SOMALILAND DHALINYARO SIYAASIYIIN AH BEY U BAHAAN TAHAY

SOMALILAND DHALINYARO SIYAASIYIIN AH BEY U BAHAAN TAHAY

Somaliland dhalinyaro siyaasiyiin ah bey u baahantahey

by : Fuaad cabdisalaam, khartoum

salaamu laahi caleykum

Ilaaheybaa baa iskal leh mahad oo idil kaas oo bini aadamka ka abuurey dhoobo sidoo kale inaga dhigey umad islaam ah oo wanaaga is farta xumahana iska reebta ,
intaas ka dib somaliland waa wadan madax banaan oo ka mid ah wadama aan wali aqoonsiga helin , sidoo kale Mudadii ay goonida u taagneyd gaadhey horumar dhinac walba ah gaadhey iyadoo ka helin beesha caalamka taageero buuxda,
waxaa kaloo ka wada dharagsan nahey mandaqada ay ku taal somaliland iyo dhibaatooyinka ka taagan , ,
waxey kale oo ay somaliland soo martey doorashooyin kuwaas oo guul balaadhan ay ka gaadhey , isla sanadka soo socda ee 2009 waxey isku diyaarineysaa doorashooyin kale oo xor iyo xalaal ah ,
habada akhriste somaliland wakhti xaadirkan waxey u baahan tahey isbadel xaga hogaamiyaasha siyaasada ah ,
marka aynu eegbo musharaxiintii u tartantey doorashooyinkii horre iyo kuwa maanta tartamay aan wax isbadel ahi jirin ,
se suaashu waxey tahey isbadelka siyaasada ee ay somaliland u baahantahey ma waxaa keeni kara mucaaridka hada jirra mise muxaafidka , mise mid aan aheyn labadoodaba ,
wakhti kasta oo soo marey somaliland waxey ka faaidey waayihii uu watey , marka aynu eegno doorashada soo socota cidii doonta ha ku guuleysatee lagama yaabo in isbadel badan yimaado , sababtoo ah hogaaamiyaasha iyo madaxda ku tartameysa doorashooyinkaas oo ah qaar siyaasada in badan ku soo jirey sidoo kale aan ku cusbeyn reer somaliland iyo beesha caalamkaba,
doorashooyinka soo socda somaliland waxey u baahantahey siyaasiyiin cusub oo ay goaaminayaan dhalinyarada leh aqoonta sarre mid diiniyan ah iyo mid kale kuwaas oo maanta dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku kala daadsan , fursada na loo siin waayey in ay si toos ah uga qeyb qaataan siyaasada dalka ,
bal akhriste u fiirso musharaxiinta maanta u taagan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka saddexda xisbi ee UDUB , KULMIYE iyo UCID , dhamaantood waa siyaasiyiin in badan dhex dalaabalayey saaxada siyaasada , waxaad kaloo diirada saartaa inta u sareysa xisbi walba ama ka arimisa , maye dhalinyaradii berri ama mustaqbal wadanka xukumi laheyd
waxaa haboon in fursada la siiyo sidoo kale la tixgaliyo dhalinyarada wax baratey ee aqoonta u leh una diyaarka ah waxqabadka iyo hogaaminta wadankooda ,
bal tusaale yar aan soo qaatee dowladii u danbeysey ee uu soo dhisey raiisal wasaaraha dowlada jamhuuriyada Djabouti golaheedii wasaaradahu badidoodu waxey ahaayeen dhalinyaro aqoon leh kuna cusub saaxada siyaasada ,
waxaan talo ku siinlahaa hogaamiyaasha saddexda xisbi ee ay ka muuqato in aaney tixgalin dhalinyarada kana doorbidaan odayaasha inta badan ku soo jirey siyaasada in ay badalaan ajandahooda ogaadaana in tirada ugu badan ee cod bixisaa ay tagey dhalinyaro si cadna xillika sar sarre ee asxaabta dhalinyarada aqoonta leh u baneeyaan si aynu u gaadhno guul iyo horumar , ruug cadaayada iyo odayaashana inta badan ku soo jirey siyaasada la nasiyo wixii talo iyo tusaale ahna laga qaato ,
dhalinyarada aqoonta lehna mid aan idhaahdo ,
umad waliba waxey ku faanta waa dhalinyarada , dhalinyaradu waa awooda mustaqbal dhaxalka u ah dalka kasta , somalilan waxey dhalinyaro siyaasiyiin ah ayey u baahantahey , waxaa muuqatana in dhalinyaro badan oo aqoon u leh siyaasada ay ka doorbidaan umadooda iyo wadankooda qurbe ku noolaanshaha , waxaad arkeysaa dhalinyaro leh aqoon heer sarre ah oo ku nool america iyo yurub qaarkooda jaamacado ku yaal wadamo kale wax ka dhigaan iyadoo wadankoodii hooyo maanta uga baahi badan yahey
maahmaah carbeed baa tidhaahda ” shay walba asalkiisii ayuu ku noqdaa” ogaada in kama danbeysta ku soo noqoneysaa wadankiinbii hooyo wixii aad sii gashateenna heli doontaa , tihiina geed lagu tabcey oo laga sugayo in uu dhalo midho macaan iyo caleemo la hadhsado

guntii iyo gabogabadii ,dhalinyaroy waxaa la joogaa wakhtigii aad si toos ah uga qeyb qaadan laheydeen siyaasada dalka ee maanta ku ururtey odayaasha iyo ruuga cadaayada inta badan ariminayey,waxaa la hubaa in dhalinyaro laaantood wadankasta gaadhi karin halkuu higsanayo , sidoo kale mar walba iyo door walba oo ay ka qeyb qaataaan ay horumar u keeni karaa dhalinyaradu wadankooda ,

waxaan u rajeynayaan shacab weynaha somaliland guul iyo horumar

Fuaad cabdi salaam xasan xaaji
alzeima alazhari university
public and environmental health
khartoum
sudan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: