NIN KAA DHUL JECEL JAMALOW LOMA DUURXULO

NIN KAA DHUL JECEL JAMALOW LOMA DUURXULO

Marka hore waxan salamay dhaman akhyaarta reer somaliland

ka jaamidey beryahan qoral jarayntiiye ,waxaan qalinka u qatay in aan jawaab ka siyo mr jamaal naleyee qoralki ahaa ( “Faysal Cali Waraabow Kuriyood Inaad Bedesho Markaad Talada Wadanka Qabato Dhar Bilays,Balse Ha Ku Riyoon Inaad Bedasho magaca Somaliland) kas oo ku soo baxay Hadhwanag news bogeeda hore)

Runtii hadalkaga waxaa ka muqata in anaad fahmin ujedada ama dulucda Eng Faysal Cali Waraabe ama xisbiga Ucid

wana ayaan daro ama waa wax laga yaqyaqsiido in aad eng Faysal Cali Warabe ku tilmanto nin hunguri ka hayo shirka Jabouti iyadoo ay jirta ama la wada ogyahay marka laa eego madaxda Jamuriyada Somaliland in uu yahay Eng Faysal Cali Warabe ninka dhul jacaylka ama wadaniyadu ka dhabtahay taas oo aan u bahnayn markhaati doon oo aaad adiga laftadu igu racsantahay ama qofkasta oo Somalilander ahiba ogyahay taasna waxan ku odhan lahaa eraygaas waa eray anan ka qadaynin Mr Jamaal Naleyoow eee wax kale keen ama arin kale ama dhaleecayn kale usoo jeed ucid ama Eng Faysal Cali Waraabe
Si kastaba ha ahato manta ururada wadanka ka jira ee sadexda ah ka dacad nimo iyo diin iyo hufnan iyo wadanimo ay ka soo if baxday waa ururka ucid hadana iyadoo taasi jirto in ay dadka qar ku tilmamaan in u sii jeda ama hunguri ka hayo somalia waa ayaan daro wana wax nuus qaan ku ah qofka sidaas u hadlaa
somaliduna waxay ku mahmahdaa hubsiimo halbaa la siistaa jamalow faysalana cidi kaa siisan mayso hunguri ayaa ka haya shirka somalia ama jaboutibaaa

Ta kale ee aad tidhi lama badali karo magaca somaliland waxan ku leyahay ma aha kibaat uu ilahay soo rogay oo aan waxba laga badali karayn ee waa la badali karaa wana loo dayn karaa hasa ahate fikir kaa waxaan ku tagersanahay in loo bixo jamuuriyada geeska africa wana magac u qalma umada reer somaliland.

Runtii waxaa iskaga kaa khaldan ictirafka iyo magac ka badalka , ,magac ka badalku ma aha wax wayn iyadoo aad radsanayso ictirafkaga ayaad haadana badali kartaa ee wax wax ka hor istagayaa ma aha ee taasna ogow in aad khalad ka fahantay ayaa laga yabaaye.hadad tariikhda wax ka ogtahay waxa jira wadamo badan oo magacodii laga badalay iyagoo ay ka mid yihin wadama galbedka africa .

Runtii xisbiga ucid waa xisbiga kaliya ee la odhan karo wuxuu u dhawyahay xaqiiqda ama waa ka ugu dhaw cadalada iyo dhex dhexadka umada somaliland ama horumarka somaliland ee dhinac kasta wax ka qaban lahaa si hagar la aan ah
waxaa quruxbadan in anaad qofna ku tagerin caadifad eee ku tageer aqoonta iyo karitda uu u leyahay maamulka iyo dacadnimadiisa iyo kumaa wax inoo qaban karaa, taasna faysal cali waa mid ka muuqata ama dalka iyo dadkaba wax u qaban karaaa wana xisbiga kaliya ee manta inta cafiimadka qabtaa ee aan cudurka qabiilku samaynin ay tagersan yihin iyagoon u eegay waa qabilma ama yuu yahay ee ay ku qimaynayaa aqoontiisa iyo dacadnimadiisaa markaas waxan leyahay jamal sxb sidaad moday ma aha xalku

By Osmaan Abdi Guure

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: