Markaad Eegto Dhibta Taalla Somaliland, Saddexda Musharax Keebaad Xulan Lahayd,

Markaad Eegto Dhibta Taalla Somaliland, Saddexda Musharax Keebaad Xulan Lahayd,
Dooddan waxaan ka fekerayay mudado dheer su asheedana maanta ayaan shacabka ugud-binayaa, Somaliland waa dal curdin ah oo ku socod baranaya Dimuqraadiyada, waxay soo-martey maraxill badan tan iyo markii Somaliland ay lasoo noqotey madax-banaanideeda waxaa soo kala maray hogaamiyaal kala gedisan, Hadaba aynu u soo nqono Doodena, waxaynu u kala sarayna laba qaybood oo kala ah Hogaamiyahe ayay Somaliland manta ubahan tahay iyo maxaa horyala aynu ku-horeyno waxa manta yaala.

Somaliland maanta waxaa ka jirta dhib badan dadkeedu mashaqeeyan 100%90 shaqo abuurna majiro waxay taasi keentay in Dhalinyaradi sibiq dhaqa-qaan, Somaliland waa Dal-yar oo lagu qiyaaso 2.5 milyan hadana waxaynu kawasiiro badanahay Dalka Hindiya, waa dalka ugu faqiirsan Geeska Africa hadana Madaxweynaha Jamhuuriyadu wuxuu kamushaharbadan-yahay Madaxwey nayasha G8, macni Sideeda wadan ee Aduunka ugu dhaqalaha badan.

Somaliland waxa ka jira Afmiisharo badan oo xariif kunoqdey Wasiirada badan iyo madaxda sare dalku malaha ilacad wadagaadha shanjeer in kabadana waxaa lagudaray miisaniyada Dawlada, Rado Hargaysa madhafo Haleeya isna dadka casimadu kama helaan wax macluumada oo inta badan heeso uunba kasocda Lacagta Somaliland madhafto Gobolka Berbera Gobolada bari in lacagta laga bedelo waxa lagudaray miisaniyada hadana maysocon madhisna wadooyinku cafimaadka hadalkii daa, biyahana dadka casimada iyo gobolada qaar uma helaan sikala badha dawlad nimadey Somaliland qadatay waa sadex dhadhaar.

Xukuumada oo fulina, Baarlamanka oo Sharci dajina, iyo Garsoorka oo ah xakimkii lakiin laguma dhaqmo Garsoorku ma madax banana Barlamanki lasoo doortay waa Magac uyaal, heshiisyada Calamiga ey ahayd iney ansaxiyaan cidi mawaydiiso, Misaniyadii dalka markii ladoona lookena hadey ansaxiyana lagumadhaqmo, Wasiirada Xukuumada ee faraha badan inyar ayaa wax laweydiiya oo kujira darajada ( A) Wasiirada Maaliyada Duulista iyo Hawada, Gaadidka iyo Guryeynta Arrimaha dabada Arrimaha Gudaha, intaasi waa qolada Muraqibiinta waxay doonan ayay fuliyaan Madaxweynahana waxay kahaystaan awood buuxda,Ciidamadu malaha Darajooyin waxanu madaxwey nuhu kubalan qadey in kabadan toban jeer mana fulin.

Waxaa intaa dheer majiro ganacsi xor ah dad badan ayaa iswey diinaya Somaliland side ayaanay uga jirin gacansi xor ah waxaan kawada waxa weye Somaliland Saliida kali ah ee aymanta haysteen wuxuu aha Xoolaha nool yagiina waxa loo xidhay kooto ganacsade Aljabiri halkas waxaa ku shaqo wayay Dilaalki Malaalki Macalhayihi Digo gurihi Xaraaski Xero hayihii neefku ilaa marku dhasho ilaa marku dhoofayo dadkeenu camal ayay kadhigan jireen waad garanaysa dad dhan oo waxay haysteen aha xolaha nool oo yagiina halkas lagu xidhay waad maqashaan Ganacsatadi oo yagoo marba xolo melaha tahriibinaya ay Dawladaha jaarku kaqadan halkaasna waxaa ku burburay ganacsigii xorta aha.Shidaalku wuxuu uxidhanyahay TOTOAL, cidaan yada ahayn makeento dadkana waydhiigmirata, Ganacsatadii waddanka udhalatay ee kentay Shidaal hadhcadbaa loodiday, 

Dawladihii Somaray Somaliland kasoo bilow Gumaystihii Biritain Dawlaihii rayidka aha ee kadanbeeyay Kacankii 21 Oct ee Maxamed Siyaad Bare, midna kumey dhiran inay xidho Xoolaha Somaliland lakiin waxaa ku dhiiraday Xukuumada Riyaale, Somaliland waxaas oo dhib ah ee Mamul xumo leh ee tayo dari leh ee taabgabni leh ayaa kajirta, hadab aynu usoo noqono qaybteeni ahayd yaa manta Alle sokadii illah uunba dhibta feydee Hogamiyahee,inagala dabalan kara , ???

Inoogana fa-ideynkara inta Somaliland lasaxib ka ee u tagan iney wax laqabtaan oo Cawiyaan dabcan waxaas oo dhib ah Somaliland mawada daboli karto lakiin yaa kanadiifa Musuq masuq oo waxa loo dhiibo dadka gadhsiinaya, yaa shaqo abuur in uun isku dayaya si dhalinta sibiq dhaqaaqdey ee wadankodi qawadey in uun logu qanciyo wadanka yaa cahuurta yare e inoo xaroota u save gareynaya, oo xisaab diyaar unoqonaya yaa in uun wax qabad isku dayi kara malihi Hogaamiyaha so-socda wadanka ayuu Jano kadhigaya xasha tasi dhicimeyso lakiin waar yaa in uuun jili kara oo isku dayikara alle wuu laqaban karaaye wakee kasi ? Saddexda hogaamiye keeba ( Opportunity )- haysta, qaabkese uu u-egyahay hogaamiyahay Somaliland ubahan tahay maxaase looga bahan yahay ?

Somaliland waxay ubahantahay Hogaamiye kartileh Waxay ubahan tahay Hogaamiye Awoodleh oo meesha kasara Afmiisharada kasara Dawlda tirade badan ee tayada yar, waxay ubahantahay Hogaamiye dhisa dawlad koban oon kabadnayn Afar iyo Toban Wasiir,oo aan qancin beelaha ee qanciya waddanka oo Xul ah aan xal-ahayn Waxay ubahan tahay Hogaamiye Gudi gara usara Garoomada, Dekedaha, Baanka dhexe, Waxay ubahan tahay Hogaamiye aan katabcan ee utabca, Somaliland way isku filantahay hadey ( save ) gareyso Cashuurteda iyo dhaqalaheeda yare ey hesho lakiin waxay dooneysa Hogamiyihii xafidilaha,

Hadaba waxaa saxada maanta kujira Saddex Musharax keebad
doorbidi lahayd, Mudane: Madaxweyne Dahir Riyaale kahiin Muj:
Axmed Maxamed Siilanyo Faysal Cali Waraabe aan ugu
horeysiiyo Madaxweyne Riyaale kahin,

Madaxweyne Riyaale waa Hohogaamiye nasiib badan malaha tariikh waxbarasho oo gadhsii-san ( Degree ) wuxuu aha intabadan Sirdoonki Maxamed siyaad Bare oo uu ka-aha nabasugid wuxuu kusoo noqdey cafiski Shacabka, Somaliland 1991 Alla-how naxriste Maxamed X.Ibrahim Cigaal ayaa bidey ilkaqabow siyasaded isagoo noqdey ama uu uxushay Madaxweyne kuxigeen,Sanadii 1997-kii halkaas buu kasoo fuley Salanka Siyasada Wuxuu dhaxley Geridii Cigaal 3/5/2002 kursiga Madaxweynimo isago Sanad kadib Qabtay Dorashadii u horeysay ee Somaliland,waxaa lagu-amana Dorashoyinku hirgaliyay.

Iyadooy amaanta lawadagaan shacabka oo Sinabada Ucodeyay iyo Xisbiyada Mucaradka lakiin dadka dhaliila waxay yidhaahdaan waa Madaxweynihii ugu jilicsanaa abid ee Wadan Hogaamiya, wana Madaxweynihii ugu balanta badna Calamka hadana aan fulin, Wuxuu balanqadey Lacagta Giinbarta ee Burco Wershada Shamiitada iyo dhuxul dhagaxda yana lama arag Ilaacad wadanka Wada gadha yana ilaa hada majirto in uu bishiiba marlahad laayo dadka yana daa halkii masoo dhafin, darajadii Ciidamada oo yana uu balan qadey iskada ilaa hada yana lamahayo Wadada Ceerigaabo yana may dhicin.

Wuxuu kucan baxay Musuq Masuq isaga iyo Wasiiradiisuba ciwanada Jaraa-idka waddanka waxaa markasta kusoo baxa guryo lagu raxaysto oo isaga iyo Xubno wasirada kamidi kadhisteen Casimadaha Adduunka, qaarkamida Carurta Madaxweynaha oo Kulanolayd Waddanka Badi waxay jogaan Qurbaha yagoo adey intuu xilka hayay, Waxay yirahdaan dadka faqida Siyasada Somaliland waxa sameyn badan kuleh Mamulka Dawlada Marwada kobaad ee Dalka, wuxuu leyahay Wasiiro lataliya oo taladoodu ubadan tahay iney usheegan inu xoog sheegto, waxay intabadan tusan in uu urahmo Waddanka nabada illahay keenay yagoo dhaha kucabsii dadka hadii lagu taab taabto iney nabadu dumeyso fekrada oo uu qatay yadoo lawada ogaa siduu umamulay Shirkii Xisbiga UDUB, waxay Doodu leedahay marhadii waxaas oo maamul xuma hoosyimadaan isaga Dabcan xulashada wuu kahadhaya lakiin Shacabkay utala iney Sooceshan iyo iney Isbadal sameeyaan, Muj Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo, waa nin Aqoon yahan ah wuxuu ( Cambridge University ) kaqatay Shahadada ( master economic ).

Wuxuu leeyahay khibrad maamul waa wayo arag 13-sano ayuu ahaa Wasiirada ugu mudana uguna cadcadaa Mamulkii Maxamed siyaad Bare-dhibtii uu taliskasi ugeytey Shacabka Somaliland ayuu kasoo gostey, Waa Gudoomiyhii ugu mudada dheera SNM ee Hogaaminayay dhamaan dhacdooyinki SNM marka laga rebo Jabinti Jeelka mandheera ee Lixle iyo Qabsa shadii waddanka mooye dhamaan dhacdooyinkii kale isgaa hogaaminayay Sida obareshinki C/laahi askar Guda Galkii dalka Dagaalki burco duuray ee Lixle kusha hidey, isago laha hal-hayska caanka ee SNM waa wada Lixle, wuxuu-si

Dumuquradi ah xilka ugu wareejiyay Baligubadle Wuxuu utar tamay Dorashadii tan kahoreysay Wuxuuna kuwayay 80-cod tasoo Africa nadir ku ah sida uu u aqbalo Hogaamiye ku guleystay Kursigii Wadanka ugu Mudna Hadana wuu qatay Natiijadi badi dadku taas weyku amanaan yadoo aynu ognahay wixii Kenya kadhacay 2007, Dorashadi lagu murmay wuxu Hogaamiya xisbiga uguweyn Mucaradka, ee Kulmiye Waxaa badi kujira Haldorka Somaliland wuxuuna Ku hogaamiya si Dimuquradi ah yadoo ay-amaan usooj ediyeen Qaramada midoobay, warbixintoodi kahadlaysay doorashada Somaliland,sidey uqabsadeen shirarkoodi iyo xulashada musharaxya doodi Markii Somaliland lasoo noqotay xornimada, wuu kaqaybqatay dib udhiskii wadanka isagoo ka mid noqdey BarlamankiI ugu siyasiyiinta badnaa.

Isagoo Golahaas kula jiray Mudane Fagadhe Jamac Maxamed Qalib ( Jamac yare ) Alle hawnaxariste Duqsi Marki danbe Wuxuu kamidnoqdey Golahii Wasiirada Ee Alle hawnaxariiste Marxuum Maxamed X Ibraahin Cigaal Wuxuu ku gabya ama ku gerara waxaan anigu doonaya waxaan katago oo muqda Xaaska udhaxdey ayaa yana ah Gabadh Aqoon usaxiiba Amina Waris, markad raacdo tariikhdisi hore kuma suntana Musuq maasuq lagumana xanto lakiin dadka dhaliila waxay yirahdaan majecla in fekradiisa mid laga horkeeno, lakiin waxay badi dadku ku amanaan in uu mamulka yaqano yadoo laxasusto marku aha Wasiirka Maliyada shilinka Somaliland oo qiima dhacay halku ku xidhay ayaa wali lagusarifa taas oo ay kacawisey aqoonta xaga dhaqalaha ee uu wato, waa nin codkar ah dad soo jiidasho leh wuxuu aad uyaqana luuqada siyasiga Waxana lagutiriyaa siyaasi yiinta Nadirka ee geeska Africa,

Faysal Cali warabe waa Hogaamiye runtii anigu shakhsiyan waxyaba qaar waan kujeclahay sida dadka oo uu dooda lawadago hadalka oo anu lagaban waa nin inta badan kunoola qurbaha dhibtii waddanka kadhacdey waxbadan umu soo jogin hadana wuu kaqayb qatay dib udhiska waddanka, Waxaa lagu xasuusta Dagaladii sokeeye siduu kayeelay isagoo xojiyay in anay dumin Dawladnimadii marka jirtay, ee Curdinka ahayd Waxyabaha lagu Amaano waxa kamida maha nin islaweyn wuxuu inta badan muujiya Farxad iyo isago wakhtiga laqaybsada dadka jilicsan.

Wuxuu Kasoo shaqeeyay Dawladii hose ee Xamar isagoo ahaa Eng : dhismaha wuxuu usoo qaxay Dalka filand oo uu dhalashadiisa haysto, isagoo kunoola Sanadihii Sagashameeyadii, halkas oo ku asa-sey xisbiga UCID isaga iyo C/raxmaan Ciro Gudoomiyaha Barlamanka inta badan majecla in Lala wadaago Mamulka xisbiga isgana xidha oo fura lakiin dhaliisha wuxuu kaga jawaba Dimuquradiyada badan wuu kujaba Africanku, yadoo dhawr gobod lagawey diiyay wuxuuna amin sanyahay in Hogaamiyuhu yeesho Go-aan oo aan shaqada lala Mamulin,Markii uhoreysay een lakulmo waan ku qancay qabka doodisa waxayna ahayd, Sanadki 2005 Dorashadii Barlamanka anoo kuboqdey Gurigiisa.
Malaha xitaa guri hantidiisa ah wuxuu helo wuxuu galiya Xisbiga, Manajecla Musuqmasuqa Dalkuu kunoola ee Filand oo inbadan kadhegtay dabeecada Dawlahdaha kamadhan Musuqa ayaa la-orankara way cawisa siduu u dhaliilo Musuqa waxa kamida ereyadiisa Caanka ah, Qofkasta oo Dawladan Riyaale kamidii wuxuu diirtay halkuu jogay, wuxuu hamuun uqaba in uu Jagada margadho lakiin dadka dhaliila waxay leeyahiin malaha mowqif logu soo hagago yagoo soo dalii liya marar badan oo uu hadlo si-iska hor imanaya siiyay Saxafada laganasoo wariyay, lakiin dhalishana wuxuu kaga jawaba anigu marba mawqifki dalka udanan qata ee meel matagnado,wuxuu intabdan kuhafta dabaysha siyasada tasoo loo arki karo khibradiisa siyasaded oo yar iyo talo badan oo anu qadan, lakiin waa nin Jecel Somaliland hadaba keeba manta dhibta inaga sari kara fadlan kudarso dooda mudane iyo marwaba oo kaqeyb qaado fekerka waddankaga,

Muniir Ahmed Egaal
Uk/ Birmingham,
E-mail: muniir10@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: