Ma cid ayaa igu diidan cayaartiyo cugashada guud ee UDUB iyo qarankaba.

Ha ka yeelin nin kursi doonaaya in uu gurigaaga dumiyo.
Aslaama calaykum wa raxmatullaahi wa barakaatuhu.

waxaan salaamayaa cid kasta oo ka mid ah jamhuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan.

walaallayaal waxaynu la socannaa xaaladda uu haatan dalku maraayo, taas oo la filaayo in doorasho ka qabsoonta bilaha soo socda oo ku eg haddii aanay dib uga dhicin 29 March ee snnadkan aynu ku jirno kuna tartamayaan saddexda xisbi ee dalka ka jira ee kala ah ; UCID, KULMIYE iyo UDUB oo xubno dhawr ahi u tartamayaan hoggaanka waddanka shanta sannadood ee soo socda haddii ilaahay oggolaado.

haddaba haddii aan u gudbo nuxurka ama odhaahda qoraalkan, waxaa la ogyahay in qofka u ordaaya in uu kursi sare helo aanu lahayn dhego la qabto oo ay tahay nin meeli u caddahay meeli ka madow haddii aan lagu darin caqliga fayoow taas oo aynu odhan karno qofka kursiga doonaya waxa u muuqda oo keliya kursiga uu doonaayo waxaase ka madoobaan karta nabadda dhiigga badani ku soo daatay ama loo soo huray ee aynu dad badan oo qiima lahaa ku waynay (inkastoo ay qaar ka mid ah kuwii u soo halgamay waddanka ay hooyooyinkood dawarsanayaan) 

Markaas waxa la gudboon ummadda ama cidkasta oo ka tirsan Jamhuriyadda Somaliland markaan sidaas leeyahay waxa ka mid ah ciidanka qaranka bilayska hay,adaha nabadgelyada shacabka iyo masuuliyiinta fahansan xilka ay ummadda u hayaan ee loo dhariyay.
1 In ay ilaaliyaan nabadgelyada iyo sharafta dalka. 
2 In aan loo adeegsan wax kasta oo waddanka dhibaato u keeni kara kuna gacan saydhaan ciddii isku dayda arrintaas.

3 In ay ilaaliyaan midnimada oo adigoo xisbigaad xaq u aragto u codaynaaya haddana aanad ka hor iman xiabiyada kale ee jira.
4 in laysku waaniyo xisbiga xaq loo arko oo loo midoobo.
5 in saxaafaddu ay dhawraan sharafta iyo jiritaanka somaliland oo aanay baahin wixii dhibaato keeni kara iyagoo ammaannaya xisbiga ay xaq u arkaan iskana ilaalinaaya in ay kuwa kale sharaftooda wax u dhimaan una midoobaaya in ka hor tagaan wax kasta oo qarannimada wax yeelaaya ama dhaawac u gaysanaaya.
6 In ay cadawga il gaara ku hayaan oo aanay ku mashquulin doorashada, waayo waa xilliga uu cadwga ka faa,iidaysto.
7 In ay ilaahy lala kaashado rabitaanka waayo ilaahay ayaa og meesha khayrku ku jiro ee yaanay qabiilnimo ku qaadan.

Wa billaahi tawfiiq

deeq Cabdi Digale
UK

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: