HOOYADA IYO U SAMO-FALIDEEDA

HOOYADA IYO U SAMO-FALIDEEDA
Marka horre ilaahey ayey u sugnaatey mahd oo idil ,kaas oo biniaadamka ka abuurey naf qudha ,
Intaas ka dib waxaan shaki ku jirin qiimaha iyo kaalinta wax ku oolka ah ee ay hooyadu ku leedahey bulshada iyo umada dhexdeeda; kaas oo dhamaana qeybaha nolosha biniaadamka saameyn ku leh,
Hadaba , qiimaha hooyadda leedahye kuma soo koobi karno maqaal iyo waliba maqaalo kale oo faro badan , ilaahey subxaana watacaalaaye kitaabkiisa quraanka kariimka ah meelo badan ayuu kaga hooyadda iyo dhibaatadda ay la soo marto ubadka, 
Aayada 15Aad ee suurada AL-AXQAAF ilaahey wuxuu u yidhi : ( Waxaan kula dardaaraney biniaadamka labadiisa waalid u samo falid waxey u qaadey hooyadu ilmaha si dhib ah una dhigtey si dhib ah waxey ku sidey uurka nuujineyseyna soddon sanno ……… ) Al Aayah
Sidoo kale rasuulkeenii subanaa ( naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee) ayuu maalin asxaabi weydiiyey cid ka mudan in uu u samo falo , rasuulkuna waxaa uu ugu jawabey HOOYADA , mar labaad ayuu ku celiyey , rasuulkuna ugu jawaabey HOOYADA , mar sadexaad ayuu hada weydiyye suaalshii ook lae rasuulkuna ugu jawabey HOOYADA , mar afraadkii ayuu rasuulku AABAHA ugu jawaabey cida mudan in loo samo falo . 
Halkaaa waxey ka fahmeynaa xaqa hooyada iyo inta uu leeg yahey , 
Hadeynu ka hadlano hooyada iyo dhibaatada ay la soo martey ubadkeeda xilliyadda kalduwan taas oo mar marka qaarkood nafteeda halis gasho ; waxaa ka mid ah inta ay hooyadu ilmaheeda uurka ku sido , iyo waliba xilliga ay hooyadu ku jirta foosha , taas oo qofkii caqli leh ugu filan wax ku qaadasho , intaas waxaa dheer wakhtiga dheer ee ay hooyadu u hurto ababinta iyo korinta ilmaheeda , 
Waxaa kale oo la ilaabi Karin sidey hooyadu u garab tagantahey marka qof ku biniaadamku qaan gadho ee uu ka hoos baxo , oo ay ka war heyso xaaladiisa oo hadii uu faraxsan yahey ay la faraxsan tahey haduu uu murugoonayo iyo haduu bukana ay u tahey boholyoe iyo seexan waa , sida uu hadraawi ku tilmaamey gabeygisi ANUUNBAA HOOYADAA AH ee uu ku lahaa
Calooshu intay ku hoysey
Hiyigu ku baxnaaninaayey
Horraadka intaad jaqaysey
Dhabtaydu intay ku haysey
Intaad huwanayd taftayda
Hobeeya hobey hobeyda
Intaan dusha kuugu heesay
Intaan hanad kuugu yeedhay
Hawraaraha kugu ammaanay
Intaan hubin kuu xambaaray
Dartaa u hoggaansanaaday
Hadhuubada aan ku siiyey
Habniin adigoo ku diidey
Intaan hambo kuu daboolay
Hammuun iyo gaajo qaatay
Adoo haqab-beel ku seexday
Intaan hurdo kuu illaaway
Ilaashay hareerahaaga
Hungaa i xasuusinaysa

Cawaaqibka caasinimadda waalidka
Qof bini aadmka ah waxaa waajib ku ah in uu adeeco una samo falolabadiisa waalid gaar ahaa hooyada , sida ayna farayaan aayado badan oo quraanka kariimka ah iyo axaadiis ka suganatey nabi maex (N.N.K.H) ,
Waxaa hoog u sugnaadey kuwa dayaca waalidka gaar ahaan hooyada ee ka gaabiya garashada iyo gudashada xaqa iyo xuquuqda walidka ,maxa yeeley amar kasta oo uu ilaahey ina faro hadii sidiisa loooga soo bixi waayo waxaa ka dhasha cawaaqib xun , u samo falida waalidku waxaa uu ka mid yahey amarada ugu waaweyn waxaanu uu labeeya oo uu ku xigaa in marka horre ilaahey la caabudo oo aan loo shariik yeelin ,
Hadaba cawaaqibka ka dhalan kara caasinimaada walidka waxaa waxaa ka dhalan kara in qofku la kulmo malainta qiyamae ciqaab iyo cawaaqib faro badan oo uu la kulmo inta uu ifka joogo qofku waxaa uu qaadanaya habaar waali kaasoo qof caqli leh ku abuurta murugo uu ka murugoodo caasinimadiisii ,
Isadoo kale caasinimadawalidku waxey ka mid tahye shanta danbi ee ugu waaweyn dunuubta,

TALO:
Qofka muslimka ah ee ilaahey ubad siiyo waxaa waajib ku ah in uu ubadkiisa ula dhaqmo si wanaagsan si uu uga helo mustaqbalka ubadkiisa samo fal hagaajiyana tarbiyaddoda iyo akhlaadooda
Hana ogaado qof walba sida uu ku yahey waalidkii in uu ku noqon doonaan ubadkiisu una geysan doonaa dhib kasta oo uu u geystey waalidkii,
U samo falida walaidku kuna eeka oo qudha ifka inta la joogo se waxyaabah qofka biniaadamkaa hadii uu dhinto uu camalkisau soconayo waxaa ka mid ah walid ama ilmo saalix ah oo u soo duceeya oo uu ifka kaga tagey
Guntii iyo gabo gabadii qof walibboba hos ueeg kuna dadaal u samo falida waalidkaa gaar ahaan hooyadaa ogowna raali ahansha ilaahey iyo janadiisuba in ay hoos yalaan waalidkaa

Ilaahey sida xaqa ah ha ina waafajiyo 

WABILAAH TAWFIIQ

Fuaad Cabdi Salaam Xasan Xaaji
Alzeim Alazhari university 
Public and Environmental Health
khartoum
Sudan 
National04@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: