WAA KUMA ODAYGA SOMALILAND EE SHACBIGU ISLA QIRAY HAWLKARNIMADIISA

WAA KUMA ODAYGA SOMALILAND EE SHACBIGU ISLA QIRAY HAWLKARNIMADIISA
shacbiga somaliland waxaa ku waajiba inay siiyaan bilad sharaf xaaji cabdi kariib xuseen cabdi waraabe
tan iyo maalintii la abuuray gooni isu taaga somaliland waxa xaajigu ku hawlanaa nabad waarta oo somaliland dugsato
xaajo kasta oo murugta iyo waqti kasta oo hawli timaado meesha loo ordo ama kaalmo laga doonaa waa daacadnimada xaajiga
ilaahay ayaa xagiisa loo ordaaye kaalmana bixiyee waxa xaajigu muujiyay hagar la,aan uu umadiisa u hibeeyay oo eebahay ku manaystay
hadaba abaalkaa uu u galay umada reer somaliland waxaa inagu waajiba in ixtiraamkeeda la siiyo iyo qadarinteeda laguna sharfo xaajiga
odayaasha dalka jooga ee nabada kala shaqeeyay xaajiga iyo kuwa si gaara u wadaba waa in la xusaa ayagana
maxaa yeelay guushu waa mid kawada dhaxaysaa inta isxilqaanatay ee dalkooda iyo dadkooda ugu jira heeganka
markaa kamaynaan tagin dhamaan masuuliyiinta iyo odayaasha hawlkarka ah ee daafaha dalka ka hawlgala
balse qormadani waa mid aynu sigaara xaaji cabdi kariim xuseen ugu xusnay

umad kastaaba waxay leedahay halyay ay ku faanto qadarin iyo qalbi wacana laabta ugu hayaan
sida mahatma gaandi oo dadka reer india ay aad ugu faanaan aadna u ciseeyaan
boqortooyada sucuudiga ayaa ayadana boqorka aad loo qiimeeyaa uu ahaa boqor faysal alsucuud
hadaba waxaan qabaa in somaliland dadkeeduna ku faano ODAYGEENA XAAJI CABDIKARIIM XUSEEN 
eebaa mahadlee waxaanu leenahay xaajiga waxaad mutaysatay in mahadnaq lagu siiyo .

siciid cabdi dheen
dheen12@yahoo.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: