MAXAAN KU MUTEYSTEY HEYB-SOOCA)DOOD FURAN (QEYBTII LABAAD)

MAXAAN KU MUTEYSTEY HEYB-SOOCA)DOOD FURAN (QEYBTII LABAAD)
WALALAYAA WAA QEYBTII LABAAD EE DOODA AHEYD (MAXAAN KU MUTEYSTEY HEYB-SOOCA ,)WAXAAN QEYBTII HORE DOODEYDAN KU SOO BANDHIGEY GUUD AHAN QUURSIGA & DULMIGA HEYB-SOOCA EE LAGU TAKOORAYO UMAD DHAAN OO ISLAMA OO IDINLA MIDA ,QEYBTAN LABAD WAXAAN KU EEGIDOONA ,ALLEH ,ST.& DIINTEENA ISLAAMKU WAXEY KA QABTO QUURSIGA DULMIGA & DHALANTEEDKA NASABNIMO, 

INTAAN UGUDA GALIN ARINTAAS WAXAAN DOONAYA INEYNU BAL WADA OGAANO HALKA UU KA YIMID & CIDII BILOWDEY QUURSIGA & NASAB KU FAANKA DHALANTEEDKA AH ,HADABA SU AASHU WAXEY TAHEY ,

S=YAA BILAABEY QUURSIGA ?MUXUUSE MUTEYSTEY ?

J= JAWABTU WAXEY TAHEY ,ALLAH ,ST. MARKII UU ABUUREY ,NABIYUNA AADAN ,CS, AABIHII AADAMIGA ,INUU KU AMREY MALAA IGTIISU INEY U SUJUUDAAN ,NABI AADAN ,CS, WAXAA AMARKAAS ALLAH ST, JABIYYEY , WAXUU AHAA , (IBLEYS) NACALI KORKIISA HA AHATEE , WAAKII IBLEYS,DIIDEY AMARKA ALLAH KUNA FAANEY INUU KA DHALASHO WANAGSANYAHEY ,YIRINA ( MA ANIGOOD ,NAAR IGA ABUURTEY ,HALKAASNA UU IBLEYS,UGA JEEDEY MA ANIGOOD NUUUR IGA ABUURTAA U SU JUUDA ,AADAN ,OOD KA ABUURTEY DHOOBO ,)TAASI WAXEY KU TUSEYSAA INUU IBLEYS QUURSI & ISLA WEYNAAN AAN MEEL JIRIN & NASAB DHEERIDBA SHEEGTEY , WAXAANU KU MUTEYSTEY KIBIRKA & QABKA SAREYNTA UU SHEEGTEY INUU ,ALLAH ST,UGU BUSHAAREEYEY ,IBLEYS, NAARTA JAHANABO ,ISAGA IYO INTA RACDABA , SUBXAANALAAH RABI INAGAMA DHIGEE AAMIIIIIN,

HADABA WALALAYAL MA SHAKI BAA KU JIRA QUURSIGA & DULMIGA UU ,ALLAH ST, XAARAAN TIMEEYEY INEY YIHIIN ,HADIMADII & KIBIRKII UU IBLEYS KU HALAAGMEY KUWA KU DEYDA EE JIDKIISA MARAANA EE AAMINSAN INEY , ADOOMADA ILAAHEY KA SAREEYAAN KANA DHALSHO NASAB WANAGSANYIHIIN EE CAADEYSTEY DHAQANO & CAADOOYIN DHALANTEEDA EE UMAD ISLAAMA YASAYA KUNA TILMAAMAYA DAD KA LIITA ,SOW IBLEYS MEY WAHESHAN DARISNA LAMEY NOQON ,CADAABNA MU TEYSANMAAYAN ,

KUWA XAQA DABOOLEY EE DIINTA YAQAANA EE ,CULI MAA UDIINKUNA SOW MAAHAN KUWA XAQA ALLAH,ST,& AAYADIHIISA INDHAHA KA QARSADEY EE U NIXI WAAYEY DADKA CAAMAHA AH AMA JAAHILIINTA AH ,SOW KUMA QARIYEY MAAHAN AYAADII ,ALLAH ST. 
INA AKRAMAKUM CID DALLAAH ATQAAKUM?
SOW AAYADII ALLAH ST, EE QEEXEYSEY MAHAN ,UMADEYDA CID CID KA SAREYSAA MA JIRTO WAXEY KUKALA SAREEYANA MA JIRTO ,WAXEYSE KU KALA FADLI BADANYIHIIN UMADEYDU , WAA ALLAH ,ST. KA CABSIGA & CIBADADA ALLAH ST, SOW MEY AHEYN ,YAA QARIYEY , YAA LA BAKHEYLEY AAYAADKA ILAAHEY ,SOW CULIMAA UDIINKA MAHAN , WAXAAD ARKEYSA ,WALALAYAL ,BOQOLAAL CAJALADOOD OO AY DUUBEEN ,KUWA UGU WAAWEYNAA ,CULIMAA U DIINKA SOOMAALIYEED OO XADIIS & MUKHAADARABA AH ,HAL CAJALAD OO UU MIDKOOD KAGA HADLAYO ,QUURSIGAN UMADOODU AY KU HEYSO UMAD ISLAAMA OO WALALADOONA KUMA JIRTO ,ISKA DAAA CAJALAD AY U DUUBAANE , MASAAJIDADA KAGAMA HADLAAN XAQA ALLAH ,

WAXAA LAGA YAABA ,CULIMAA UDIINKA ,KUWA GEYSANAA QUURSIGA & DULMIGA LAGU HAYO UMADAN BEESHA GABOYE ,KUWA U GEYSTAA INEY YIHIIN KUWAY WADAADU DHALEEN , KUWA AY WALALO YIHIIN , KUWA WAALID AY U YIHIIN AMABA IYAG U WALIDA ,SOW XAQU MUU AHEYN INEY UMADA U SOO BANDHIGAAN DIINTA ISLAAMKA & AAYADAHA ALLAH EE XARAAN TIMEYNAYA DULMIGA & QUURSIGA ,

WAXAA UU RASUULKEENII MUXAMAED AHA ,CST. UU XADIIS KU YIRI ,QOF ISLAAMA WAXA DANBI UGU FILAN INUU DULMO ,QOF ISLAAMA OOWALALKIIYA ,SUBXAANALAAH YAAQARIYEY XAQA ALLAH , BAL WALALAYAL EEGA AAYADKAN ALLAH ST & XADIISTA QAAR KA MIDA RASUULKEENII MUXAMAED,CST,EE INOO SHEEGAYA HALKA UU ALLAH KA ABUUREY AADAMIGIISA & INAANEY JIRIN WAX KALA SAREYNI SOW KUWA INAGA QARIYEY EE AAN XAQA ALAH ST, INDHAHA KA QARSADEY MAAHAN ,CULIMA U DIINKAN , QEYB WEYNA SOW KAMEY QAADAN QUURSIGA & DULMIGA ALLAH UU XAARAAN TIIMEYEY CULIMAA UDIINKU ,

Marka qofkii Ilaah isku taaga wuxuu Allaah milicsiiyaa meeshuu ka yimid sida aayadaha Qur’aanka ugu horreeyaba xuseen:

أَوَلَمْ يَرَ الْإِنسَانُ أَنَّا خَلَقْنَاهُ مِن نُّطْفَةٍ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٌ مُّبِينٌ

Ilaahay wuxuu leeyahay miyuuna qofku arag oo u dhabbogelin inaan ka abuurnay biyo waana isagooba ah doodbadane cad.

Bal Xaddiiskani oo Abuu Daa’uud soo saaray hanoo bayaansho meeshaan ka nimid

قال رسول الله ‏ ‏صلى الله عليه وسلم ‏ ‏إن الله عز وجل قد أذهب عنكم ‏ ‏عبية ‏ ‏الجاهلية وفخرها بالآباء مؤمن تقي وفاجر شقي أنتم بنو ‏ ‏آدم ‏ ‏وآدم ‏ ‏من تراب ليدعن رجال فخرهم بأقوام إنما هم فحم من فحم جهنم أو ليكونن أهون على الله من ‏ ‏الجعلان ‏ ‏التي تدفع بأنفها النتن

Rasuulku (SCW) wuxuu yiri: ALLAAH CAZA WAJALLA wuxuu idin ka tagsiiyey sheegsheega iyo isugu faanka jaahiliyadda aabbayaasha (qabiilka); waxaa jira mu’min taqi ah iyo faajir hoogay; kulligiin ilmo Aadam baad tihiin, Aadamna ciid baa laga abuuray; wey ka tagayaan niman ku faanka qolo noqotay dhuxushii Jahannamo (mushrikiintii dhimmatay) ama waxay Ilaahay agtiisa ka ahaanayaan kuwa ka liita xaar-walwaalka/doorshaanka. 

Sidoo kale qofkii Ilaah ka baqa isaga laftiisa waxaa la milicsiiyaa halkaan ka nimid oo ah aabbaheen Aadan iyo hooyadeen Xawaa laakiin waxaa lagu sheegay inuu yahay kan dadka ugu sharaf badan. Bal aayaddan cajiibka ahna aan ku darno: 

يَا أَيّهَا النَّاس إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَر وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِل لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمكُمْ عِنْد اللَّه أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّه عَلِيم خَبِير

Aayaddu waxay leedahay: dadoow waxaan idin ka abuurnay nin iyo haweeney waxaanna idin ka dhignay shucuub iyo qabaa’illo si aad isugu garataan; qofka idiin ku sharaf badan Ilaahay agtiis waa kiinna ugu taqisan. 

Waa kee qofka noqon kara taqi? Wey dhici kartaa qof fidrada ku taagan oo fahmay meeshuu ka yimid inuu noqdo qof wanaagsan hadduu helo culumo fiican laakiin sida qaalibka ah taqwadu waxay rabtaa cilmi iyo camal. Bal aan fiirinno aayaddii Ilaah ku lahaa: 

نَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ غَفُورٌ 

Waxaa Ilaahay ka baqa adoomadiisa culumada ah. 

Yacni waa baqdinta saxda ah maxaa yeelay qofka caalimka ah wuu u jeedaa wuxuu sameynayo iney sax tahay iyo in kale halka qofka caamiga ahi uu cid kale ku xiranyahay.

Marka haddaynu xaggii cilmiga ka gaabinnay waa ineynaan hilmaanin halkeynu ka nimid. Marka qofka caalimka ah ma qabato maahmaahyaha ah: fiqi tolkiis kama janno tago. Ama: tolkaa iyo kabtaadaba bartankaa looga jiraa. Caalimkaasi ma aha kitaab-gaab oo sida walaalo badan soo qoreen dhaha: haddii qabiilkeygu saxanyahayna waa saxnahay hadduu xumaadana waan la xumaan. Laakiin caalimku wuxuu maqlaa Ilaah. Waxyaalaha caalimku daliishado waxaa ka mid ah aayaddan: 

لَا تَجِدُ قَوْمًا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ يُوَادُّونَ مَنْ حَادَّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَوْ كَانُوا آبَاءهُمْ أَوْ أَبْنَاءهُمْ أَوْ إِخْوَانَهُمْ أَوْ عَشِيرَتَهُمْ أُوْلَئِكَ كَتَبَ فِي قُلُوبِهِمُ الْإِيمَانَ وَأَيَّدَهُم بِرُوحٍ مِّنْهُ وَيُدْخِلُهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ أُوْلَئِكَ حِزْبُ اللَّهِ أَلَا إِنَّ حِزْبَ اللَّهِ هُمُ الْمُفْلِحُونَ

Aayaddu waxay leedahay: ma heleysid qolo Ilaahay iyo Aakhiro rumeysan oo kalgacal u haya dad ka horyimid Ilaahay iyo Rasuulkiisa, dadkaasi haba ahaadeen aabbayaashood, ilmahooda, walaalahooda iyo xigaaladooda ilaa dhammaadka aayadda. 

Sidoo kale waxay maanka ku hayaan xaddiiskii nabiga (SCW) ee ahaa qofna laguma adeecayo macsida Abuuraha. Marka duulkaas Ilaah ka baqa cidna xumaan kuma raacaan haba ahaadeen dadka dad ugu dhow sida waalid, wiilashooda iyo walaalahoodaba. 

HADABA WALALAYAL ,WAXAAN DOODAN U SOO BANDHIGEY INAAD IGALA QEYBGASHAAN WALALAHEYGA KA XOROOBEY JAHLIGA & AQOONDARIDA EE LEEH ,DAMIIR BINI AADANIMO , DAMIIR DADNIMO ,DAMIIR ISLAANIMO , INAY ARAGTIDOODA CAAFIMADKA QABTA KA DHIIBTAAN ,WAXAA IMAAN WALEE ,MAALIN AAN WAX LA QARIIN KARIIN ,XAQU II DILAACI , QOFKASTABA WAX LAGA WEYDIIN NOLASHIISA ,MAALIINTASOO QABIIL WAX KUU TARYEN , EHEL WAX KUU TAREY , TOL WAX KUU TAREYN , EE WAXA KALIYA EE QOFKASTA BADBAADINAYA AY TAHEY ,KU DHAQNKA XAQA ALLH & MACALKA SUUBAN ,EE WALALAYAL XAQA AYNU ISTUSNO HANA LAGA WAANTOOBO DHALANTEEDKA AAN MEEL JIRIN ,

WABILAAHI TOWFIIQ 

QORE(BARKHAD XAAJI CABDI ,MR GABOYE>

ONTARIO CANADA

EMAIL:abokoriye1@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: