JAWAAB DABA SOCOTA MAQAALKII QUURSIGU WAA QALAD LAAKIIN WAX LAGU MUTAYSTO AYAA JIRAA

JAWAAB DABA SOCOTA MAQAALKII QUURSIGU WAA QALAD LAAKIIN WAX LAGU MUTAYSTO AYAA JIRAA

JAWAAB DABA SOCOTA MAQAALKII QUURSIGU WAA QALAD LAAKIIN WAX LAGU MUTAYSTO AYAA JIRAA

MARKA UGU HOREYSA WAXAN SALAAN XUSHMO & SHARAFI KU DHEEHANTAHEY U DIRAYAA DHAMAAN SHAQAALAHA WEBSETKA ,GAAR AHAN
MAMULKA SHABAKADA ,MARLABAAD WAXAAN SALAAN XUSHMAD & SHARAFLEH U DIRAYAA DHAMAAN AKHRISYAYAASHA SHARAFTA & QIIMAHA BADAN ,

INTAAS KA DIIB,WAXAAN RABAA INAN WAXYAR KA DHIIBTO RAYIGA AMA ARAGTIDA WALALKEYGA IIGA SOO JAWABEY ,MAQAALKEYGII CIWANKIISU AHA ,( MAXAAN KU MUTEYSTEY HEYB -SOOCA?)EE DOOD FURUN AHAA , AKHRISTAHAAS OO RAYIGIISA KU SOO QOREY MAQAALAKAN CIWAANKIISU YAHEY ,
(QUURSIGU WAA QALAD ,LAAKIIN WAX LAGU MUTEYSTO AYAA JIRA )QALINKII ,JIBRIIL IBRAHIIM ,

MARKA HORE WALALKEY JIBRIIL , WAXAA UU INOO QIREY RAYIGIISA INUU ,QUURSIGU QALAD YAHEY ,LAAKIIN WAX LAGU MUTEYSTAA AY JIRTO ,WAXAA UU INOO SHEEGEY WAX YAABAHAS LAGU MUTEYSTO QUURSIGA , BEESHAN GABOOYE INEY LEEH YIHIIN WAX YAABAHAS XUN XUNA AY KA MID YIHIIN
=1=DABEECAD XUMO , AY QOOMIYADA DHAMI KA SIMAN YIHIIN ,
=2= DIIN XUMAN , & INAANEYBA DIINTA AQOON U LAHEYN ,
=3=SHAQADOODA OO AH SHAQOOYINKA DADKU KABA FAANAN ,
saddexdaas masalana ay umada dhami kaba simanyihiin .

HADABA ,AAN KU HOREEYO XAGA ,DABEECADA XUMANTA ,UU NAGU SHEEGEY KUNA MUTEYSANEY QUURSIGA , DABEECAD XUMANTA WAXAAN FILAYA RUN AHANTII INEY BULSHA WALIBA LEEHDAHEY QOF DABEECAD XUN AMA DHAQAN XUN ,BALSE AANEY UMAD DHANI INEY YEELA TO DABEECAD XUMAAN ,AMA LAGU SIFEEYO UMAD DHAN OO WAX IS DHAAMABA JIRIN ,WAXAAN FILAYAA INEYTAHEY ,GAF & MEEL KA DHAC WEYN ,WAXAASE GARANAYA GAFKA & XUMAANTA WAXEY DANBI LEHDAHEY QOFK A OG, WAANA NINKA ALLAH ST YAQAAN,

TAN SHAQADA AAD SHEEGEYSO INEY KA SHAQEEYAAN SHAQOOYIN LAGA FAANO ,WAXAN U ARKAA INAAN AHEY NIN AAD AMAANNNEYSO SABAB TOO AH SAAXIIB IGU MAAD SHEEGIN INAAN AHEY ,QOF MA SHAQEYSTE AH OO KUDABA NOOL QOF BINI AADAMA ,AMA DAWARSI KUNOOL ,AMA SHAXAAD JEEB KALE , KUNA MUTEYSTEY QUURSIGA ,BALSE WAXAAN KUU SHEEGAYA SAAXIIB ,SHAQO INAANEY CEEB LAHEYN EE AY CEEB TAHEY ,MA SHAQEYSTENIMADU & DAWARSIGU & SHAXAADKU CEEBYAHEY, LAAAKIIN NINKII SHAQEYTAA SHARAF MUDANYAHEY ,

=DIIN XUMAAN . AMA DIINTA OO NAGU YAR ,WAXAAN U MALEYNAYA AMA XAQIIQDU TAHEY MALAHA SAAXIIB ,JIBRIILOW ,DIINTA AAD SHEGEYSA MAHAN TEENA ISLAAMKAA EE WAA MID KALE ,SABABTOO AH ,ANAGA HADAANU NAHEY BEESHA GABOOYE INTAANU KA NAQAANO INAANAD KA AQOON ADIGA & WIXII FIKIRKAAS KULA QABA ,SABABTOO AH WAXAAN KUUGU CADEYNAYA MARKA HORE DIINTU UMA BAAHNA IN AFKA LAGA SHEEGTO OO LA YIRAHDO DIIN BAAN AQAANA AMA REER HEBEL LAGU FAANIYO INEY DIINTA WADA YAQAANAN ,

, HADABA DIINTA QOFKA KU FAANI KARAA AM A CID UGU FAANI KARAA WAKEE ? TANKALE DIINTA QOFKA HEYSTAA MAXEY FAA IIDO U TAHEY HADANU KU DHAQMEYN XAQA ALLAH ? INTAASI WAA IGA SU AAL ,

DIINTA ISLAAMKU MAAHAN MID AFKA LAGAG SHEEGTO EE WAA MID KU WAAJIBA QOFKA ISLAAMKU INUU KU DHAQMO SHARCIGA & DHAQANKA ISLAMKA OO AH MID KA REEBAYA WIXII XAARAAN AH EE AANU U BANEYNIN ,ALLAH ST. KUNA DHAQMAYA WIXII LOO FASAXEY AMA DIINTU U BANEYSEY ,
DIINTA ISLAAMKU WAA MIDA QOFKA BINI AADAMKA KU BARBARISA ,ANSHAXA ADEBTA & ASLUUBTA WANAGSAN & DHAQANKA ISLAMKA ,KUNA HAGTA DARIIQA TOOSAN EE SAX DA AH EE UU RABIGEEN INOO SHEEGEY ,SHAREECADA DIINTA ISLAAMKU WAA MID KU DHAQANKEEDA U BAAHAN OO & ANSHAXEEDABA , WAA INUU QOFKU NOQDAA MID U GO AY ADEECISTA ALLAH ,ST. WAA MID RUMEEYEY QOOLKA ALLAH ,ST,WAA MID AY XAARAAN KA TAHEY ,FUSUQA ,DILKA ,DHACA AMA BOOBKA , DULMIGA ,QUURSIGA ,QABIIL KU FAANIS ISLA WEYNAAN , KIBIRKA , YASIDA , CEEBEYTA & FADEEXADA ,KU DHAQANKA DHAQANADA & CADOOYINKA XUN XUN & WLM,

HADABA AKHRISTOOW MIYAANEY AHEYN ,KUWA DULMAN EE BEELAHA GABOOYE KUWA,DHAQANKA SUUBAN EE SHARECADA ISLAAMKA KUWA KU DHAQMAYA , EE KU SHAQAYSATA XOOGODA XALASHA CUNA , AMA RAYIIS AY TIMO JARAAN HA NOQOTO AMA KABO AY TOLAAN HA NOQOTEE, ,AYNA XAARAAN KA TAHEY , XOOLA BINI AADAM , DHIIGA BINI AADAMKU , DHACA XOOLO BINI AADAM , KUWA AY ADOOMADA ,ALLAH,ST,AY KA NABAD GALEN & XAQA ALLAH,ST. KUWA KU TAAGANI MIYANEY AHEYD , KU WAASI MA WAXEY MUTEYSTEEN ,KUWA XAAARAANTA KA SOOMEY , IN LA YIRAAHDO WEY DABEEECAd XUNYIHIIN AMA LAGU TILMAMO DIIN XUMO , SUBXAANALAH,

SAAXIIB JIBRIILOW HADEY DAD DIIN XUUN ,AMA NAGU YARTEY A QOONTA DIINTU , SOW MAANU NOQONEEN KUWA LAMIDA SIDA SOOMALIDA ,WAX DHACAAYA EE QORIGA WAX KU DILAYA EE AADOMADA ALAH KA AMAAN LAAYIHIIN ,EE DULMIGA & XUMAANTA WADA ,

TANKALE SAAXIIB ,

BALAAN KULA SII YARA KAFTAMEE ,BOQOLKA NIN EE AAD LEEHDAHEY SAAXIIB AYAAN LA AHEY , DEE MALAHA ,20 SANO EE U DANBEEYEY DADKUBA WAA WADA GABOYE & MIDGO OO WAABA LEYSKU DHIIBAYE MALAHA ,SAAXIIBADA MIDKAAD SHEEGTEY EE AAD TIRI NIN QURAA WAX KA YAQAAN DIINTA KAASABA DHAB AHAN GABOOYE AH EE ,99, WAA KUWA ISKU DHIIBEY GABOOYE NIMADA WEEYAANE ,BAL SAAXIIB JIBRIILOW DIB U SOO HUBSO ,99 ,SAAXIBADA KKKKKKKKK,

TANKALE JIBRIILOW SAAXIIB DEE WAAD NAGU GAFTEY MEEL KA DHACNA WEEYAAN QOOMIYAD DHAN OO AAN IS DHAMIN XAG DABEECAD XUMO & XAG DIIN XUMO EE BAL ILAAHEY U NOQO ,ISKANA DAA GAFKA ,CEEBEYNTA AAD NA CEEBEYNEYSA & DULMIGA AAD UMAD DHAN DIIN XUMAN KU SHEEGTEYNA WAA MID ALLAH ST , KAALA XISAABTAMAYO WAXAANAD AKHRISATAA QOOLKA ALEH EE HOOS KU QORAN ,

Yasida & Is ceebaynta waa layska Reebay

Allaah Subxaana Watacaala isagoo ka hadlaaya Qabiilka, is-xaqirida, is-ceebeynta iyo Naanneysaha layskugu yeedho wuxuu yiri:

“Kuwa xaqa rumeeyow Qolana yeyna qolo yasin inay ka khayr badanyihiin baa laga yaabaaye, Ragna Rag (kale) yuuna yasin waxay u dhawdahay inuu kaa khayr badanyahaye, Haweenayna yayna Haweenay yasin waxay u dhawdahay inay ka khar badanyahaye, Hana ceebeynina Naftiina, Hana isugu dhawaaqina naanays xun, Waxaa xun magaca Faasiqnimda iimaan kadib, ciddaan towbad keeninna waa Daallimiin”. (Al-Xujuraat:11

MAQAALKA HOOSENA WAA KAAN KA JAWABAYO ,

QUUDHSIGU WA KHALAD LAAKIN WAX LAGU MUTAYSTO AYAA JIRA by Jibriil Ibraahim

waxaan salaan qaaliya gaadhsiinayaa dhamaan hawl wadeenada shabakada hadhwanaag inta ka dib waxan donayaa inaan erayo kooban ka idhaahdo maqaal aad iyo aad uqiimo badnaa oo uu so qoray walaalkeen barkhad xaaji cabdi MR GABOOYE, dunida dadka kunooli gaalo iyo muslinba waxay ka siman yihiin in takoorka iyo haybsoocu uu xaqdaro iyo gafyahay laakin waxaa jirta waxyaalo aan indhaha laga qarsan karin oo ubaahan in si dhaba loo fahmo kuwaas oo ah in qofku ama qoomiyaduba ay siday tahay dadka kale ula dhaqmayaan matalan qofka hadi xumaan lagu arko dadku way ku sheegayaan wayna ku takoori karaan waxaa ayaan daraa in qabiil ama qoomiyad dhami ay ka sinaato dabeecado xun xun sida diin xumo oo anigu mr gabooyaw been kuuma sheegine dhawr boqol oo raga oo gabooye ah ayaan aqaan nin qudha ayaan arkay wax diinta ku wanaagsan halkaas waxaad ka dareemi kartaa in din xumo ay reerkaasu ka simanyihiin intooda badani taasuna ay tahay arin yaablehi
mida kale qofka aadama ahi ama hala yaso ama hala takooree waxaa ku waajib inuu isagu wanaag ku caan baxo oo uu sharaftiisa iyo karaamadiisa ilaasho waxaa ayaan daro ah in wax kastoo dadka somaaliyeed ka faanaan ay reerkasu sameeyaan taasuna aniga ra yigayga wa khalad oo dadka meel kugula noli waxay ka faanaan maha inaad samayso taasuna wa sabab kale oo kamida waxyaalaha kalifay takoorka
waxaa kaloo iyana jira oo aad arkaysaa dhamaan dhalinta reerku inaanay kuba jirin han iyo ficil toona war nin yahaw xataa inankooda aqoonta ku wacani labada biloodee fasaxa ayuu tolkii la shaqaynayaa iskuulkii diba ugu soo noqon maayo maalinta danbe ayaad arkaysaa isagoo ama rayiisle noqday ama biro shiilaaya ama kab iyo musbaar dubaha shiishka usaaray
mr gabooye waxaan anigu ra`yi ahaan odhan lahaa reerka iyagaa looga baahan yahay inay damiirkooda nooleeyaan oo aanay niyadooda galin hadalada gafafka xun xun ee ka dhacaaya hareerahooda oo ay la ficil tamaan lana tartamaan dadyawga kale waxaan kalo kuusheegayaa inta reerku ka aradan yahay diinta,aqoonta maadigaa,tirada,ganacsiga iwm aanay suuroobayn in la gaaro marxadal sinaanshiiyo ah laakin hadii intaaba aad gaadho waxaad arki doontaa adigoo dadka ugu sareeye oo inantaadu dahab iyo luul tahay markaa wa in reerku wax kastoo wanaagsan dadka kala mid noqdaan , dhamaan nooluhu waxa uu ka siman yahay dan bursi markaa hadii faa´iidadaadu yartahay dadka waad ugu danbaysaa.
waxaan aad iyo aad uga xumahay in xumanta intaa leegi idinsoo gadho waxana aan ilaahay ka rajaynayaa in lagaadho marxalad sinaan shiiyo,

WIXII FIKIRA EE KALENA WAXEY U TAAA AKHRISTAHA SHARAFTA BADAN ,

WABILAAHI TOWFIIQ,

QORE (BARKHAD XAAJI CABDI ,MR GABOYE)
ONTARIO CANADA ,

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: