QAYBTII SADEXAAD EE DOODII MAXAAN KU MUTAYSTAY HEYBSOOCA DOOD FURAN

QAYBTII SADEXAAD EE DOODII MAXAAN KU MUTAYSTAY HEYBSOOCA DOOD FURAN

QAYBTII SADEXAAD EE DOODII MAXAAN KU MUTAYSTAY HEYBSOOCA DOOD FURAN

marka ugu horeysa waxan salaan xushmad & qadariin ku dheehantahey ku salamaya ,dhamaan shaqaalaha websetka ,gaar ahaan mamulka shabakada , sidookale waxaan salan xushmad & qadariin ku dheehantahey waxaan ku salamaya dhamaan akhristaha sharafta badan ,
intaas ka diib , 
WAA QEYBTII SADDEXAAD EE AHEYD DOODEYDII (MAXAAN KU MUTEYSTEY HEYB-SOOCA)DOOD FURAN ,WAXAAN QEYBTAN SADDEXAAD KU SOO QAADAN DOONA ,INSHA ALAH, QEYBTA AY KA QAATEEN ,HAL ABUURKA SUUGAANTA SOOMAALIYEED ,WAX TAR & WAX YEELABA MIDEY TAHEYBA ,
HAL ABUURKA SUUGAANTA SOOMAALIYEED AYAA AH MIDUU ,ALLAH ,SW, HEYBAD & HIBO U SIIYEY ,TAASOO AY KAGA HADLAAN HADBA XAILIGA & WAKHTIGA JOOGA ,KUWAASOO AY INTABADAN SAAMEEYA ,XILIYADA BARWAAQADA & XILIYADA ABAAREED, SUUGAANTA HAL ABUURKA SOOMAALIYEED AYAA AHA MIDEY BULSHADA SOO MAALIYEED U DHAGO NUGUSHAHEY , HAL ABUURKAAS OO ISKUGU JIRA MID ,GABAYO ,GEERAARO ,HEESO ,MAAHMAAHYO , BURAANBURO,KUWO MAAWEELO AHBA ,KUWAASOO AY BULSHADU AAD U XIISEEYAN ,HLA ABUURKA AYAA AH MIDA WAKHTIYAAL BADAN HAJI JIREY UMADA KA KAALIN WEYNA KA QAATEY HALGANKII GOBANIMADA & HORUMARKA BULSHADA KOLBA LAGU WACYI GALIN JIREY , HADABA WAXEYNU QEYBTAN KU EEGEYNAA ,KAALINTA UU KA QAATEY HAL ABUURKA SUUGAANTA SOOMALIYEED ,TAKOORKA QUURSIGA & DULMIGA KU SALEYSAN HEYB SOOCA ,
=S=SU AASHUNA WAXEY TAHEY KAALINTA UU KA QAATEY HAL ABUURKA SUUGAANTA SOOMALIYEED WAA SIDEEE ,MA MID WAX TARLEEHBAA MISE WA MID WAX YEELO U GEYSATEY ,DULMANAHA LA QUURSADEY EE BEESHA GABOOYE ?
AKHRISTOOW ANIGOO KA DUULAYA SU AASHAAS AYAA WAXAAN BAADHIS DHEER & DARAASADO KU SAMEEYEY ,HAL ABUURKA SUUGANTA SOOMALIYEED EE GABAYADA DHAXAL GALEY INAAN BAL OGADO KAALINTA AY KA QAATEEN , NASIIB DARO WAXAA IIGA SOO BAXDEY INEY KAALINTA LABAAD EE UGU WEYN AY KA QAATEEN HAL ABUURKA SOOMALIYEED KUWASOO KU BUURINAAYEY KUNA TAAGEERAYEY DULMIGA ,BULSHADANA U HORSEEDAYEY INEY DADKANI KA HOOSEEYAAN UMADA KALE SIDA AYDUN KU ARKI DOONTAA GABAYASHA QAARKOOD EE HOOS KU OQRAN ,
=S= JAWAABTEDUNA WAXEY TAHEY WAXEY KA QAATEEN ARAGTIDII UGU XUMEYD EE AY BULSHADA U SOO BANDHIGAAYEEN SI MUUQAALABA IYAGOO U ADEGSANAYA HALQABSI WIXII XUN EE AY WAX KU TILMAAMAYAN AMA AY CID WAX KAGA SHEGAYAAN WAXANA KUU CADAANEYSA MARKA AAD U DHABO GASHO GABAYADA INTOODA BADAN EE DHALIISHA & XUMAANTABA LEEH INEY KU DAREENSIINAYAN WIXII XUNBA INUU RERKAAS LAMID YAHEY LAGANA FAANO ,

BAL AYNU KU HOREYNO AKHRISTOOW DHANKA ,MAAHMAHYADA ,QEYBTA AY KA QATEEN ,DULMIGA HEYB-SOOCA ,KUSALEYSAN ,WAXAA KA MIDA MAAHMAAHYADAN ,
(AWR MIDGAAN AWR AJIBAA DHALEY )
TAASI WAXEY KU TUSEYSAA BAL DADKA ISKA DAAYE ILAA XOOLAHA INAN SHARAF & WANAG LOO OGOLEYN ,SIDA AYNU WADA OGSOONAHEY MAAHMAAHDANI WAXEY KU SOO BAXDEY ,NIN MIDGAANA ,AYAA AWRKIISU WANAGSANA OO UU QURUXBADNA KUNA WANAAGSANA XAGA MUUQA & XAGA XAMUUL QAADISTABA , MARLAGA YARA FAALOONAYEY WANAAGA & SHARAFTA QURAXDA LEH EE UU LAHAA AWRKAASI NINKA MIDGAAN LAHAA ,AYAA SI LOOGU DIDO SHARAFTAAS MAAHMAHDANI KU SOO BAXDEY ,UJEDADUNA AY TAHEY & MICNAHA MAAHMAAHDA ,SHARAFTA LAGU TILMAAMAY AWRKAS MIDGAAN INUU KA SO JEEDO ASAL AHANTIIS AWR AJI , OO UU HALKAAS KA WATO ,OO UU AWR AJIBA DHALEY , AWRKAAS MIDGAAN ,

(ABAAL MIDGAAN WAA INTUU FARUURYADU U QOYON YIHIIN )

MAAHMAAHDAN KALE WAXEY KU TUSEYSAA INEY TAHEY MID WAX LOOGU DHIMAAYO DADKA LA HEYB-SOOCO OO AH MID SHARAFTOODA & JIRI TAANKOODABA WAX LAGU YEELAYO TAASOO DADKA LATUSAAYO IN ILAA MAAHMAAHYADA LOOGU ADEEGSADO XUMAANTA BULSHADANA LA DAREEN SIINAYO INEY DADKA 

XAGA HAL ABUURKA SUUGAANTA MAANSADA SIDA GABAYADA AYAA AH KUGU BARTILMAMEED LOOGA DHIGTO WIXII XUMAANABA ,TUSAALA AHAA MARKA UU DOONAYO INUU ,NIN HAL ABUURI AMA GABAYAYI CAAYO AMA DHALEECEEYO QOF AMA BEEL WAXAA UU U ADEEGSANJIREY XUMANTA UU NINKAS AMA BEESHAS KU SHEEGAYO INEY SIDA MIDGAHA AMA GABOOYAHA AY U XUN YIHIIN ,WAXAANA TAAS INOO CADEYNEYSA OO AYNU QEYBO YARYAR KA SOO QAADANAYA GABAYO DHAXAL GALEY OO WALIBA AY TIRIYEEN KUWA UGU WAAWEYNAA AMA UGUBA CAANSANAA ,INKASTOONAN ANIGU MAGACYADOODA WADA SIXI KARIIN BALSE MAGACA ,ABWAANKU AMA HAL ABUURKU MAAHAN MID SIDAAS U MIHIIMA IN LA SHEEGO EE WAXAA KA MIHIIM SAN UUN IN LA SAXO GABAYADIISA ,
TUSAALE AHAAN ABWANK (SAYID MAXAMED CABDULLE XASAN ) OO AHAA KUWA UGU WAWEYN HAL ABUURKA GABAYAASHA WAKHTIGAS AYAA WAXAA KA MID AHAA GABAYADIISII DHAGAL GALEY GABEY UU DOONAYEY INUU NIN U TIRIYO KUNA SHEEGO NINKAAS XUMANTIISA & DHALIISHIISA OO UU BEELA BADAN GABEYGA KU DHALEECEYNAYEY AYAAN KA SOO QAADANAYA INTA ANAGA NA KHUSEYSA EE AY KA MID YIHIIN , TUDUCYADANI SIDA, 
( CIISAHA BAKHTIGA HIIGIYO ,HOQOY MIDGAANBAA LEEH )
WAXEY KU TUSEYSA TUDUCDANYARI ,KALMADAN ,HOQEY, INEY TAHEY MID KA TURJUMEYSA WIXII UR ,AH AMA QARMUUNA ,TAASOO ASAL AHAAN KALMADANI ,HOQEY, MID LA DARISA KALMADII (MIDGINTA) EE LAGU MIDGINAYEY ,HARGAHA AMA SAANTA XOOLAHA ,WIXII UR AMA QARMUUNA EE KA SOO BAXAA TAHEY ,KALMADAN ,HOQEY , 

WAXAA KALO GABEY KA LAH KUJIRTEY OO UU TIRIYEY SAYIIDKU MAR UU HABEEN SAFAR AHA OO UU MARAAYEY MEEL HABAAS AH OO NAXDIIN & CABSI BADAN ERAYADAN AY KA MID YIHIIN ,
(WIXII JIIMKA II MAREY ,MIDGAAN JIL ISLA XOODAYA ,) TAASINA WAXEY KU TUSEYSAA BAHALADA UU KA BAQAAAYEY & CABSIDUBA & MIDGAANKUBA AY U WADA SIMANYIHIIN ,

INTAAS HADAN KAGA GUDBO SAYIDKA GABAYADIISA ,

WAXA KALOO JIREY GABAYAAN CAAN AH OO AANAN MAGACIISA ANIGU SAXI KARIIN , ISAGUNA GABAY UU TIRIYEY BULSHADA TUSAAYA MIDGAHA GABOOYUHU INNEY BULSHADA KAGA DHEXBAXEEN BAKHTI AY BARI CUNEEN WAXAA KA MID AHA GABYEGIISA ERAYADAN 
=SAB TABA MIDGAHA WAXAA LOOLA SIMEY,SABAN ABAAREED,
=WAAGEY SAMADU TOSNEYD WEYNALA SINAAYEENE ,

EREYADANI WAXEY KU TUSEYSAA INEY MIDGUHU CUNEEN BAKHTI SIDANA AY KAGA HOOSEEYAN BULSHADA KALE TAASINA WAXEY KEENTEY INUU GABEYGAN KALIN WEYN KA QAATO DULMIGA & HEYB-SOOCABA ,OO AY HAL HEYS KA DHIGTAN AJIGU MARKA AY WAX KA SHEEGAYAN MIDGAHA UNA SOO QABSADAAN GABAYADAN DHAXAL GALEY EE MIDGAHA LAGU AFLAGAADOONAYEY,
WAXAA KALOO JIREY NIN GABYAAYA OO LA SHEGEY INUU ASAL AHAN KA SOO JEEDO GABOLADA MUDUG ,AYAA WAXAA LAGU YIRI MALAHA GABAR AY QARABO YIHIIN ,WAXAA GUURSADEY NIN MIDGAANA ,SHEEKADII MARKUU MAQLEY NINKAAS GABYAAGA AHI AYAA ,ISAGOO MEEL LA JOGUN OO LA SHEEGEY INUU MARKAAS MUDUG MEEL KALE KA JOOGO AYUU INTUU DAMQADEY KANA XUMADEY GABARTAA INAADEERTII EE UU GUURSADEY NIN MIDGAANII UU SOO TIRIRYEY GABEY AY ERAYADANI KA MID YIHIIN ,
=HABLIHII DHEEGA MAXAMUUD LAHA ,DHIMEY WARKOODIIYE,
=DHAGDHAGLOOW MIDGAANBA KU QABA ,MEEL DHEXDIINIYE,

SHAKI KUMA JIRO INUU NINKAN GABYAGU UU HALKAAS KU MUUJIYEY DAMQASHO & DAREEN AAN CAADI AHEYN ISAGOO KICINAAYA DHIIRINA GALINAYA NIMANKA ILMADEERADII EE HALKAAS JOOGA WAXEY UGU EEGAYAN ,GABARTA, UU NIN MIDGAANI KU QABO DHEXDOODAA, EE AY UGU DAAWANAYAN ,UJEEDADU WAXEY TAHEY MAXAA LOOGA FURI LAAYAHEY AMA LOO DILI LAAYAHEY NINKA MIDGAANKA AH , HADABA TASI MIYAANEY WALALAYAL KU TUSEYNIN INEY DULMIGA & QUURSIGA AY AJIGA SOOMALIYED KU HEYB-SOOCAYAN DULMANAHA GABOOYE ,GABAYAAGU INUU KU BUURINAYEY KUNA TALINAYEY INEY KA HOOSEEYAAN BULSHADA KALE ,BEESHA MIDGAH EE GABOOYE ,

WAXAA KALOO JIREY NIN GABAYAYA INUU GABYEY UU LEEHYAHEY GABYEY KA MIDA GABAYADIISA OO ERAYADIISA AY KA MID YIHIIN ,
=MIDGAAN REER LA YAALBAA 
=MAGACTIISA LA DHACAA 
= MUNKURNA LOOGU DARAA ,
BAL SIFIICAN UGU FIIRSO ERAYADAN WAXEY KU TUSEYSAA INUU MIDGANKAAS REER LA YAALA MALKIISA LA DHICI KARO OO WALIBA KIBIR & DILBA LOOGU DARA ,SUBXANALAAH, MIYAANU MUUJININ IN MIDGAANKU MEEQAANTA AADAMIGA UGU HOSEYSA BULSHADA UU YAHEY ,KUNA BOORINEYNIN BULSHADA INEY DHICI KARAAN KIBIRN A UGUBA DARI KARAAN ,

HADABA AKHRISTOOW WALALAYAAL MIYAANEY ARIMAHANI AHEYN WAX LAGA XUMADO OO LAGA DAMQADO IN LOO KALA HADHI WAYO OO KIINA CAWAANA EE CAAMAHA AHI & KIINA LA BIDAAYO AQOONTA GABARASHA HAL ABUURKA MANSO INEY SI WAX UWADA QUURSADAN OO AY WEYDO BULSHADAN WALALADIINA E ISLAAMKA AH IDINLA AFKA AH IDINLA MIDABKA AH IDINLA DEEGANKA AHI INEY WEYDO ,CIID UROON ,AMA AY KU TIIRSATO ,

WAXAA KALOO KA MID AHAA ABWAAN KAN GABEYGAN TIRIYEY OO LA YIRI MALAHA NIN AY ILMAADEER YIHIIN AYUU ISAGOO SAFARA SOO MAREY ,NINKA NINKAN REERKA LEEH AYAA AHAABA LA YIRI NIN MARKUU DADKA MARTI GALIYO WAXUU SOOR SIIYO ,MAALINTA DANBE KAGA SHEKEYA MEELAHAS OO KU FADEEXAD UGA DHIGA , MARKAAS WAXAA LAYIRI ABWAANKAN SAFARKA AHI WAA LOOGA SOO DIGEY INANU NINKAS REERKIISA MARTI U NOQON ,MARKII UU U YIMID NINKII REERKIISA AYUU NINKII ,REERKA LAHA EE LOOGA SOO DIGEY ABWAANKA ,UUYIRI INADER CAAWA ILA JOOG BARI AYAD TAGIYE , ABWAANKII OO DIGNIINTII LOOGA SOO DIGEY QABA AYAA KA DIIDEY KUNA MUJIYEY GABEYGAN , ISAGOO KU MUUJINAYA HADDUU MARTI GALINTIISA SOORTIISA UNA INUU LA MEEQAN YAHYE,NIN MIDGAAN AH,
WAXUU KU BILABEY GABEYGIISA 

WAAN LA HEEREY HEENSIGA ,BARIIS HILIB LA GEEDEYEEY,
IYO HALAB KARUUREED OO HAAMO LAGA BUUXSHO 
INTAA WAA TUBAA HALKAA HOOY KU LEEHDYAHAY
NOO HOYO ANOO REER ISKALEH WAA HANAAN XUME ,E
HABKAAD YEEL I LEEHDAHEY HADDAAN KUGU HOGAAN RAACO
HAAWAY KUU LIITIYO MIDGAAN HOOR LEH BAAN NOQON,

AKHRISTOOW NINKAASI SOW KUUMA MUUJINAYO INUU HAL ABUUURKIISA MAANSO KU SHEEGAYO HADDII UU U MARTI NOQDO INAADERKII O UU INAADERKII SHEEGO INUU MIDGAAN KA MIIQAN LA MEEQAN YAHEY AMABA UU KA HOOSEYO , 
WAR MAXAA MIDGAAN HEYSTA KKKKKKKKK CAJIIB ,

WAXAA KALOO JIREEY NINKAN SIDEY IDIINKA MUUQATO GABEYSIISA LOO TUHMEY INUU QAATEY HAL NINKELE LEHYAHEY MARKII LA WEYDIIYEYNA UU KU MUUJIYEY DHAAR GABAYA OO UU KU TUSAYA INUU XAAATAHADDII UU MIDGAHA HILIBKA KA II BIYO INUU MEEEQAN HOOSEEYO , 

Waxa jirey muddo fog oo 80 sano ku dhawaad laga joogo inuu gabay bilaabay nin Abasguul ah oo la odhan jirey Camanje Yogol. Camanje waxa sida la sheegay ama gabaygiisaba ka muuqata lagu tuhmay neef geel ah (hal) oo ool Isaaq ah oo ay isku ood dhawaayeen ka luntay. Hashii ayaa Camanje la weydiiyey asna waa ka cadhooday hasha loo qabsaday. Camanje wuxuu marshey gabaygan soo socda :
Nimanyoow hashiinii ma arag, waana la hubaaye 
Waa taan hudheelaha galaa, hogogga Iidoor’e 
Waa taan hariisade gubaa, dhuxuli hoos taale 
Waa taan makhaayado hurshaa, halow i leefaaye 
Haweenkaygu waateey midgaha, hilib ka iibshaane.
SOW HALAKAS KUMA ARAGTAAN KAALINTA AY KA QAATEEN HAL ABUURKA MASNO XAATAA ILAA DHAARTA LAGA GAREY MID LAGAGA DHAAR FAANO ,CAJIIB ,

BAL AKHRISTOOW GABEYGAN KALENA ILA EEGA ,CAJIIB ,

Seben

Axmed ismail Dirie “QAASIM” (HY), 1974.

Gabaygan wuxuu abwaanku ka tiriyey markii Afweyne ku dhawaaqay wuxuu ugu yeedhay sinnaanta ragga iyo haweenka.
1. Eeylo iyo Siwaaqroonta xumi ha i suryeeyeene
2. Seetada ha ii gaabiyeen sabab la’aaneede
3. Seeddiyo boqnaha hay jareen sab iyo laangaabe

4. Sanqadhyari ha ii dilo Tumaal siiqya looshadaye
5. Sanka hayga mudo inangumeed loo sarrayn jiraye
6. Sawaab iyo Midgaan Guulwadii ha i sudhnaadeene

BAL AKHRISTOOW ANIGU MAXAN KA GALABSADEY WAKHTIGAAS SIYAD SIDAAS SAMEEYEY SOW MAAHAN MID KIBIR LEYGU MAAGAYEY HADBA MIDI MARKUU GABYAYABA ,HALQABSI AAAN U NOQDO KKKKKKKKKKK 

,HADABA SOW HALKAAS HAL ABUURKA MAANSO EE SUUGAANTA SOOMALIYED INOOGAMA MUUQATO OO KAMA CADA, ILAAHEY DARTII MARKEYNU DHANKASTABA KA QIIMEYNO INEY QEYBTII SADDEXAAD EE UGU WEYNEYD INEY KA QAATEEN ,QUURSIGA TAKOORKA ,YASIDA ,ISKA SAREYSIINTA , KU XAD GUDUBKA , DULMIGA & HEYB-SOOCA LAGU HAYO UMADAN ISLAAMKEE WALALADIIN EE (DULMANAHA LA QUURSADEY ,LA HEYB SOOCAY EE BEESHA GABOOYE MIDGAHA )SOW HALKAAS KUMA CADA INAAN TAKOORKA & QUURSIGA HEYB-SOOCA INAAN LOO KALA HADHIN ,MIDBA QEYBTIISA KA QAATEY ,

AKHRISTOOW WAXAAN JECLEYSTEY INTII AAN KU JIREY DARAASADAN DHEER EE AAN U GALEY INTII AN BADHISTA KU JIREY QEYBTA AY KA QAATEEN HAL ABUURKA SUUGAANTA SOMALIYEED ,INAAN HALKAN MAANTA KU XUSO ABWAAN KA MIDA ABWANADA XILIGAA JIREY EE LAMIDKA AHAA KUWA AAN SOO SHEGEY & WALIBA INTA KALE EE AANAN HADA HALKAN KU HEYNIN EE KA QEYBTA QAATEY DULMIGAN & HEYB-SOCAN , ABWAANKAN OO RUN AHAANTII KA DHOWR SADEY INANU MAANSADIISA & GABAYADIISA KA ILAALIYO WAX DEEL QAAFA OO UGA TAGA BEESHAN DULMAN ,HADDAANU WAXBA U TARI KARINA INUU AFKIISA & ADINKIISA KA DHOWRSADO ,WAXANAN KU QIIMEEYEY ABWAANKAN MID XURMO & SHARAF MUDAN ,

WAXAA KALOO JIREY BARI NIN LOO TUHMEY ,HAL INUU QAATEY NIN AY DARIS YIHIIN 

ABWAANKAN WAXAA MAGACIISA LAYIRAAHDAA (MAXAMED CABDALLA CALI ,GUUTAALE)ALLAH NAXARIISTII JANO HA KA WARAABIYO > WAXA LASHEEGEY INUU KU DHASHEY GABOLKA TOGDHEER EEE MAGAALADA BURCO ,QARNIGII ,18 .DABA YAAQADIISII , WAXAA LA SHEEGEY INUU ABWAANKU GABAYADIISA KU MUUJIN JIREY NECBAASHA UU U QABO GUMEYSIGII INGIRIISKA EE DALKENA JOOGEY ,INTABADANA UU GABAYADIISU U BADNAYEN GUMSI DIID ,
ABWANKAN AYAA ISAGOO JOOGA MAGALADA BURCO BILOWGII QARNIGII ,19,ILA BARTAMIHIISII IN NIN HEYSTEY MAGAALADA BURCO WAKHTIGAAS UU U YEEREY ,ABWAAN GUUTAALE ,KUNA YIRI BAL GABAY OO GABAYADADDII GUMEYSI DIIDKA WAX KA SHEEG AMA KUWA KALEBA ,KA DIIB ABWANKU WUXUU TIRI YEY GABEY DHEER OO UU XIITAA KAGA HADLAYO DADKAN BEESHA GABOOYE ISAGOO KU MUUJINAYA GABEYGIISA AYA WAXAA KAMID AHA ERAYADAN GABYE GIISA ,
=YIBIR EED ORAN MAYO,
=TUMAALNA EED ORAN MAAYO,
=MIDGAANA EED ORAAN MAAYO,
=OO DADKU WAA IGA AMAAN 
YIBIR EED ORAN MAAYOO ,
KA AWOOW KA AWOOW, UBADKIYO DADKEENA ,
QOYSKII DHARAARTAA IS AROOSTA ,U ANAANURAYEENO,
ANIGABA KII ILA JOOGEY DHARAARTII AAN DHASHEY ,
AJUURUU IGA QAADOO ,YIBIR WAA IGA AMAAN ,
TUMAALNA EED ORANMAAYO ,AJIBAAN YASID LAGA WAAYINE ,
WAX BIRTEYDA ASLEELIYO ,GUDIN REERKA ALOOSA ,
QORIGII IRBAD DUULIYO,AALEADEY SAMEEYA ,
ABAAN BAANAN HELEYNINE , TUMAAL WA IGA AMAAN ,

MIDGAAN EED ORANMAAYOO, ANAGOO ARBACIINA ,
REER AMAADIIN KU DUULNEY,KUN ABOOR LAYIRAAHDO,
KOLKUU WAAGII IFTIIMEY,ILIN GEELA KA QAADNEY ,
,OO KUMAN YAL USUR DHEERIYO ,ISKU MEERSHEY AFAR DHOOBIR,
ISKU KAAYO CESHOONOO ,ELEG BAAS KUJIRNA ,
AFARTII NALA JOOGEY ,SIDEY NOO ANFACEEN,
ALAAHII NA ABUURTIYO ,ANIGUUNBAA WAX OGAAYE ,
MIDGAAN WAA IGA AMAAN ,
SHAKI KUMA JIRO INUU ABWANKAASI MUUJIYEY XAQ ALLAH INAANU KU GAFIN BEESHAN WALALAHEED ,MARNABANA AANU XAQIRIN WAXEY AHAAYEEN AMA KAALINTA AY KAGA JIRAAN BULSHAD XAGA WAX TARKOODA AY BULSHADA U QABTAN 7 XIITAA XAGA HIILKA DAGAALKABA KAALINTA AY BULSHADA UGU JIRAN , WAXAYNUNA WAX KA ARKI KARNAA GABEYGIISAN QURUXDA BADAN EE UU KU MUUJIYEY HADDAANU WAXBA U TAREYNIN BEESHAN DULMAN INEY ISAGA KA AMAAN HESHO OO HAL ABUURKIISA MAANSO KA ILALIYO WAX DEEL QAAFA OO KU AADAN BULSHADAN ,

HADABA WAXAAN KALOON JECLAHEY INAAN WAX KA XUSO MUDADAN DHOWR IYO TOBANKA SANO EE DANBE ABWAANADA IYAGU HAL ABUURKA SUUGAANTA MAANSO KA TIRIYEY DULMIGAN & DUUDSIGABA , HADABA WAXAEY TAHEY SUA AASHAI YAA UGU HOREEYEY KA HADALKA DULMIGA WAAKEE SE ABWAANKII UGU HOREEYEY EE SI XAQA UGA HADLEY ?

SHAKI KUMA JIRO ABWANKAAS ,WAA ABWAANKA DA DA YAR EE SOOMAALIYEED ,EE SHAFARTA & XUSHMADA QADARIINTA MUDAN LEEH ,( YUUSUF CISMAAN MUUMIN ,YUSUF SHAACIR ) RABI RAALI HA KA AHAADEEN IF & AAKHIRAB ,WAA ABWANKII UGU HOREEYEY EE XAQA ALLAH KAGA HADLEY HAL ABUURKIISA MANSO KUNA MUUJIYEY ,DAREENKIISA & DABCIGIISA WANAGSAN INUU LA QAYBSANAYO DULMIGA & QUURSIGA LAGU HAYO BESHAN WALALADOOD EE DULMAN CULEYSKA & XUMAANTA AY LEEHDAHEY QUURSIGU KUNA MUUJINAYO MAANSADIISII DHAXAL GASHEY EE LAMAG BAXDEY (DULMAHAN LA QUURSADEY ) 

EE UU KUNA DURAAYEY ABWAANIINTA KALE EE WAAWEYN EE AY KA MID YIHIIN (HADRAAWI,SANGUB ,GAARIYE,CABDIQEYS, YAMYAM ,DHOODAAN ,XASAN GANEY,) INEY KA GABSADEN ABWANIINTANI KA HADALKA HAL ABUURKOODA MAANSO ,

NASIIB WANAGSANE AY QAARKOOD KU DEYDEN MARKAY MAQLEEN GABEYGIISA YUSUF SHACIR , SIDA HADRAAWI OO MUDADAN DANBE U SOO JEEDSADEY INUU MEELKASTA KAGA HADLO DULMIGAN AF & ADINA KU MUUJIYYE HAL ABUUTKIISA MAANSANA KU TIRI YEY GABEYGIISA DHAXAL GALEY EE LAMAGAC BAXAEY ( DHUL GARIIR) ,SIDOO KALE ,SANGUB AYAA ISAGUNA KU MUUJIYEY MID GABAYA & MID UU FILIMO KAGA HADLO ,WAXAA KALOO JIRA ABWAANKA ,(KAYD MAXAMED CABDALLA )OO ISNA KAALIN WEYN KA QAATEY KAGANA JIRA HALGAN DHEER HAL ABUURKIISA MAANSO ,OO UU KAGA HADLAYO DULMIGA ,
WAXA KALOO JIRA OO INSHA ALAH AAN MARKALE SOO BANDHIGI DOONA GABAYADA & DHALINYARO IYAGUNA KAALIN KA QAATEY MAANTA HAL ABUURKA MAANSO DULMIGAN & QUURSIGABA KAGA HADLAAYA DOORKOODA MAANSO 
WAXAAN KALOON AKHRISTOOW IDIIN HAYA ,(WIIL ABWAANA OO ISAGANA ABWAAN DHALEY OO KAALINTUU GABEY AABIHII HADA ISAGU KAGA HADLAYA HAL ABUURKA MANSO ,WAXAANAN SOO BANDHIGI DOONA INSHA ALAH DOODADA DANBE GABAY GIISA , 

GUNTII & GABA GABEYNTII WAXAAN SI XUSHMAD & QADARIIN BA SALAN HAWADA U MARINAYA ,ABWAANIINTA KA LA AH ,
(YUUSUF CISMAAN YUSUF SHAACIR ,M,I,W,HADRAAWI,SANGUUB , KAYD MAXAMED CABDALLA & INTA KALE EE AANAN HADA MAGACYADOODA SOO KOOBI KARIN & INTA DAMIIR ISLAANIMO ,DAMIIR BINI ,AADANIMO ,DAMIIR DADNIMO LEH EE SIDAAN UGA DAMQANEYNO DULMIGA & XUMAADTABA ,NALA WADAAGTA EE NOOWADA MUUJINAYA DAMIIRKOODABA ,

WABILAAHI TOOWFIIQ,

QORE (BARKHAD XAAJI CABDI,MR GABOYE)
ONTARIO CANADA
EMAIL:abokoriye1@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: