MUDANE WASIIR CABDILLAAHI LABA XAAL ISMA QABTEEN

 

MUDANE WASIIR CABDILLAAHI LABA XAAL ISMA QABTEEN
Dalkayga Somaliland waxan u rajaynayaa barwaaqo iyo aqoonsi,dadkaygana waxan u rajaynayaa horumar,degenaansho iyo nabad waarta. Doorashada innagu soo fool lehna allaah (SWT) nabad hay-noogu hirgeliyo, kuwo khayr qabana hogaanka hay-noogu dhiibo.

Waxan marnaba rumaysnayn oo aan farta ku fiiqayaa habsocodka kobcinta jiritaanka Somaliland uu u habayo xisbiga talada dalka haya ee UDUB. Waxa muuqata oo caqliga fayo qabaa u arko arrimaha isku murugsan ee ku xeeran habdhaqanka qarannimada Somaliland ee uu jaro habaabinayo maamulka UDUB ee dalka ka taliyaa. Hadaynu tilmaan ka bixino labada xaal ee aan marnaba laysku wadi karin ama aan israaci karin waa gooni isu taaga Somaliland iyo ogolaanshaha hay´adaha ku abtirsada UN-ta,kuna lamaanyahay ninka UN-ta u qaabilsan Somaliya ay dawlada Somaliland shacabka u tusaan weji kale.

Bal aynu eegno UN-tu habka ku joogto Somaliland iyo habkay u caawiso,cidna kama qarsoona inay dhamaan hay´adahaa ku abtirsada UN-ta ku joogaan inay Somaliland tahay waax ka mid ah Somaliya,siiyaana waxay qayb u heshay. Ninka UN-ta u qaabilsan Somaliya ee lagu magacaabo Ahmadue Abdalla uu Somaliland ula dhaqmo waax ka mid ah Somaliya.

Hadaba waxa la yaab leh aragtida guracan ee ay dawlada Somaliland mar kasta afka ay ku dhufato,kuna dhawaaqaan weedhaha sida wakiilka xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya. Erayadan oo aan cid kale adeegsan kuna keli ah dawlada Somaliland waxay majaro habaabin siyaasadeed ku tahay shacabka dhiig iyo nafba u huray jiritaanka Somaliland. Waxa kale oo xisbiga talada dalka hayaa ku dhiiraday inuu shacabka ku hago dhallaan-habaabista ah hay´adahan ku abtirsada UN-ta ee ay ku tilmaamaan inay dal ahaan Somaliland u taageeraan iyagoo runta og inay ku taageeraan qayb ka mid ah Somaliya.

Markaa waxan leeyahay wasiirka arrimaha dibada Mudane Mujaahid Cabdillahi horta waxan kugu hambalyaynayaa jawaabta aad ka bixisay odhaahda ninkaa xoghayaha qaramada midoobay uga wakiilka ah Somaliya uu kaga dhawaaqay shirka dhalanteedka ah ee jabuuti uga socda kooxaha Somaliya,waxaana mar kasta kaa muuqda mawqifka daacadnimo ee aad la dhex joogtid maamulkan aad ka tirsantahay ee qosol-ku jabkaa. Balse wasiir Mudane Cabdillahi laba xaal isma qabtaan, hilibka ma cuno ee maraqiisaan cabaa! Waa ta aad ninkaa Ahmadue Abdalla ugu yeedhaan inuu UN-ta u qaabilsanyahay Somaliland iyo Somaliya iyo runtu siday tahay aduunkuna u ogyahay,yahayna wakiilka xogahayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya. Waa ta aad hay´adaha UN-ta ee qaabilsan gargaarka Somaliya, uguna yeedhaan inay qaabilsanyihiin Somaliland iyo Somaliya.

Wasiir Cabdillahi ma waxa aynu ka quusanay awooda Eebe (SWT) iyo muruqa shacabka Somalilanders-ka! Saw ma ogin dalka qabatima gargaarka hay´adaha UN-tu inuu ku danbeeyo naas uu jaqo,kana habaabo wax soo saarka dadkiisa,gaadhina karin isku filaansho. Midna waa iga talo aan shacabka u jeedinayo,halaga fiirsado daasadan dawarsiga ee ay UDUB inoo dhiibtay, halaguna ciil baxo codkaaga oo aad siiso xisbiga giraanta ka leexin kara jidkan dhallaan-habaabista ee aan horumarka aynu doonayno ka muuqan.

Somaliland waa dal madax-banaan.

Hussein Badmah

horumar,degenaansho iyo nabad waarta.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: