Madaxwayne Riyaale Waa Gartii In uu Huursado Shirka UDUB.

Madaxwayne Riyaale Waa Gartii In uu Huursado Shirka UDUB.

Madaxwayne Riyaale Waa Gartii In uu Huursado Shirka UDUB.

Ina Riyaale waa gartii inuu HUURSADO shirka UDUB. Waayo isagaa iska le sida labadii hogaamiye ee kaleba isaga yeesheen labadii xisbi ee kale. Weliba isaga waxaba u dheer waa dhaxal looga dhintay.
Waxa ugu horeeyay cid qabsata shir lagu soo dooranayo murashaxa madaxwaynimo xisbiga Kulmiye.
Muj. Siilaanyo waxa uu lug iyo faras isugu taagay in aanu meeshaa kasoo daahirin nin ku cidhiidhsada xisbigiisa uu u soo dhididay. Waxaanu si badheedha uu daaqada uga saaray oo ilaa imika war iyo wacaal meel uu kadhacay la la’yahay -anfariirkuu ka qaaday awgeed- xoghayihii hore ee arimaha dibada ee Kulmiye, DR. Axmed Xuseen Ciise, oo ku hungureeyay booskaaska madaxwaynenimo.. Waxa laga wada war qabay ( kuma darin ninkii is diidsiinaaya) xaqdaradii lagu sameeyay Muj. C/raxmaan Aw Cali oo isna naftu u eriday xaga UCID. Taa waxa sii dheer oo weli la sii xasuusan yahay shirkii ka dhacay hoolka shaqaalaha ee laga reebay Dr. Axmed Xuseen Ciise oo loo diiday xataa kaadhkii uu ku geli lahaa shirka isaga oo ka mid ahaa golihii dhexe ee xisbiga . Waxaad moodaa in ay halkaas aad isaga eegyihiin Riyaale maanta ta uu ku sameeyay Muj. C/laahi iimaan darawal. Shirkii Burco waxa lagu xasuustaa xubnihii tirade badnaayee ka dareeray markay ku higgoodeen waxa ka dhacaya meesha. Maragna ay ka yihiin Mujaahidiintii waawayna oo Dr. dixood ka midyahay.Hore waxa isgaga firxaday meesha Cabdi Haybe imikana ah wasiirka caafimaadka. Intani waa iga tusaale uune ma aha tirin aan tirinayo dimuqraadiyada afka u dhacday ee ka dhexjirta kulmiye. Mana la odhan karo heshiiskii markii dambe lagu ladqabaynayay Mujaahidiinta laduudsiyay xaqoodii waxay ahayd is ogolaansho waayo dulmi lagu sameeyay ayuun baa samir iyo iiman looga dhahay. Su’ aal Muj. Siilaanyo yaa latartamay ee uu ka helay? C/raxmaan saylaci yuu ka helay ee uu afka dhulka u daray?

Waxa maalmo uun laga soo wareegay FILINKARTUUNKII uu metelay .Eng. Faysal Cali Waraabe oo isagu albaabadaba u xidhay qolyar oo hudheelka Maansoor dhexdiisa ah. Waxa aan aad u fahmiwaayay labad xisbi ee kaleba Da’dka qayladaa ka dhamaatay markii la diyaarinayay shirarkoodee maxaa baalsaaray shirkii UCID. Ma afar dhalinyaro iyo haween ayuunbaa ka shiray xisbiga. Maye reerihii waxa isku cidhiidhyaayay ? maye ergooyinkii ciidda ka badnaayee xisbi kastaa sheegi jiray? Wuxuun baan ku war helnay faysal baa la doortay oo 100% ku guulaystay sidii boqorada carabta oo kale.Iyo Dr. Maxamed Rashiid baa ku xigeena loo doortay! Cajiib. Meel alle meel lagu tartamay, cid kala badisay midna.? Hasheegi. Faysal iyo Digtoorka oo hangool dheer ka lusha ayuun baan ka aragnay wargaysyada!!! Su ‘aal Faysal yaa la tartamay ee uu ka helay? 0! Digtoorku yuu la tartamay ee uu boodhka ku cabbay? 0!

Labadii xisbiyee kaleba hadii sidaa xaalkooda dimuqraadiyadeed ahaa dee iskaga taga Aw Riyaalena haka soo xidho kadinka nimankan ka nixiyay ee uu ka seexan kari la’yahay e, isgaaba ka dhaw dhaw oo hadhcad oo dharaara ka badiyay labadan quusanwaayay. Dimuqraadiyadu haday tay rabitaanka shacabka waatii la idin dooran waayay shansanno ka hor e maxaa idinku soo kordhay faysal iyo Mujaahikaba? Mujaahidku wuu sii gaboobuun? Faysalna is tabcayntiisii uunbaa sii badatay.

Gebogebadii. Waxaan leeyahay inta daacadda ah iyo intii shirarka laga soo xidhayba xisbikale inoo sameeya oo layidhaa xisbiga FIRXAD URURSHE aynu uga guurno boloodhadan ay casaynta iyo cadayntaba u samayteen Faysal cadde iyo siilaanyo iyo Aw Riyaaleba e.

By Cali Cawaale Cismaan
Toronto, Canada
ccawaale@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: