista la laynin 
C- waa inaan la dilin daka dalxiisayaasha ah dublamasiyiinta iyo kuwa hay,adaha smafalka ka shaqeynaya:
arintan waxay ubaahan tahay falanqyan, waayo waxaa badan intay kooxaha jaha wareerka wadaa ee magaca jihaad ka huwani ay laayaan daka noocaas ah, hasa yeeshee ma banaana dadkaa in la laayo waayo marka hore waxay soo galayaan kuwa aan dagaal ka ku jirin ee aynu kor ku soo sheegnay .waxa uu leeyahay sh faysal mawlawi “Nebigu wuu nahiyey in lalaayo haweenka caruurta dadka duqayda ah ,tujaarta iyo dadka ka shaqaynaya hawlaha ka baxsan dagaalka ,kuwaasoo qawaaniinta caalamiga ahi maanta ku tilmaamto rayidka .halkaana waxaa inooga cad hawlaha ay kooxaha qaar ku kacaan sida ku wii kadhacay londan ,madriid riyaad sharam sheekh iyo kuwa lamidka ahiba inay yihiin qaar khilaafsan axkaamta jihaadka ee layaqaano.” *****
sidaasoo kale mabanaana in lalaayo safiirada iyo ergooyinka kale ee dalalka islaamka ku jooga sifo sharciya iyo hab waafasan xeerarka caalamiga ah, isagoo arintaa ka hadlaaya Dr maxamed cali saqluul oo ah hormoodka kuliyada shareecada eejaamacad almu,tah ee dalkaasi urdun wuxuu leeyaha: ” safaaradaha dawladuhu isweydaarsanayaan waxay noqonayaan qaar ku jooga- cahdul amaan-( oo ah magan- gelyo dawlada muslimka ahi ama qof muslin ahi uu siiyo qof ama dad aan muslimiin ahayn) markaa safiiradaa iyo shaqaalahooduba waxay xaq u leeyihiin in la ilaaliyo dhiigooda loona oofiyo balankooda,waxaa xusid mudan in cilaaqaadka safaaraduhu ay ku yimaadeen labada dawladood oo raali ku ah ina ay xidhiidhkaas samaystaan,waxaanu intaa ku daray Dr saqluul in ku xadgudub ka lagu xad gudbayo safaaradahaa ay tusayso jahli ay kaga sugan yihiin axkaamta shareecada kuwa arintaa ku kacayaa,waxaanu ku nuux nuuxsaday inaanay jirin cid fuqahada kamida oo arintaa banaynaysa,laakiin haday dawlada safaarada lihi tahay dawlad dalka gumaysanaysa ,oo xoog ku joogta dawlada dalkaasi aanay raali ka ahayn markaa safiirka laftiisu gumaysiga lala dagaalamayo ayuun buu ka mid noqonayaa.” *** ***
waxaa isna mawqif kaa lamida cabiray Dr salaax salad oo ah xubin ka tirsan golaha fatwada iyo baadhitaanada ee qaarada yurub waxaanu yidhi:” haa qarxinta safaaradaha ajanebiga ee degan dalalka islaamku maaha wax shareecadu ogoshahay waana falal arlo fasahaadin ah, waanay khaldameen kuwa falalkaa ku kacayaa, waxaanu farta ku fiiqay in aanay banaanay in lagu xad gudbo safiirada waayo dhawrista argooyinku waa wax yaabaha ay shareecadu ina amrayso. laakiin Dr salad wuxuu carabaabay in ay falalkaa qaar kood ay sabab u yihiin dawladaha islaamka ahi waayo, markay talaabada ku haboon ee dublumaasiyadeed ama siyaasadeed ka qaadan waayaan xadgudubyada dawaladaha qaar u geysanayaan islaamka -sida sawiradii laga faafiyey Denmark ee Nebiga dhaleecyanayey – taasi waxay jaanis siinaysaa dad aan aqoon ku filan lahayni anay jawaab khaldan ka bixiyaan” ****
Dhanka kale hadaynu eegno iyana waxaan banaanayn in lalaayo dadka dalxiisayaasha ah amaba sifo sharciya ku soo galay dalalka islaamka lana siiyey fiise ay ku joogaan , isagoo arintaa ka hadlaaya muftiga caaanka ah ee SH.Dr.yuusuf al qaradaawi wuxuu yidhi: ” falalka kale ee axkaamta shareecada khilaafsan ee ay ku kacaan kooxaha magaca jihaadka huwan qaarkood waxaa kamida; inay laayaan dalxiisayaasha waana -musta,miniin- sida uu u yaqaano fiqifga islaamku ,waayo waxaala siiyey amaan iyo magangelyo markii loo ogolaaday fiisaha ay dalka ku soogaleen,waana in la ixtiraamo magantaa dawladu ay magan gelisay waana inaan la goyn magantaa lana burin cahdigaa maalkooda iyo naftoodabana waa in la dhawro .
Nebigu SCW wuxuu yidhi : ( ذ مة المسلمين واحدة فمن أخفر مسلما فعليه نعلة الله والملائكته والناس أجمعين )
oo macnihiisu yahay ” maganta muslimiintu waa mid , qofka gooya magan uu galay qof muslim ahi; dushiisa ha ahaato lacnada Eebe,tamalaaiigta iyo ta dadkuba” *** *** * 

E- waa inaanay dhicin marnaba iyo sinaba in qof mus lima ah la dilo.
aynu soo qaadano aayad keliya oo ina tusaysa sida in qof muslina la dilaa aanay u banaanay waana aayda 93aad ee suuratu-ALnisaa Eeebe koreeye wuxuu ku yidhi :
( ومن يقتل مؤمنا متعمدا فجزاؤه جهنم خالدا فيها وغضب الله عليه ولعنه وأعد له عذابا عظيما )
oo macnaheeda aynu u dhigi karno sidan ” qofka kas iyo maan u dila naf muslim ah abaal marin tiisu waa jahanama oo uu ku waaro,Allana wuu u cadhooday, naxariistiisana waa ka fogeeyey, cadaab weyna waa u diyaariyey”
waxaa fiican inaynu halkan kusoo min-guurino hadalka qiimaha leh ee uu ka yidh aayadan saxaabiga weyn ee Cadillahi ibnu cabaas sida uu ku soo tebinaayo mufasirka weyn ee Ibnu kasiir alla haw naxariistee wuu sheegay in”ninka layidhaah Saalim binu abii jacad uu yidhi:waxaanu lajoogney Ibnu cabaas,waxaanay ahayd intii uu indha beelay kadib, ninbaa u yimi oo ku yidhi : Cabdillaahow ,maxaad u aragtaa qofka qof muslina kas iyo maan u diley? wuxuu ugu jaaabay,abaal marintiisu waa jahanama waanu ku waarayaa ilaahayna wuu u cadhooday naxariistiisana waa ka fogeeyey cadaab weyna waa u diyaariyey. ninkii su,aal buu ku celiyey wuxuu yidhi: hadii uu toobad keeno, oo camal fiican sameeyo, oo uu qof hanuunsan noqdo kawaran? Ibnu cabaas wuxuu ugu jawaabay : hooyadii ha goblanto,e xagee toobad iyo hanuun toona uga imanayaan!? ilaaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, waxaan maqwlay Nebigiina ooleh” hooyadii hagoblanto qofka muumin kas iyo maan u dila,e ,wuxuu imanayaa yoomal qiyaamaha kii ladiley isagoo gacanta bidix ama midig haya dhiiguna ka haw-leeyahay xawlal mariidadiisa -xididada dhuunta iyo cunaha udhexeeya- xaga carshiga Eebaha raxmaanka ah ayuu imanayaa,kii diley gacanta midig buu kabuux sanayaa ta bidixna madqxiisii ayuu ku qaadayaa markaasuu o dhanayaa : rabaw ii weydii wuxuu qofkani igu diley,ilaaha nafta ibnu cabaas gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, aayadani markaysoodegtey may jirin aayad kadanbeysey oo nasakhday xukunkeeda ilaa intii Nebigiina laga oofsanayey,xujo kadanbeysey oo cadina may soo degin.”
axaadiista xageeda aan ku soo koobsano xadiiska uu werinayo Abuu macbad al miqdaad Binul aswad( R.C)
oo ay soo saareen Bukhaari iyo Muslimba
عن أبي معبد المقداد بن أسود رضي الله عنه قال: قلت لرسول الله صلى الله عليه وسلم :أرأيت 
إن لقيت رجلا من الكفار , فاقتتلنا,فضرب إحدى يدي بالسيف, فقطعها , ثم لاذ مني بشجرة ,فقال:أسلمت لله, أأقتله يارسول الله بعد أن قالها ? فقال : لاتقتله فقلت :يا رسول الله قطع إحدى يدي, ثم قال ذلك بعد ما قطعها ? فقال : لاتقتله, فاءن قتلته فاءنه بمنزلتك قبل أن تقتله وإنك بمنزلته قبل أن يقول كلمته التي قال ) ه 
oo macnihiisu yahay ” Rasulkaan ku idhi (S.C.W) kawaran hadaan lakulmo nin gaala oo aanu islayno, oo uu labada gacmood mid i gooyo , kadibna iga baxsado oo geed igaga dhuunto ,oo uu yidhaahdo: ilaahaybaan u hogaansamey , miyaan dilayaa kadib intuu hadalkaa ku dhawaaqay? wuxuu iigu jawaabay : hadilin, waan ku celiyey waxaan idhi rasasuu kii allaw hada labadaydii gacmood mid buu seef ku gooyey baan ku dhi ! dabadeedna kalmadaasuu ku dhawaaqay mar kuu gacanta ijaray kadib. wuxuu iguyidhi: ” hadilin ,hadaad disho isagu halkaagiibuu gelayaa aad joogtay intaanad dilin ,adna halkiisii baad geleysaa uujoogay intaanu kelmadaa odhan.”
waxaa culimadu ay ku fasirayaan in xadiiskan macnihiisu yahay, halkii siibaad geleysaa waxaalooga jeedaa, dhiigaagu xalaal buunoqonayaa oo waa in lagu qisaaso waayo muslinbaad dishay, halkaagiibuu gelayaana ujeedadu waxaa weeye, dhiigiisu in ladaadiyo ma banaana sidii adiguba aanu kaagu ubanaanay markii aanad dilin ka hor. bal ufiirso qof aad gaalnimo ku hub tey ,oo goobta dagaalka aad isku hayseen, ayaa markaad ku soo dhaqaaqday yidhi -laa ilaaha ilaa alaah- inuu ku gabanaayana waa suura gal, laakiin waxaa xadiiskani inoo caddaynayaa inaan la dili karin ,waayo waxaa kaloo suuragal ah in markaa ay ku soo dhacday inuu dhab u islaamao,maxay kula tahay qiilka markaa loo helaayo dad muslina oo suuqooda mushaaxaaya oo danahooda qabsanaaya dilka ladilaayo.
sidaa suu u adag yahay xukunka kusaabsan in qof muslina kas loo dilaa ,mana noqonayo sabab caqli gala diin baan u dagaalamayaa oo muslim baan laynayaa, waayo anigu ciyaar ciyaar uma dilaayo e wax qiima badan oo diintii ilaahay ah baan u soowadaa ,taasi ma,aha mabda,a islaamka ee waa(machiavelian system) ee aaminsan hadaan wax wanaagsan soowado wado,kasta waan u marayaa .mana suurta gal aha inaad tidhaahdo, dadku ha u sabraan dilkeyga waayo sikaloo aan yeelo ayaan garan waayaye hadhawbaan shareecada iyo naxariisteeda ku maanshaynayaaye!
Bal halkaa aan ku hakino qodobkaa waxaana aynu qaybta 4-aad ee maqaalkan ku falanqayn doonaa su aasha ah: yaa lala dagaalamayaa? waa inoo jawaabta su,aashaa iyo qormada afraad hadii Eebe idmo.

maxamed xasan
USA
hirrig@gmail.commail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: