KALA DOORO MAALIN AAD QOSOSHO 5 SANADOOD DAR ILAAHAY WAX KU DOORATO OO AAN LAGU DAGIN

KALA DOORO MAALIN AAD QOSOSHO 5 SANADOOD DAR ILAAHAY WAX KU DOORATO OO AAN LAGU DAGIN

Walaalayaa waxa jirta oo la filayaa in ay doorasho ka qabsoonto jamhuriyadda Somaliland bilaha soo socda oo haddii aanay dib uga dhicin ku eg 29 march ee sannadkan waxaad ogtihiin in ay u tartamayaan hoggaanka waddanka saddexda xisbi qaran UCID,Kulmiye,iyo UDUB oo mid walba nin la garanayaa hormood u yahay una sharraxanyahay in u madaxwayne u noqdo Somaliland shanta sannadood ee soo socda haddii ilaahay oggolaado,

Haddaba waxa hore innoo soo maray doorashooyin kala duwan oo ya shacabku rayigooda ku doorteen waana la wada garanayaa taariikhdana way ku qorantahay marxaladihii uu waddanku soo maray, shacabkuna way u bislaadeen waayo,aragnimo badanna way u leeyihiin xilliyadii kala duwanaa ee la soo maray.

markaas Haddii aan u dhaadhaco nuxurka ama ujeeddada qoraalkan waxay haystaan ummadda somaliland wakhti aad u qaali ah oo loo baahanyahay in ay ka faa,iidaystaan iyaga oo dib u eegaaya dabeylihii is bedbeddelaayay ee la soo maray, taas oo ay daruuri tahay in ay doortaan ciddii ay hogaanka waddankooda ku aammini lahaayeen, iyaga oo ku dooranaaya sifaha uu qofku leeyahay ee ah in uu waddani yahay, diinta islaamka ku wanaagsan yahay, shacabka dhexdhexaad u yahay,aqoon dheer leeyahay,dibna u eegaaya taariikhdiisii hore iyo wixii laga dhaxlay,

laakiin waa in aanad ku raacin qabiil ama aargoosi taasina adiga ayay dib kuugu soo noqonaysaa, sida la ogyahay waxa jira olole lagu soo kala jiidanaayo shacabka oo la doonaayao in maalin afka laguu buuxiyo shanta sannaddood ee soo socodana aad ku jirto qoomomo, markaas ku dooro caqligaaga ee waad baahantahay looma bahalo cuno, baahida waxaa lagaga baxaa aqoon caafimaad qabta oo la isticmaalo, ogoow haddaad qabiil ama eex ku raacdo qofka aad dooranayso waxaad ku jirtaa dagaal taasna faa,iido waa laga gaadhi waayay, diinteennu way oggoshay in ay dadku qabaa,il ka koobnaadaan oo ay isku gartaan laakiin lama oggola in aad ficil ahaan u adeegsato adiga oo dhinac u xaglinaaya dhinacna iska riixaaya markaas lama oggola inaad cidna gaar u riixdo haddii aanay diinta islaamka ka soo horjeedin, waxaa kale oo diinteennu inna faraysaa in aanad qof muslim ah saddex maalmood wax ka badan xumaan caloosha ugu haynin, markaas waxaa loo baahanyahay in uu qofku waddani ahaado waddanina doorto.Waxaa lama huraan ah in la ilaaliyo nabadda waayo haddii aanay taasi jirin doorashana ma jiri doonto.

Somaliland waa mid shacabkeeduna waa walaalo.

Wa billaahi tawfiiq

Deeq Cabdi Digale

UK

kala dooro maalin aad qososho shan sannadood oo dambena ku jirto qoomomo iyo in aad dar ilaahay wax ku doorato oo aan lagu dagin.


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: