TALO KU SOCOTA SHEEKH SHARRIIF SHEEKH AXMED

TALO KU SOCOTA SHEEKH SHARRIIF SHEEKH AXMED

Ku: Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Baarlamanka dalka Somaliya
Ka: Muwaadin ka soo jeeda dalka Somaliland

Ujeedo: Talo ku wajahan hirgelinta hogaanka laguu doortay iyo aqoonsiga Somaliland.

Mudane Sheekh Shariif iyo Mudanayaasha baarlamanka Somaliya marka hore iga hanta salaanta islaamka.
Marka xigta waxaan talo idiinku soo jeedinayaa inaad qorshahiina dhaqaajinta hawsha laydiin igmaday ku darsataan uguna horaysiisaan ku dhawaaqida aqoonsiga Somaliland. Talaabadaas hadaad ku dhiirataan waxa hubaal ah inay horumar miisaan leh ku yeelanayso dhaqaajinta nabada iyo deganaanshaha dalka aad hogaanka u tihiin,gacan walaalnimana ka heli doontaan shacabka iyo dawlada Somaliland-ba.

Mudane Shariif iyo mudanayaasha xildhibaanada waxaynu rumaysanahay allaah (SWT) inuu inna faray ilaalinta ama dhawrida xaqa jiritaanka,nolosha iyo rabitaanka aduumadiisa. Sidaa darteed waxa waajib ah inaad tix gelisaan kuna dhawaaqdaan jiritaanka iyo rabitaanka shacabka Somaliland. Kuna aqoonsataan Somaliland idinkoo ku tix gelinaaya arrimahan hoose:

* Himiladii isu keenka 5tii Somaliyeed oo dhicisoobay markuu dalka Jabuuti ee idin marti geliyay noqday dal gaar u taagan.
* Rabitaanka shacabka Somaliland kala noqdeen kalsoonidii ay kula midoobeen Somaliya.
* Xaqa shacabka Somaliland ay u leeyihiin jiritaankooda qarannimo.

Hadii inuun qalbigiina dux cadaalad iyo allaah ka-cabsi ku jiro waxaad ogtihiin inuu xaaraan tahay xaqa qofka muslimka ah in la xaqiro lana duudsiyo. Hadaba waxan talo idiinku soo jeedinayaa inaad ku dhawaaqdaan aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland,waana rukun xoojinaya dhaqaajinta waxqabad oo ku salaysan cadaalad iyo xaq soor aad ku soo dabaashaan dalka Somaliya,waana kobcinta aayaha iyo nabada labada dal ee walaalaha ah Somaliland iyo Somaliya.

Wa billaahi tawfiiq.

Hussein Badmah

Hargeysa, Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: