MUSTAQBALKA SHACBIGA SOMALILAND MUXUU NOQONAYAA DOORASHADA 2009

MUSTAQBALKA SHACBIGA SOMALILAND MUXUU NOQONAYAA DOORASHADA 2009
Mustaqbalka shacbiga Somaliland muxuu Noqonayaa Doorashada2009

iyo

Waayihii soo maray shacbiga 7dii sano ee ina dhaafay?

Kolka hore, Salaan shacbiga somaliland iyo saxaafada xorta ah. 

Waxa mudan isweydiin, Inaynu dib u milicsano ama dib u dheehano, taariikh nololeedki aynu soo marnay 7dii sano ee aynu xilka u dhiibanay kuna aaminay Mudane daahir Riyaale.Maxaynu maalmo nooceeya ayaynu soo marnay.Nolol maalmeedyo caynkeeya tan iyo 7dii sano ee aynu u igmanay xukunka ama maamulka dalkeena iyo dadkeena Madaxwayne Daahir riyaale kaahin iyo kabinetkiisa? Ma tiiraanyo iyo tabasho? mise farxad iyo wanaag ayaynu lasoo wadaagnay madaxdeena? Xilka Aynu u dhiibanay sidee ayuu u qadariyey una maamulay? Siduu u gutay xilkii uu inoo hayey madaxwaynuhu?
Waynu dooranay oo waynu ku fadhiisinay Kursigii Daahire,balse, Muxuu inoo balan qaaday doorashadii hore, maxaase ka hirgalay Balanqaadyadii? Dhamaan su’aalahan waxaan ka dhiiban doonaa waxyaabaha xaqiiqada ah ee aan usoo joogay,balse waa inuu shakhsi kasta oo somaliland u dhashay isagu dib isu waydiiyo Suaalahan iyo qaar kale oo badan ka hor inta aanu codkiisa dhiiban doorashadan.

Waxaan usoo joogay iyadoo aynu isu diyaarinay xulashada murashax ee aynu ku kala xulanayno ninba ka uu doorka bidayo ee uu shakhsi waliba u arko in uu horu mar ku soo kordhin doono mustaqbalka iyo aayaha dalkan iyo dadkan. Sedexda ururba af macaan ayay inagu maaweelinayeen iyo balanqaadyo aad u badan.balse aan taabto wuxuu ii balanqaaday Daahir Riyaale Kaahin oo aynu ka dooranay intii kale. Daahir isaga oo aad uga naxdin qaba in ay dadka ree somaaliland xilka u igman waayaan , ayuu inoo balan qaaday inuu dalka ka dhisayo warshado cusub,Sida ta laydhka, biyaha, Sibidhka, dhuxul dhagaxda, Macdanta iyo badroolka, ama saliidaha.inuu shaqooyin u abuuri doono dadka.
Waxa intaaba isku fuuqsaday Ictiraaf ayaan idiin keenayaa. Dhamaan waxyaabahan uu inoo balan qaaday waa waxyaabihii uu u arkayey inaynu baahi wayn u qabno. Waxa sababay inaynu isaga doorano waynu aaminay oo rumaysanay hadaladiisii. sababo badan aawadeed oo ay ka mid ahayd inaga oo aan kala aqoon axsaabta qaranka iyo sida ay u kala miisaan culusyihiin.
taas oo ay sababtay axsaabta qaranka oo curdin ahayd oo wakhtigaa la aasaasay, oo aan wali dhidibadu u aasmin, afkaarta iyo shuruucda oo inagu cusbaa iyadoo ay ahayd doorashadii ugu horaysay ee aynu si dimuquraadiyad ku jirto ka dhignay one man one vote. Waloow aanan iloobayn in boob badan iyo cod iibsi shilin iyo hunguri raac aad ugu badnaa dadkeena.taana waxaynu aragnay waxay ina baday inaynu noqono dad awrka lagu kacsado oo dhaameel loo lulo maalinta doorasho taagantahay. nin walibana idinka xidho albaabka kolka ay doorashadu dhamaato. Iyadoo militari laydiin dhigay dayrarka waawayn eey ku noolyihiin madaxdu. Imikana waxa igu maqaalo ah kaabado biro iyo sibidha ayaaba laydinka dhistay, waxaanan filayaa inay taarar ama siligyo dabaysani ku xigi doonaan. Hadaba waynu u lisnay daahir Riyaale ee ma inoogu Hambeeyey sidii aynu ugu lisnay? Jawaabtu waa maya hadii aynu eegno dhamaan balanqaadyadii uu inoo sameeyey.
Waxa noqday wax kama jiraan. Aqoonsi uu inooga doono dunida. Iska daayoo waxa shaki wayn leh oo aynaan ogayn la kulanka madaxda koonfureed iyo Dawladaha caalamka oo aanu haba yaraatee war bisil inooga hayn waxna u qarsoonyihiin. Waxa iyaduna aynu aragnaa Warshado laga dhiso dalka daayoo in warshadii sibidhka ee dhisnayn una baahnayd dayactirka in laga iibiyay dawlado shisheeye oo la cunay birtii warshada. Waxa aan waxba laga badalin laguna soo kordhin biyaha iyo laydhka. oo warshada laydhku ay xadhkaheeda iyo gaadhsiinta xaafaduhu socotay 2002 march Wakhtigii uu madaxwaynaha ahaa ale haw naxariistee X maxamed ibraahim Cigaal. Waxa aan waxba laga qaban baahidii ay shacabka somaliland u qabeen biyaha iyo laydhka. Wadooyinka caasimada iyo magaalooyinka kale oo aynu wada ogsoonahay sida aan waxba looga qaban. waliba lagu cuno dhaqaalaha ay haayaduhu ku bixiyaan dhismaha wadooyinka, biyaha, laydhka, caafimaadka,daryeelka danyarta, caamada, naafada isugu jirta dhinac walba.waxbarashada,.
Waxa la inagu maaweeliyaa in marka dareenka shicibku kacaba , in dhagax la inoo dhigo meel oo la yidhaahdo warshad baa laga taagayaa halkaa iyo himilo aan jirin oo la inoo sawiro kolba.
Waxa iyana taagan shaqooyin la inoo abuuro daayoo in ay dhalinyaradii mustaqbalka ka sugaysay dalkani badaha isugu guraan ciil iyo cadho ka haysata mustaqbal xumada la baday iyo aayo xumida ka muuqata dalka iyo madaxdiisaba. Wasiir waliba gawaadhi iyo guryo qurux badan ayuu inaga dhistay. waxaynu noqonay dad kuwii ay doorteen ay hanti ka shaqaystaan oo inaga ayaa dhiigeenii dib loo miirtay.
Waxaad arkaysaa guriga wasiirka oo inamadiisii gawaadhi iyo guryo wada dhisanayaan, oo ay dhamaan wada shaqo tagayaan. hudheelona ay wax ka cunayaan iyagoo doolar lacagtii shicibka ah daadaadinaya. iyo iyadoo guriga ku xiga aan dab loo shidin. oo dhalinyaradii kale ay dayacan yihiin iyagoo dhamaystay dugsiyadii sare iyo jaamacadihiiba. oo waliba ka aqoon iyo sharaf wanaagsan kuwa shaqada garabka ku helaya ee lagu siinayo. taasina waa tan ina dhaxalsiisay inay dhaliyaradeenii tahriibaan oo ay badaha isugu guraan ciil iyo cadho marka ay arkaan mustaqbal xumida kasoo fool leh dalka iyo madaxdiisa. waa ta sababtay in in badan oo qurba joogeenii ahi ay ka indha qarsadaan oo wadankaba nacaan inay dib ugu soo noqdaan. Ka dib marka ay arkaan diifta iyo daranyada ka muuqata danyarta. baryada iyo baahida haysata shacbiga somaliland.

Waxa badatay xadhiga iyo dilka sharci darada ah ee loo gaysanayo dhamaanba dhinacyada kala duwan ee shacabka.
Waxa la xidhxidhay oo la cabudhiyay oo la baqa galiyay saxaafada xorta ah. iyadoo lagu xidhxidhayo lagu jidh dilayo sharci daro.
iyadoo aan loo adeegsan shuruucda dastuurka aynu leenahay ee quseeya laamaha kala duwan ee shacabka.waxa aan usoo taagnaa iyada oo la xidhay yuusuf cabdi gaboobe.
waxaa lagu xidhay sharci daro iyo dambi laga galay saxaafada iyo xoriyatul qawlka shakhsiga aadamigu uu ku leeyahay dal walba oo aduunyada ka jira.
waxa aan lagugu xidhi karin lagugu dili karin dhiibashada afkaartaada shakhsi, sheegida khaladka aad arkaysid oo muwaadinku xor u yahay inuu wax ka qoro kana hadlo wixii uu u arko khalad.
waxa aan u soo taagnaa mayarka magaalada hargaysa oo askar tiisii ku dalbaday wiil yar oo suxufi ah oo ay jidh dileen kuna xidheen xabsiga. Maxaa lagu dilay waa suxufi ayaad tahay ee maxaad noogu timid eed wax nooga sheegaysaa. Waxa meel lagaga dhacay xuquuqul insaankii.
waxa maamulku samaystay askar loo tobabaray cabudhinta, cadaadiska, caga juglaynta iyo ciqaabista muwaadinka. Askartan oo aan wax arxana u hayn shicibkooda. Askartan oo aan ogayn in shicibku yahay cashuur bixiye muwaadin ah oo ay iyagu u shaqeeyaan isaga. iyagoo aan loo tobabarin haba yaraatee code of conduct ama aan la siin wax disiplining ah ama macaamilka iyo habka askarta aduunku ugu shaqayso shicibkooda, ixtiraamka iyo qadarinta mudnaanshaha muwaadinka oo aanay u lahayn wax aqoon ah. waxa ka maqan luuqada communicationka ama la macaamilka iyo la hadalka muwaadinka oo akhlaaqdii askarinimo ama police aanu ka muuqan haba yaraatee.
Waxa la xidhay siyaasiyiin dalka ka mudan ixtiraam iyadoo aan loo marin jidkii toosnaa. caalamka kama dhacdo in shakhsi la iska xidho iyadoo aan wax cad lagu hayn. hadii tuhun galo shakhsiga muwaadinka waxa haboon in maxkamada laga dacweeyo oo dabeetana lagu cadeeyo waxa lagu haysto isaguna iska dufaaco.
kadib marka lagu cadeeyo dabeeto lagu ciqaabo abaal marintiisa, iyadoo lo tix raacayo qodobada iyo miisaaniyada uu leeyahay dambiga lagu cadeeyay laguna xukumo halkaa.
Waxa dhacday in askarta dawladu ay dad shiciba ku dishay kuna toogatay dariiqyada magaalada hargeys. dadkaas oo arday iyo odayaal iyo dhalinyaroba lahaa.
waxa dhacday in hantidii dawlada la boobay oo ay wasiirada iyo dadkii aynu dooranay iyagu isu siiyeen una iibsadeen hebelbaa inala xisbiya iyo hebel waa saxiibkeen ee halkaa siii.
Madaxwaynaha uguma aynaan dhiiban xilka in uu u dhiibto jago walba hebel oo saxiib ila ah iyo hebel dad ayuu inoo keenayaa inoo codeeya ee waxaynu ugu dhiibanay inuu xililka dawliga ah u kala bixin doono kumaa aqoonteeda leh kumaa daacad u ah dadka iyo dalka oo wax qabadkiisu u qalmaa jagadaa. balse waad aragtaan raga inoo madaxda ah ee uu inoogu dhiibay xilalka. dhamaan waxa iiga muuqata inay yihiin rag aan dan inaga lahayn oo isaga u ah jariirado iyo basaasiin. bal dheeho qaar ka mid ah cawil iyo cirro halkee ayay kaga jiraan taariikhda somaliland?

Waxa badan oo aynu ogsoonahay marka aad xafiis dawladeed gasho oo dan aad ka yeelato in lagugu baadho oo aan waxba lagaaga qaban baahidaada ilaa lagu cuno.
ka bilaw askariga, xafiiska guryaha iyo gaadiidka, cashuuraha, kastamada, bangiyada, dakadaha iyo airports ka, stabaha ama stops ka askarta ee u dhexeeya magaalooyinka iyo tuulooyinka.
dhinac walba musuq maasuq ayey kaga shaqeeyaan dadkii aynu xilka u dhiibanay. iyada oo ay ahayd inay inaga inoo shaqeeyaan, ayaa hadana inagii dib la inoo cunayaa.
Waxa si sharci daro ah etoopiya loogu gudbiyay muwaadiniin aan sharciga caalamka iyo keena midna dhigayn in la gudbiyo muwaadin aan wax dambiya lagaga cadaynin maxkamad cadaali ah. Taasina waa meel ka dhac loo gaystay human rightska iyo sharciga ama xuquuqda aadamiga ee u yaala caalamka oo dhan. Maxaa sababay in magangalyo ay ku joogaan dadkii xasuuqa ka gaystay somaliland iyo daafaha somaaliya? maxaa laguugu soo gudbin la yahay dambiila yaashaasi si aad maxkamad cadaaliya u saartid.?
waxa meel ka dhac wayn lagu hayaa xuquuqda culimada iyo cuqaasha, waxa la ixtiraami waayey salaadiintii beelaha iyo wax garadkii oo ku jira car juuq dheh!!!
waxa aan marnaba wax laga qabanayn oo musuqa, fusuqa, Macsida, ee ka aloosan magaalada Hargeysa. maan dooriyaha kala duwan iyo ganacsatada ka ganacsata.sida khamriga xashiishka, iyo qaar kale oo badan. dhaqankii iyo diintii oo la dayacay. diinta, dalka dadka, dhaqanka iyo dastuurkuba way dulmanyihiin.
Iswaydiiya shicibyohow Maxay ka shaqaysaa wasaarada diinta iyo aw qaaftu? garsoorka iyo cadaaladu?
Maxaynu u dhisanay wasaaradaha kala duwan hadaanay qabanayn shaqooyinka aynu uga baahanahay inay wax ka qabtaan?
Waxaan qabaa in aanu Daahir riyaale iyo maamulkiisu gudanin oo aanu inoo qaban haba yaraatee xilkii aynu u dhiibanay. inaanu kasoo bixin oo waliba halkii aynu taagnayn uu dib inooga sii riday.
Waxaad la socotaan in dastuurkii aynu samaysanay aan lagu shaqaynin oo laga dhigay la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan. markaad eegto ixtiraamka iyo ku shaqaynta dastuurka sharciga aynu dhiganay Madaxwayneheenu wuxuu u isticmaalay sida uu isagu doonayo kolba. Wuxuu ixtiraami waayey xoriyadii inuu shakhsi waliba wax dooran karo, samaysan karo urur iyo shacab raacsan oo uu doorasho ku istaago.in loo sinaado habka doorashada. iswaydii oo sharcigu wuxuu dhigayaa inaad wax doorankartid laguna dooran karo. Kolkaa hadii lagu yidhaa adiga oo aan 3dan xisbi ahayn ma tartami kartid, Maxaa sharciga loogu dhigay shaqsi waliba waa u xor inuu wax doorto lana doorto.
waliba iyada oo ay 3da xisbiba u xidhanyihiin dad gaara.
Tusaale aan usoo qaato dalka mareykanka oo aan ka mid ahay xisbigiisa democratic part ga.
waxa ka jira sedex xisbi oo waawayn. sharcigu wuxuu dhigayaa in shaqsi waliba isasoo sharixi karo dariiqo loo marana waa loo sameeyey.
ka dhacda hadaba in sedexdaa xisbi dadka u tartamaya magacyadooda lagu soo qoro sandaaduuqda codaynta. waxa kale ee ku qoran maxkamadaha federal ka oo la doorto dadka u tartamaya.
iyo waliba gobol walba madaxdiisa wakhtigaa uu taaganyahay wakhtigii loo dooranlahaa.golaha senate ka ilaa maxkamad ilaa laga gaadhayo darajada ugu hoosaysa oo ah maamulka gaadiidka magaalooyinka. iyadoo magaalo waliba iskeed ugu codaynaysa cida ay u igmanayaan xilalkaa.

Hadana waxa dhacda in dad shaqsiyaad ah oo badan iyo ururo badan dad wataa ay isu soo sharaxaan jagada madax wayne oo lagu qoro magacyadooda sanaaduuqda.
ka dibna ay dadkaasi ka helaan jagooyin xisbiyada waawayn marka ay xisbiyada waawayni u arkaan in dadkaasi ay matalayaan oo wataan shacbi badan oo afkaarttooda raacsan.

Aan u soo noqdo teena somaliland. maxkamaduhu waxay hoos yimaadaan madaxwaynaha. isaga ayaa siiya dhaqaalahooda ama budget kooda. waa dad isaga u shaqeeya oo hadana xilka ay hayaan yahay kii ka sarayn lahaa hay’ad kasta oo dawliya iyo shicibkaba.
waa maxkamadihii aynu inagu u dooran lahayn cida aynu u aragno inay daacad tahay aqoon diini iyo maadi ah oo ku filan iyo xilkasnimo dhexdhexaad ah leedahay oo ay maxkamadu noqoto mid u dhaxayn karta shaqsi kasta oo muwaadin ah, min madaxwayne ilaa keena curyaanka ah ama dhagoolaha ah oo ay noqoto hoyada u garnaqda umada oo xilkeedu yahay inay ku shaqayso oo ilaaliso dastuurka iyo sharciga, haday noqoto dastuurka iyo haday tahay diinteena islam ka ah shareecada aynu aaminsanahayba.
daahir riyaale kaahin xilkii dadka ree somaliland u dhiibteen ugumuu shaqaynsidii ay ka filayeen. muu fulinin balanqaadyadii uu inoo sheegay doorashadii hore.waanu saluugnay maamulkiisii. 7dii sano ee lasoo dhaafay. Madaxwaynaha shicibku way ka waayeen ixtiraamkii muwaadin lahaa. Madaxwayne waanu saluugnay wax qabadkaagii ee hadaad 5tii sano ee u dambaysay fulinwayday balanqaadyadii badnaa eed shicibka ugu baaqday ma aakhira ayaad wax noo qaban.shanta sano ee soo socota maxaanu kugu aaminaa hadii aanad kuwii hore ka soo bixin?Waxaan leeyahay madaxwaynaha iyo dhamaan axsaabta qaranka maal kaama hadho ee magac ayaa kaaga hadha dalkaaga iyo dalkaaga.
Nin kastoowba iswaydii maxaa lagugu xasuusan doonaa oo aad uga tagtay intii aad dadkaaga u haysay xil? Waxaan kula talinayaa madaxda xisbiyada inay u tartamaan taariikh qor wanaagsan u reeb jiilka soo kacaya iyo dalkaaga. aduunyadu waa dharaaro idina da’diinu way waynaatay wadkuna wuu idin garab socdaa.

Odhaahdayda ku wajahan shicibka somaliland.
Shicibyohow waxa la cunayaa waa xaqiinii, waa xoolihiinii, waa xoogiinii ee ka tashada cida aad ku aaminaysaan codkiina, idinka oo aan hunguri iyo inadeer iyo ina hebel weeyi maalinta doorashada oo kaliya taagan aan raacin.U dooro yaa dan kuu ah yaa daacad kuu ah, yaa dalka kuu dhisaya, ee noloshaada horumar u horseedi doona? 
U doorta madaxda mustaqbalka fog, iyo horu mar aad gaadhaan. mustaqbalka ubadkiina iyo kumanaan sano oo soo socda maxaa inoo noqonaya taariikh wanaagsan iyo dadaal aynu nidhaa waa wax qabad kii Madaxwayne, oo ay ubad kiinu ku xasuustaan madaxda aad dooran jirteen sida ay u kala wax qabad badnaayeen.
Ha u dooranina madaxda iyo hogaankiina hunguri,maalintaa doorashada oo kali shilimaad lagu siiyo, iyo qabyaalad iyo inadeer, xiqdi iyo xumaan iyo hebelbaa cadkeena inoo goynaya .
u doorta aqoonta, wax tarka, diinta iyo daacadnimada shakhsigu leeyahay. yaan habro iyo odayaal iyo inamo yaryar oo shilimaad lasoo siiyay idin hodin. dad badan ayaa durbaano idinla dhex mari doona oo shilimaad ku shaqaynaya oo u sacbinaya hebel iyo hebel iyo ina hebel.yaanay barito idin dambarsan kuwa aad doorataan iyo khalad aad wax ku doorataan.
Wuxuu sabano badan geelu saynta u lulaa mar uunbaa sasabaniyo sabo ka cabi doontaa.
Muwaadinyohow inbadan ayaad dhib tirsanayseen oo aad cabaneyseeen ee maanta yaan loo kala hadhin.
Codkaaga ku ciil bax!!!!!!!

Qalinkii, Fu’aad I Omar USA 2-18-2009

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: