MAXAY DAWLADDA SOMALILAND DJIBOUTI KA DOONTAY WAKHTIGII SHIRKII DAWLADDA FEDERAALKA?

MAXAY DAWLADDA SOMALILAND DJIBOUTI KA DOONTAY WAKHTIGII SHIRKII DAWLADDA FEDERAALKA?
Maxay dawladda Somaliland Djibouti ka doontay wakhtigii shirkii dowladda federaalka? Maxaase doorashada dib loogu dhigayaa ilaa hadda?

Akhristow inaba ma is weydiisay xikmadda ku jirta Djibouti ha loo yaaco oo raxan wasiiro ahi socdaal ha ugu baxaan wakhti la gudo galayo shirkii dawladda federaalka Somalia, wakhtigan xaaladeenu ay cakirantahayna isla maamulka waftiga u diray Djibouti ha sheego in doorashadu ay dib u dhici karto?.

Su’aasha sare jawaabteeda waxaan filayaa in aad fahamteen waa hadii inaba aad tihiin dad meel dheer wax ka eegaya.

In la tago Djibouti oo weliba dawladeenu ay madax sar sare u dirto maan diidin, oo ileen dawladdu xaq bay u leedahay inay wufuud dirato, si ay u soo fushato danaha dalkeenu ka leeyahay amaba kaga xidhan dalka waftiga loo dirayo, laakiin caqliga saliimka ahi wuxuu odhanayaa – TIMIR LAF BAA KU JIRTA.

Waxa cad in waftiga tegey Djibouti ee wasiirada u badnaa loo diray inay la kulmaan madaxda Djibouti iyo ta Federaalka labadaba una sheegaan in ay dedejiyaan hawlaha Dawladda Federaalka, si aanay ugu suurto gelin Somaliland inay qabsato doorashada la wado inay dhacdo 29th March 2009, maadaama aanay rajo ka qabin xisbul xaakimka UDUB inay guul ka soo hooyaan doorashada soo socota ee Somaliland, waxa taas cadaynaya waraysigii uu dhowaan bixiyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ee daaha ka qaaday wax badan oo qarsoonaa.

Hadda oo ay jirto hadal hayn la xidhiidha in doorashadu ay dib uga dhici karto 29th March 2009, arintan lafteeda qofka laga hayaa waa isla Axmed Yusuf Yassin oo ka mid ah xisbul xaakimka UDUB.

Hadaba waxaanu ka codsanaynaa cidii danaynaya jiritaanka Somaliland ama ka damqanaya waxyeelo ku timaada dalkeenna ama dibu dhac siyaasadeedba in ay culays ku saaraan dhammaan cidii ay khusayso hir gelinta doorashadu siiba Komishanka, Dawladda, Axsaabta mucaaradka ah iyo golayaasha qarankaba.

Hadii arintaa umaddu meel ay uga soo wada jeesato waxaad ogaataan inaan cidina rabitaankeenna majaro habaabin Karin.

Alla Mahad leh

Mohamed Hussein Roble
roble4@gmail.comSom

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: