WAA MAANSO CUSUB (DOORASHOOY MAXAAD TAHAY)

WAA MAANSO CUSUB (DOORASHOOY MAXAAD TAHAY)

waxaan salaamayaa bahda mareegta toga herer,salaantaa dabadeed.halkan waxaan ku soogudbinayaa ,maansada layidhaahdo (DOORASHOOY MAXAAD TAHAY)koley sida magahaca lag fahmi karo doorashada iyo arimaha laxidhiidha ayey ka hadlaysaa,waana tan

DOORASHOOY MAXAAD TAHAY? 02/16/2009
doorashooy maxaad tahay
dabkii aad hurisay iyo
dhinbiilihii aad daadisay
sawkuwan dalkii gubay
dar,allee asxaabtii
isku qabay daryeelkee
iska xigay dakaa kale
saw kuwan daraadaa
col daahoodu uu go,ay
isu daran noqdeenee
ay isu du daayaan
su,aal uu dreen wado
duruuftaynu nooliyo
waayuhu damqeen aan
daaha kaaga qaadee
maxaad dalka u haysaa
horta laguugu diriraa ?
dadkan seexan waayee
duhurkiyo habenkii
meeraaya debadee
udibjiray daraadaa
maxay kuugu daalaan?
dalku waa faqiiroo 
dirham nooma yaalaa
dadka lagu sabaayee
marka aad duleedkiyo
kanbalkayaga soo degto
doolarkan na waalee
damiirkii rakhiisiyey
doorashooy muxuu yahay?
doorashooy sirtaadii 
daku wuu ogaadaye
kuwan aad duduucayseed
kaladoorta leedahay
daacad aan u hadalee
wax ma doorinkarayaan?
hadaad haa ku doodana 
diiday baan ku leeyah
beenbaad daldalaysaa
haday riyi dub leedahay
dabaday ku qarin leyd
waxaan uga dan leeyahay 
tiisaba daryeelaa
tu kaleeto ku daree
digteytaro weeyaan
saddexdoodu kala daran
ururadooda doodiyo
doorasho xalaaloo
dadku uu usimanyahay
ragii diiday weeyaan
waana daliil caddaynkara
dadka inaanay doogiyo
degmo raysle furahayn
doorosho waxay tidhi
demenoow war hooyoo
dab anigu ma aan sudho
dareenkeedu bulsho uu
daaqsin geel furanyoo
dukhuldaakhil aragtoo
aan wax ka dah soonayan
daawo iyo xal baan ahay
garsoor daacadaan ahay
hayeeshee damiinimo
iyo adiga oo dagan
aan wax hoos u dayahen
yaa darayga ku dhigtoo
kolba aad darleeftiyo
diihaalka kubadee
haygu tumin durbaanada
dakanadayda kugu maqan
markaan doonan waayaad
nabarada damqaysaa 
idaandaansanaysaa
dadaw eega yaabkani
waankuu dansheegtee
ma daandaansibaan falay?
nabarkaan damqaayiyo 
dakanadaadu waamaxay?
deel qaafka iga daa
demmanoow war laawoow
magacayga ninka diley
sumcadayda dunidiyo
ninka darajadaydiyo 
doorkayga liiciyey
doorashada beenta,ah
halka laygu magac daray

kuwa dubka madawee
isku diirka tiiniyo
degmadaada mooyee
duulkale miyuu yahay?
dadku codka ay bixiyaan 
halka lagu dilaalee 
lagu daba marteeyaa
kuwa dubka madowee
isku diirka tiiniyo
degmadaada mooyee
duul kale miyuu yahay?
waxa taa ka sii daran
dad cod koodi la dhacoo
xaqoodii laduudsiyey
oon doonayanayo
naga daaya dhahaya
kuwa dubka madawee
isku diirka tiiniyo
degmadaada mooyee
duul kale miyuu yahay?
dadka waxaan u hay iyo 
waxa laygu diriraa
waa kala duwanyiin
marna waa dar Eeboo
dagaal xaqaba weeyaan
dawlad xaqaan hayaayoo
daku ay ogolyihiin
iyaguna ay doorteen
waxalaygu diriraa
haduu dalku dumaayiyo
haduu dadku rogmaayaba
degimaayo weeyaan 
iyo waad degeysaa
doollarkan bararayee
doorkaan imaadaba 
dadka lagu faraqayaa
denbigeyga maahee
waa adi demmenidaa
diidoo haqaadanin
waa lagugu dagayaa
midkalaa kadooroon
dig kasiiyoo cuuroo
daabaqad malihid uu
dadka kaaga soocayo 
daalinkii ku siiyaye
dalka kii anfacayee
dooroona soo cugo
hadaad diido taladaa 
duligaa ku noolaw
hadba kii dibira,ee
isyidhaahda dallacoo
dad adigu adleedoo
sida duunyo dhaqato
doono waad heleysaa
daabad uu kirystoo
ku fushado dantiisoo
ku dekeeyo noqo oo
kolba uu yar daajiyo
doorashooy war lagu sii
digteytar ma aan ihi
keli talis aan debcahayn
xaqa aan danayneyn
doodii adaa helay
dawgu waa sidaad tidhi
ee ugu danbayntii
bal dardaaran iyo talo
dadkii maxaad faraysaa?
doorasho waxay tidhi
waxa iga dar daarana
inta damacu kursi yahay
oo bulsho daryeeloo
gaadhsii dadkaa tegey 
dareenkaasi maqanyahay
reer hebelna diin yahay
daka aad ku xulataan
waa is daba wareegoo
halkaad doraad ka guurteen
yaad maanta degeysaan
dulinkii hashii diley
hadaynaan ka daaweyn
qaalinteena inuu deyn
dubaaqaanay gelahayn

maxamed xasan
USA
hirrig@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: