HANTI-BOOBKA DADWAYNAHA HARGEYSA LOO GAYSTAY MAXAA XUKUUMADA KALA GUDBOON? By Maxamed Haaruun…

HANTI-BOOBKA DADWAYNAHA HARGEYSA LOO GAYSTAY MAXAA XUKUUMADA KALA GUDBOON? By Maxamed Haaruun…
HANTI-BOOBKA DADWAYNAHA HARGEYSA LOO GAYSTAY MAXAA XUKUUMADA KALA GUDBOON? By Maxamed Haaruun…

“Imisaa kaa maqan… Adigana imisaa kaa maqan?” iyo “Yaa kaa qabtay adiga?”, iyo “Mudo intee leeg baad ku jirtay?”, iyo “Wax ma kaaga soo noqdeen hantidaadii?” Su’aalahaas iyo kuwo badan oo aan ka fogayn ayaa ahaa kuwa ugu badan ee dadka ku dhaqan magaalada Hargeysa oo uu boob baahsan oo lagu dhacay hantida dad tiro badan ay is waydiinayaan!

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaaya gudaha casimada Somaliland ee Hargeysa, waxa halkaasi ka dhacay fal-dambiyeed aan isaga oo kale horey loo arkin. Falkan bahalnimada ah oo meel-marintiisu si habaysan xawlina ah uga socotay magaalada Hargeysa mudo 10 bilood ku siman ayaa hantida muwaadiniin aad u tiro badani ku luntay. Hantida luntay iyo dadka ay ka maqantahay midna si cad tiradooda looma oga, laakiin waxa si xawli ah u soo cadaanaysa in magaalada Hargeysa in badan oo ka mid ah uu boobkani saameeyay, sidoo kalena hanti boqolaal kun oo US Dollar ah, dadka qaarna malaayiin ku sheegeen ay luntay.

Sababta ay hantidu u luntay dabcan eedeeda koobaad waxa iska leh dadka hantiilayaasha ah oo aqoon-la’aan iyo aduunyo raadin aan caqli badan ku fadhiyin awgeed xoolahooda gacanta uga galiyay dad budhcad ah. Dadka waxa loo sheegaayay in ay hantidoodu ka mid tahay company dadwaynuhu wada leeyahay oo ay iyaguna saamiley (Share holders) ka yihiin; laakiin waxa aan qofna loo sheegin, shirkada saamiyada la galinayaa ta ay tahay, halka fadhigeedu yahay, nooca ganacsiga ay wado, iyo dadka masuuliyiinta u ah toona. Su’aasha meesha ku jirtaa waxay tahay, sababta ay dadku hantidooda u dhiibeen hadii aan intaas midna looga jawaabin maxay tahay? Jawaabta su’aashaas qofna kama jawaabi karo, laakiin sida aan horey u sheegay aqoon gaabni iyo aduunyo jacayl is galay ayaa dhaqanka noocan ah dhalay!

Si kastaba ha ahaato, qalad kasta dadwaynuhu ha galo, arinta muhiimka ahi waxa weeye, xukuumada dhulka ka talisa maxaa xaalkan kala gudboon? Run ahaan, masuuliyada koobaad, labaad iyo sadexaad ee dawlad kastaa waa inay dadka naftooda iyo hantidoodaba dhawrto. Hantida la dhawraayo waa mida khasnada dawlada ku jirta iyo mida gaarka ah ee dadwaynuhu haystoba. Waa sidaas dawladnimada dhabta ahi! Musuq-maasuqa, tuugta iyo maamul-xumada wixii ku luma dawlada ayaa u xil-saaran inay dabagal ku samayso soona hesho dadka hantida umada hababka kala gadisan ku cunaaya. Tuuga dadka jeebkooda suuqa ku baadha ee police ku u xidho xaqal-shaah wax noqon kara, iyo tuuga habaysan sedan oo kale ee boqolaal kun oo Dollar dhacaya waajib isku mid ah baa ka saran xukuumada.

Wararka qurbaha soo gaadhayaa waxay sheegayaan in dawladu ay talaabooyin qaaday oo xidhxidhay dad qayb ka aha kooxdan maafiyada ah; laakiin waxaan ilaa imika gacanta lagu haynin dadkii masuuliyada kama dambaysta ah lahaa ee hantida umadu ku hooyatay. Ilaa imika dawladu wax war ah haba yaraatee kama soo saarin boobkan qorshaysan, waxaana loo fahmi karaa in aanay xukuumadu wax dan ah ka lahayn dhibaatada kumanaanka qof ee musiibadani saamaysay. Hadii xukuumadu ay joojin wayday ganacsi ku sheega budhcadnimada ah ee mudada sanadka ku dhaw magaalada uga soconaayay, culimaduna aad uga hadashay, manta waxa xukuumada la gudboon talaabooyin door ah. Xukuumadu dhaqdhaqaaq gudaha ah iyo mid iskaashi lagula samaynaayo wadamada jaarka ayay dhaqaajin kartaa.

Waxa muhiim iyo lagama maarmaanba ah in dadka hantidu ka maqantahay oo aad u tiro badan la diiwaan galiyo, baadhitaan qoto-dheer na xaalkan laga furo. Argagixisadu maaha kuwa dadka sida aan dawga ahayn naftooda u beegsada uun ee kuwa hantida dadka boobaana waa la mid! Waxa shaki la’aan ah in dad tiro badan, oo aad u badan, oo nooc kasta isugu jira, oo wax haystay, masaariifta awlaadoodana heli jiray, ay manta faro madhanyihiin. Waxa xukuumadu ay abaabuli kartaa dadka la dhacay intooda aadka u sii daran ee danleyda ah oo agoomo badani ay ku jiraan in loo sameeyo maalin ama usbuuc gurmad qaran ah oo lagu xoolaynaayo oo dadwaynuhu ay tabaruc ku bixiyaan si ay u taakuleeyaan walaalahooda la boobay. Hawshan oo baadidoon iyo samafalba isugu jirta waxa door muhiim ah ka ciyaari kara xukuumada oo waajibkeeda qaadata, iyo qaybaha kala gadisan ee bulshada oo culimada iyo ganacsatadu ugu horeeyaan oo gudiyo taakulayn laga magacaabo.

Dabcan tani waa dhibaato balaadhan, laakiin darsi taariikhi ah bay u noqon umada dhulkaas ku dhaqan oo fudayd aan caadi ahayn lagu xanto, laakiin hubanti waxa ah inaan si sahlan loogu noqon doonin masuuliyad daro noocan oo kale ah!

Waa Maxamed Haaruun

Email: mbiixi@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: