MUDANE AXMED YUSUFOW MADAXBANAANIDA SOMALILAND WAA LAMA TAABTAAN

MUDANE AXMED YUSUFOW MADAXBANAANIDA SOMALILAND WAA LAMA TAABTAAN
Waxan leeyahay M/ku-xigeenka Mudane Ahmed Yusuf Yassin madaxbanaanida Somaliland waa lama taabtaan. Waxaana go´aankaa hore u gaadhay shacabka xalaasha ah,cidii arrimo ka geddisan guntiga ku haysatana waa dad gudcur gudaaya.

Hadalka duurxulka ah ee aad ku tirawday markaad la dardaarmaysay xubnaha UDUB ee qurbajooga waxaad ku muujisay mawqifka xisbiga iyo dawladda aad gacanta labaad ka tahay balse durbaanada nuucaas ah inuu hortaa jiraba ku noqday shimbir waayay geed uu fadhiisto.

” Dabcan Somaliyi kala maarmi kari mayso oo cid xad xidhaysa iyo cid wax oodaysa sidaa Yurub baa la noqon doonaa, horta bal waa in qolo waliba inay dib isu soo dhisto oo ay dib u muuqato oo dabadeed hadhow nina Xamar laga celin maayo, nina Hargeysa laga celin maayo.” Ayuu yidhi waxana uu intaa ku daray “Dadka khalad baa la fahamsiiyay oo waxaa la yidhi xad baa la xidhayaa ciidan baa degaya nina soo gudbi maayo, waa waxa dadka lagu fogaynayo, dadku waa dadkii uun.”

Erayadaadan kor ku xusan waa fikrada ay qabaan Somaliya,Shariif-kuna hore ayuu mawqifkiisa ku wajahan madaxbanaanida Somaliland u cadeeyay,welina lagama hayo wax isbedel ah. Jiritaanka qaranka Somaliland-na maaha mid muhmal la gelin karo,xuduudkuna waa seero caalamiya oo lagu kala sooco wadamada jaarka ah,si sharci ahna loogu kala gudbo,europe-na xuduudahooda si sharci darro ah laysagama maro, dadkana qalad lama fahamsiine waxaad muujisay habka Federal-ka ah ee xubno u dhashay dalkan Somaliland qabaan,kuna noqdeen dibad galeen,waana aragtida ay kaga mid noqdeen baarlamanka Somaliya.

Waa ayaan darro marxalladan dalku marayo ee Madaxweyne Riyaale looga fadhiyay inuu si dhakhso ah digreeto u soo saaro, si ay muddaynta doorashada la filayo inoogu qabsoonto 29march,09, sharciyan u noqoto mid xalaal ah. Xisbul xaakimka goortan durbaanka kaga dhawaajiyay,muhmalkan lingaxa lagu xidhay,gacan haadiskan Federal-ka,go´aan la´aanta Madaxweyne Riyale uu digreetada kaga maagay waxay lid ku tahay hanaan-socodka qaranimada Somaliland.

Hadaba waxa labada gole ee baarlamanka iyo cadaaladda looga fadhiyaa inay ka digtoonaadaan aragtida uu M/ku-xigeenku iftiimiyay oo halis ku ah madaxbanaanida Somaliland.Shacabka Somaliland waa inuu indhihiisa furaa,iskana jiraa cid kasta oo jiritaanka qarannimo bohol ku ridaysa.

Waxan ku soo afjarayaa Mudane Ahmed Yusufow madaxbanaanida Somaliland waa lama taabtaan ee gacan haadisku adiga hakugu ekaado.

Hussein Badmah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: