HA GELIN LAHAYDAA…. ALLA MAXAA IGU WATAY !!!

HA GELIN LAHAYDAA…. ALLA MAXAA IGU WATAY !!!
waxaa wadanka somaliland gaar ahaan magaalo madaxda hargeisa ka dhacday qiso fajac iyo amakaag gelisay dadka, kuna abuurtay warwar iyo walaac, hadalhaynteedana laga dareemay goobaha ay dadwaynuhu iskugu yimaadaan, labadii qof ee meel wada taaganina ka wada shakaysanayeen, ka dib markii la waayay qofkii masuulka ugu sareeya ka ahaa shirkad mudo dheer ka shaqaynaysay magaalada hargeisa, ilaa hadana aan la aqoonsan magaceeda, cida iska leh, waxay qabato iyo xarumaha ay ku shaqaysaba.

shirkadaas oo ay dadku ula baxeen magacyo badan oo kala duwan kana mid yihiin,” FADHI KU CEESH, MEEL ALLE WAX DHIGAY, FADHI KU DHEREG , RIIGA iyo qaar kaloo badan”.
haddaba shirkadan oo ay dadku lacagta ku kaydsan jireen kadibna la siin jiray dulsaar bishiiba hal mar, dulsaarkaas oo ku salaysnaa xadiga lacageed ee u yaala qof kasta, hadaba waxa wax lala yaabo ah dadka lacagta dhiganaya shirkadan oo marka laga xaraynayo lacagta haba yaratee wax saxeexa amma suul ah aan laga qaadi jirin lakiinse waji iyo garasho ugu dhiibi jireen laamaha ka hooseeya qofkan la la’yahay ilaa hada meel uu jaan iyo cidhib dhigay, wararka ay dadku isla dhexmarayaana ay kala duwanyihiin sida “CIDda ayaa kaxaysatay” halka qaar kalana ay tibaaxayaan in ” Jinkii lacagta markii hore keeni jiray kaxaystay”

dhanka kalana, afkaarta ay dadwaynuhu ka aaminsanayeen shirkadan waxaa ka mid ah,”in dakhliga dadka dhigtay lacagta shirkadan ay kor u qaaday” halka dadka qaarna ay aaminsanyihiin in lacagta dulsaarka ah ee ay bixiso shirkadani ay tahay RIBO, diinteena suubanina ay inoo sheegtay in ribadu tahay shay xaraan maqdac ah. waxa intaas dheer lacagtan oo dadkii u kala qaybisay dabaqado kala sareeya, guurkiina ka dhigtay qaali, dumarkiina u saamaxday inay u taliyaan ragoodii.

Qisooyinka hadaba akhriste dhacay ee raadadka mahadhada ah ku reebay maskaxda dadwaynaha reer hargeisa waxaa ka mid ah tan:- 
qoys magaalada hargeisa ku lahaa guri afar qol ka kooban oo daar ah, wax aduunyo ah oo kalana aan haysan, kadibna hooyadii qoysku ka iibisay reer gurigii, odaygeedana ugu sheegtay inay guriga kiraysay laba qof, lacagtii ay guriga ku iibisayna waxay dhigatay shirkadan aan haybteeda iyo meel loogu hagaago aan la garanayn, ayadoo lacagta dulsaarka ah ee ay soo qaadatana ugu sheegi jirtay odaygeeda inay tahay lacagtii kirada labada qof ee reerka iibsaday ku jireen, ogsoonowna in ay qoyskan xaqlaha ahaan jiray markii hore ay imika kiro iyagu ugu jiraan gurigoodii, hadaba waxaa dhacday in sheerkii mar qudha istaagay oo laalaabtay, kadibna hooyadii guriga iibisay fikir badan iyo naxdinta fashilaada ku imanaysa falka foosha xun ee ay ku kacday awadood koomo ay la gashay.

Ugu dambayntii akhriste shirkadan urursatay maalkii dadwaynaha kadibna si lama filaan ah u xidhantay mar qudha, waxay sababtay in dadkii madaxa isla galaan, iyadoo qofkii aad aragtaaba leeyahay lacag qadarkeedu yahay intaas ayaa iigu jirtay, qaar kale oon laga filaynayni inay ku jiraana shirkadan oo si qarsoodi ah ugu jiray soo shaac baxeen hada, dhamaan dadkii ku jirayna miciinsanayaan ereyo ay ka mid yihiin,” ALLOW RIYO NOOGA DHIG”

Haddaba waxaan leeyahay dadkan ay masiibadu ku habsatay “XAQSOORE WAA ALLE”

Hassan Ismail Ali (cirro)
hargeisa,somaliland
cell phone: 252-2-4261455
yaxye478@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: