KU DHAQANKA SHAREECADA ISLAAMKU WAA WAAJIB QOFKASTA SAARAN IN UU NAFTIISA KA BILAABO!!

KU DHAQANKA SHAREECADA ISLAAMKU WAA WAAJIB QOFKASTA SAARAN IN UU NAFTIISA KA BILAABO!! Marka hore waxa aan salaan hawada u marinayaa dhamaan bahda saxaafadda, marka xigtana akhristayaasha sharafta mudan. Intaa kadib, waxa waayadan danbe kusoo badanayay saaxada ummada Soomaaliyeed, Somaliland ha ahaato ama Soomaaliya’e in ay soo noqnoqoto in xukuumadaha jira markast loosoo jeediyo ku dhaqanka Shareecadda Islaam. Arintaasi waa wax sax ah, waxaase iswaydiin leh, ku dhaqanka shareecada Islaamka ma waxa laga sugayaa in uu ka yimaaddo uun xaga xukunka dawladeed? Haddii aanay dawladu dhaqan-galinse, qofka Muslimka ahi ma cudurdaar ayuu u haystaa in aanu ku dhaqmin waxa Shareecadu farayso? Waa maxay farqiga u dhexeeya “ku dhaqan” iyo “dhaqan-galin”? Marka aan isticmaalayo ereyga “KU DHAQAN” afka qalaadna lagu yidhaa “Obedience”, waxa aan uga jeedaa in la adeeco oo la raaco waxa sharcigu dhigayo oo ah in la sameeyo wixii uu farayo samayntiisa, lagana fogaado waxa uu sharcigu diido in lala yimaado. Ereyga “DHAQAN-GALIN” oo afka qalaad lagu yidhaa “Enforcement/Implementation”, waxa aan uga jeedaa in cidda u xilsaaran ay hirgaliso ku dhaqanka sharciga isla markaana ilaaliso in sharcigaasi sidii la rabay u fulay iyo inkale, dabcan ciddaa u xilsaaranina waa xukuumad ama hay’ad u gaar ah oo loo igmaday hawshaa. Haddaba, dad badan ayaa waxa aad moodaa in ay iskaga darsameen ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo dhaqan-galinteedii. Ku dhaqanka iyo dhaqan-galinta shareecadu waxa ay leeyihiin marxalado kala duwan oo u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho, waana sidan hoos ku qoran: 1. ku dhaqan shakhsiyeed (Individual Obedience) Waxa qof kasta oo Muslim ah waajib ku ah in uu raaco waxa ay farayso Shareecada Islaamku isla markaana ka hadho wixii loo diiday la imaatinkiisa. Arintan ayaa iyada qudheedu waxa ay koobsanaysaa in qofku marka uu ka adkaado naftiisa uu u gudbo qoyskiisa ama ehelkiisa iskuna dayo sidii uu uga dhaadhicin lahaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Taas ayaa ah wadada ku hagaysa in la helo mujtamaca oo dhan oo ku dhaqmaya Shareecadii Islaamka.  2. ku dhaqan wada jir ah (Collective Obedience) Arintan ayaa ka bilaabmaysa qoyska wada jooga oo ku dhaqma Shareecada Islaamka, kadib ay gaadhsiiyaan dadka ay jaarka yihiin, kadib inta isku magaalo ahi is farto wanaagga iskana reebto xumaanta. Arintan ayaa muhiimaddeeda leh keenaysana in bulshadaa meesha ku wada nooli helaan nolol fiican Ilaahayna raali ka yahay. Waxaase xasuus mudan in dadka caadiga ah aanay xaq u lahayn in ay xoog ku dhaqan-galiyaan Shareecada Islaamka waayo, Islaamku waa nidaam dhamaystiran oo ka kooban Diin iyo Dawlad, qof ama koox gaar ahi xaq uma laha in ay xoog ku muquuniyaan ku dhaqanka Shareecadda iyada oo aan loo igmanin, ama aanay awood u lahayn, ama ay ka dhalankarto mafsado ka culusi. 3. Ku dhaqanka iyo Dhaqan-galinta Maamulka (Executive Obedience and Enforcement of Shariah/Islamic Law) Arintan ayaa muhiimadeeda leh. Wadanka Muslimka ah cidda ka talinaysa ayaa ay shaqadeeda tahay dhaqan-galinta Shareecadu waana waajib saaran. Dadka ayaa looga baahanyahay in ay kula xisaabtamaan dhaqan-galinta Shareecada hadii gaabis lagu arko. Marka aynu u noqono habka dawladeed ee casriga ah ayaa waxa loo qaybiyaa saddex qaybood oo kala ah, xukuumadda oo ah golaha fulinta (Executive), baarlamaan oo ah cidda ku shaqo leh sharci-dajin (Legislative) iyo garsoor (Judiciary). Iyada oo aanan hadda halkan kaga doodahayn in qaybahani ay waafaqsanyihiin aragtida Islaamiga ah ayaa waxa aan uga danleeyahay uun qaybta fulinta oo shaqadeedu tahay in ay ilaaliso dhaqangalka Shareecada iyo tallaabo ka qaadista ciddii khilaafta. 4. Garsoor (Judiciary) Hay’adda garsoorka ayaa ka mid ah cidda looga baahanyahay in ay ka qaybqaadato dhaqan-galinta Shareecadda Islaamka. Dhamaan arimaha dacwadeed ee loo soo gudbiyo hay’adda garsoorka ayaa waxa waajib ku ah in ay go’aankeeda waafajiso sida ay dhigayso Shareecadda Islaamku taas oo ku dhisan cadaalad, sinaan iyo in qofkasta xaqiisa loosoo celiyo. Qofka qaadiga ah ayaa looga baahan yahay in uu aqoon fiican u leeyahay Shareecadda Islaamka dhinac walba, haddiise taa la waayo waxa daruuri ah in uu aqoon gaar ah u leeyahay dacwada uu rabo in uu go’aan kasoo saaro. Haddaba aniga oo ku kaaftoomaya ereyadaa kooban een kor kusoo sheegay ayaa waxa habboon maadaama Soomaalidu tahay dad Muslim ah in aanay ilaawin in qofkasta uu naftiisa ka bilaabo oo wixii Allah faray sameeyo wixii uu ka reebayna ka fogaado, waxaana hubaal ah haddii taas la helo in xukunka dalkuna hagaagayo, haddiise qofku naftiisa hilmaamo aanay suuro gal ahayn in xukuumadu dhaqan-galiso Shareeco Islaam. Waxa qof walba marka hore looga baahanyahay in uu la yimaado daacadnimo iyo in uu Ilaahay dartiis wax kasta u sameeyo oo aanu eegin maslaxo gaar ah ama cid gaar ah oo kale maslaxadeed. Waxa kale oo muhiim ah sida muuqata in si burbur iyo fitno loo kiciyo aan Diinta Islaamka gabood laga dhigan, taas oo keeni karta in Islaamka fikir qaldan laga fahmo dadka Muslimiinta ahina ku kala fogaadaan. Wa billahi tawfiiq. C/raxmaan Xasan Nuur Islamabad, Pakistan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: