FAALO:- SHEEKH SHARIIF MA WAXA UU U HOGAANSAMAY HANJABAADII FAROOLE MISE ……?

FAALO:- SHEEKH SHARIIF MA WAXA UU U HOGAANSAMAY HANJABAADII FAROOLE MISE ……?
waxaalayaableh oo wax laga xumaado noqotay in ninkii hayey jagadii ugu sarysay qaranka J somaliyeed uu u hogaansamo oo uu ku soo xulo raysalwasaaraha amar ka soo yeedhay FAROOLE iyo beeshiisa majeerteen isagoo waliba balan ku galay markii la doortay inuu ku soo xulan doono raysal wasaaraha khibrad siyaasadeed ee uusan eegi doonin reernimo iyo hanjabaad ka timaada shaqsiyad gaar ah.

cumar cabdi rashiid cali oo ah nin aan hore loogu arag masraxa siyasada somlia ayaa waxaa loo doortay inuu noqdo raysalwasaaraha somalia xili la doonayo in qaranka somaliyeed loo doorto rag khibrad hogaamiyeed leh oo fahamsan halka ay sarta dhibaatada somalia ka qudhunsantahay,balse waxaa muuqata inuu SHEEKH SHARIIF eegay oo ay laf dhuungashay ku noqotay hadalkii iyo hanjabadii ka timi dhawaan faroolaha haysta puntland/majeerteen kaasi oo ku dhaartay inuusan aqbali doonin hadii aan la dooran nin ka soo jeeda gobolada MUDUG,NUGAL,IYO BARRI oo macnehedu yahay hadii an la magcabin nin ka soo jeeda beelaha majeerteen aanu la shaqay doonin dawlad somaliyeed.

hadaba waxaa iswaydiin mudan mar hadii loo qoondeeyey jagadan raysal wasaraha beelwaynta daarood maxay tahay in lagu koobo kuwi ku fashil may taabo gelinta somalia,iyadoo ay jagdaasi u tartmayeen rag badan oo leh khibradi saiyaasadeed kana soo shaqeeyey qaranka somalia,PRO-CALI KHALIIF GALAYDH,,MASLaX SIYAAD,iiyo rag kale.markii uu yiri waxaa iska leh puntland miyeysan ka soo jeedin siyaasiyiintan aan kor ku soo shegnaynay oo aysan ka mid ahayn puntland?mise waa ku maal oo ku meel mar magaca puntland?

madaxywanaha la doortay ee shekh shariif ayaa isaguna bedely oo ka dhaxlay booska jagada madxwaynah oo taasi waxay ka turjumaysaa in siyaasadii somalia ay u gacan gashay in beelo gaar ah ay isu qaatan inay dhaxal u heleen kuwaasi oo kala ah beelaha,ABGAAL(HAWIYE),MAJEERTEEM(HARTI),bal u fiirso sida ay u kala qabten beelahasi.

laga so bilabo madaxwaynihi ugu horeeyey ee l doortay cali mahdi maxamed,(abgaal)hawiye)
CABDIQASIM SALADA XASAN HABARGIDIR(HAWIYE),CALI KHALIIF(HARTI),oo markii dambe looga qaday XASAN ABSHIR FAARAX (MAJEERTEEN)HARTI)

CABDILAHI YUUSUF(MAJEERTEEN)HARTI),CAI GEDI(ABGAAL)NUUR CADDE(ABGAL)
SHEEKH SHRIIF SHEEKH AXMED (ABGAL) HAWIYE),CUMAR CABDI RASHID(MAJEERTEEN(HARTI).

hadaba waxa lays waydiinkara hadii la doonyo xalka somalia inuu noqdo mid lagada qayb qato maxa loo dooran waayey oo looga qayb galin waayey beelihii kale ee somaliyeed,mise intan oo kaiya yuu ka go’aa xasilint dalka somlia?

qore:axmedsaakin faarax 
laascaanood,somaliland
axmedsaakin@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: