Ma cid ayaa igu diidan cayaartiyo cugashada guud ee UDUB iyo qarankaba

Ma cid ayaa igu diidan cayaartiyo cugashada guud ee UDUB iyo qarankaba.
Cashadii dhalataaba waa caynad gooniya,cayaarta siyaasaduna waa cilmi gooniya ee ma cigaagay haamahii lay culay. Hadii ay ummadi qaadato hab ayna cilmi u lahayn ama ka duwan hab-dhaqanka noloshooda waxay kala kulantaa qalwooyin hoosteeda qodax badani taalo.

Dadka reer Somaliland waa muslimiin,muddo boqolaal sanno ah ayay ku soo dhaqmaysay laba hab oo isku dhafan,ahna shareecada islaamka iyo hab-beeleed. Hadana waxa dhalan rogay habkaa qadiimiga ah habkii qasabka ahaa ee diktaatooriyada ee ay ku soo hoos dhaqmeen muddo 30 sanno ah. Halkaa waxa ka dhashay dadka oo u kala baxay laba qaybood. Qaybta kowaad, waa inta u soo joogtay isbedelka siyaasadeed ee dalku soo maray,qaybta kalana waa inta ku caqliyaysatay dib ula soo noqoshadii gooni isu taaga Somaliland. Labadan qaybood waxa weheliya koox qurbo-joog ah oo isugu jirta labadaba.

Ayadoo dadku labadaa qaybood isugu jira ayaa la qaatay habka dimuqraadiyada ee xisbiyada badan. Qaybahaa aynu tilmaanay oo is-huwan ayaa wadaniyad awgeed la cugtay madaxweyne Dahir Riyaale oo ahaa gudoomiyaha xisbiga UDUB. Inkastoo doorashadu ku timi habka xisbiyada hadana meesha kamay madhnayn hab-beeleedku.Taasi waxay inoo iftiiminaysaa laba qodob,mid waa shacabka oo aan u meel deyin codkooda cida ay ku cugteen,sidaa waxay u yeeleen tii oo laga fogaanayo burbur danbe inaanu dalka ku iman.

Hadaba xisbiga UDUB ee dalka hogaaminayay muddo 7 sanno ah ayaa inbadan gorfaynaayay sidii ay u qabansan lahaayeen shirkoodii 2aad oo muddo dhaafay.Waxa shacabka Somaliland ee aan ka tirsanayn xisbiga UDUB ayaa dareemayay inuu ismaan dhaaf ka dhex jiro,shaki xooggana ka qabay habka shirka loo qaban doono iyo hanaanka loo soo xuli doono xubnaha ka qayb gelaya.Salkeeduna waxa loo arkaayay inay jirto rabitaan xubnaha xisbigu inay isbedel ku sameeyaan hogaanka,lana helo cid lagu bedelo gudoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa oo ah Madaxweynaha dalka iyo ku-xigeenkiisa.Fikirkan ayaa qaybta taagersan Madaxweyne Riyaale iyo ku-xigeenkiisa Yassin si xooggan uga soo horjeeday isbedel ku yimaada hogaanka xisbiga oo noqon doona murashaxiinta tartanka doorashada madaxtooyada uga qayb geli doona. Tani ayaa ragaadisay inuu shirku qabsoomo.

Markii xal loo waayay dhibtaa xisbul xaakimka ka dhex taagnayd ayaa kooxda uu hogaaminayay Madaxweyne Riyaale oo dabcan ah waaxda qaranka ee fulinta ayaa si xooggan u odorasay habkii iyo hanaankii ay kaga guulaysan lahaayeen garabka kale ee uu hogaaminayay Muj.Cabdillaahi Xuseen. Waxaanay degeen shaxda ah inay xubno badan ku casuumaan shirka 2aad,kuna soo xulaan habka 6da gobol balse ku salaysan hab-beeleed,iyo in la hubiyo taageerada xubnaha. Waanay ku adkaysteen inaanay dheg jalaq u siin garabkii ka soo horjeeday. Waxaanay karbaash uga dhigeen inay xubno xad dhaaf ah iyo weliba marti-sharaf tiro badan,ayagoo adeegsanaya ciidamada qaranka iyo boliska qaranka,dhamaana heegan geliyay,isna tubeen jidadka muhiimka ah ee caasimada dalka Somaliland Hargeysa iyo shirka oo ay ku qabsadeen Mansuur hotel,kuna wareejiyeen ciidanka qaranka. Sawirkaa oo ay ugu talo galeen si uu shacabka Somaliland ugu arkaan garabkoodu inuu shirka si sharci ah ugu qabsadeen. Waxaana ku dhamaaday sidii ay ugu talo galeen,laguna doortay Madaxweyne Riyaale iyo ku xigeenkiisa inay noqdaan musharaxiinta Xisbiga UDUB uga qayb geli doona tartanka doorashada Madaxtooyada.

Garabka kale ee ka dilaacay UDUB ayaa iyaguna shir kale ku qabsaday inkastoo hotel-da dawladu ay amar ku siisay inaan laga kirayn si uu shirkoodu u dhicisoobo.Balse waxay ku qabsadeen Deeq allaah sida warfaafintu sheegtay. Garabkan ayaa waqti cidhiidhi ah bilaabay ololahooda ay ku diidanyihiin habka iyo hanaanka lagu soo xulay xubnaha xisbiga oo ay u arkaan in la baal maray sharcigii xisbiga iyo distoorka dalkaba.

Dalka oo ay ka jiraan 3 xisbi qaran,3 gole qaran, ayaan jirin cid dhexdhexaadisa maadaama xisbiga UDUB yahay xisbul xaakimka,labada garabna mid uu hogaaminayo Madaxweyne Riyaale iyo golahiisa fulintu.
Waxa hadaba isweydiin leh maantana shacabka Somaliland ma ku dooran doonaa Riyaale indho isku qabad! Ma waxa shacabka shaki kaga jiraa inay nabadgelyada,xasiloonida iyo hab-socodka dimuqraadiyadu khalkhal geli doonaan hadii Madaxweyne Riyaale dib loo dooran waayo!

Markaynu u kuur galo siyaasadaha ku xeeran habsocodka maamul ee xisbul xaakimka,hanaanka shirarka labada garab u kala qabsadeen,xaaladaha murugsan ee 7da sanno dalku ku jiray miyaynaan odhan karin Madaxweyne Riyaale waxuu shacabka Somaliland u qaadayaa hees la yidhaa: Ma cid ayaa igu diidan cayaart-iyo cugashada hogaan inta aad xasiloonida iyo nabada dhawraysaan.

Hussein Badmah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: