HORAA LOO YIDHI CAY IYO COLAADNA WAXBA KAAGA MA TARTO NABADNA WAY KAA KAXAYSAA

HORAA LOO YIDHI CAY IYO COLAADNA WAXBA KAAGA MA TARTO NABADNA WAY KAA KAXAYSAA
Waxaan salaam u tebinayaa shacabka Somaliland meel ay joogaanba, 

Saxaafaddu nolosha aadanaha waxay kaga jirata meel noqotay lagama maarmaan, saxaafaddu waxay dadku ka helaan, aqoon cilmiyeed ,aqoon diimeed, wacyi gelin, hagid, hoggaamin,aqoon iswaydaarsi,,war, suugaan ,madadaalo,xayeysiis, waxaa kale oo garab socda, oo mowjadaha saxaafadda dhex dabaalanaya , dad saxafiyiin sheeganaya oo had jeer dhinaca xun ka doona magac, soo caan bixid (shuhra ), dadkaa waxaa ka mid ah dad aan fiyoobayn oo marka aad akhridid dulucda maqaalada ay qorayaan aad arkaysid in dadkaasi xanuunsanayaan oo ay u baahan yihiin cid u gurmata, xanuunkan aan ee sheegayaa waa xanuun ah nafsadda , dadka nafsadda ka xanuunsanayaa aad bay mujtamaca ugu badan yihiin, xanuunada ku dhaca nafsadu waxay ka xun yihiin kuwa ku dhaca jirdhka,waayo xanuunka jidhka ku dhaca si howl yar baa loo daweyn karaa laakiin xannuunada ku dhaca nafasaddu way adag tahay sida loo daweeyo. Calaamadaha lagu garto qofka niyadda ka xanuunsanaya waxaa ka mid ah, markuu hadlo ama wax qoro ee uu ra’yigiisa cabiro, hadalkiisa waxaa markiiba diidaya maskaxda aan bukin ee caafimaadka qabta.

Haddii aan hoos ugu dego dulucda maqaalkaygan oo isugu jira iftiimin aan mujtamaca u iftiiminayo in ninka la magac baxay dhiridhabe oo in badan waxyaabaha uu qoro aan akhrisanayey,markii aan ninkaa qiimeeyey wixii u qorayey mudada dheer, oo aan ka midka ahaa akhrisataasha saxaafadda uu wax ku qoro, waxaan hoosta xariiqay inaanu walaalkeen foyoobayn oo aanu ka madhanay cudurada ku dhaca nafsadda.

Cudurada nafsadda qofka kaga dhaca siyaabayaha ay nolosha dhibanaha u saameeyaan waxaa ka mid ah , in uu qofku cid cuqdad ka qaado oo cuqdadaasina isu beddesho nacayb fog, oo aan la maarayn Karin, taasina waxay dhaxalsiisaa inuu qofkii nacaybkii ama cuqdadii uu caloosha ku hasytey qarsan kari waayo oo cabbiuo dareenkisa oo mujtamaca u sheego,isagoo dareenkiisa ku cabiraya qoraal ama suugaan, iwm.Marka uu iska sii daayo neefta uurka kaga wareegaysa waxuu dareemaa raaxo, sidaa daraadeed, dadkaasi marka ay saxaafadda dhex dabaashaan waxay sababaan ina mujtamaca kala dilaan, oo ay abuuraan fitnad u dhexaysa Ciddii uu ka soo jeeday saxafigii bukaansocodka ahaa iyo mujtacii uu durayey. 

Dirirdhabe oo aan qabo inuu ka mid yahay dadka aan kor ku xusay ee bukaansocodka ah ee u baahan in loo gurmado oo la daweeyo, waayo cilmigu wuxuu ka gaadhay hurmar fiican xagga daaweynta dadka nafsasdda ka buka. 

Dirir dabe oo ilaahay necbaysiiey Halyey ka mid ah halyeyda ay Somaliland leedahay haddii aan lays xaqirayn oo ah Mujaahid: Axmed Moxamed Siilaanyo, oo aan u arko nin nasiib darran waayo haddii uu ka dhalan lahaa mujtac kale waxaan qabaa in aan Dirirdhabe oo kale xag-xagteen ee loo dhisi lahaa taallo isagoo nool. Mr. Dirirdhabe, Nacaybkii Siilaanyo wuu la sii durkay oo wuxuu gaadhsiiyey inuu beeshii uu Siilaanyo ka dhashayna naco, oo uu u quudhi waayey inay beeshaasi shirto oo ay danaheeda iyo ta Somalilandba ka shirto oo ay wanaag ku dhammaysto, maskadax fiyoobi wanaagga kama diddo, maskaxda fiyoobi ma nacdo mujtamc iska dhan oo cid waliba ku jirto. Maskaxda fiyoobi kama sheekayso waxaanu xaq u lahayn, laba nin oo ilmaadeer ahi haddii ay is qabtaan oo ay heshiiyaan Dirirdhabow maxaad uga hinaastay? Dantaadu ma waxay ku jirtaa in ay saleebaan iyo siilaanyo col ahaadaan? Dirirdhabow beesha Bariga burco waa gef, Beesha aan far waaweyn kuugu dhigee waa WAA HABAR JECLO magaceeda lama maldaho ,iyana waxba ma maldahado ee badheekah ayey taqaan ,.nacaybka aad habar jeclo u haysaa inaadeer adiguu niyadda kaa kharibayaa, oo salaadda kaa kharibiyaa!! Mid beesha wax yeelaya maaha, rag kaa xiniinyo buurbuuran ayaa beeshan ka huleelay ee inaadeer waxba waqti ha iskaga lumin .Horaa loo yidhi Cayi Colaadna waxba kaagaa tarto nabadna way kaa kaxaysaa. Diridhabow, Siilaanyo waa guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee madaweyne ma aha , xisbiga kulmiyena habarjeclo ma laha dadkana kama xigto ee ilaahay ha kuu sheego, Salaabeena waa habarjeclo shirguddoonkana wuu geyaa ee allaa ha kuu sheego. Waxaaanse ka xishoonayaa inaan kuu tiriyo Xilalka Subeer awal qaranka u hayo, oo haddii aan sidaa kuula hadlo waxaynu noqonaynaa laba nin oo aan is dhaamin laakiin, waxaan ku leeyahay h/jeclo way ka sareysaa inay sidaa u fekerto, jagooyinka aad sheegtayna inaadeer adigay wax kula yihiin, haddii arrinku jogooyin tahay Somaliland maaanta Sidan ay tahay may ahaateene Alla ha ku fahansiiyo.

Waxaase la yaab leh Dirirdhabow beel kasto oo Somaliland ahiba xaq bay u leeday inay shiraan oo horeyna way u shireen reerkiinu ha ugu danbeeyeene, oo cid madaxweyne riyaale reer ahaan ku qaabilay reerkiina ayaa ugu danbeeyey, inaadeer maxaa shirka Gar-adag laydhka ku xidhay? Maxaase adiga ku dhex geliyey? Horta Gar adga meel ay ku taallaba maad arag, mana filayo inaad dagaalkii faqashta ka hor maqashay? 

Waxaan ugu baaqayaa inta dirirdhabe meel la joogta ee garanaysa ee ka naxaysa inay u gurmadaan, oo ay walaalkeen dhakhtarka geeyaan oo ay kula taliyaan inuu is daweeyo.

Inaadeer waanu kuu soo ducaynaynaa inuu ku tuso cadowga Somaliland.

Siciid Yusuf Cartan.
Doha-Qatar.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: