DOODII MAXAA LA II QUUDHSADAY

DOODII MAXAA LA II QUUDHSADAY
Ugu horayn waxaan salaamayaa Mr gabooye oo doodan ina soo dhexdhigay,waxaan kaloo salaamayaa Mr, jibriil .intaas ka dib soomaalidu waxay ku maahmaahdaas (Ha i dilee walaalkay ma i qoomamynaayey?).

waxaan rabaa inaan dhammaan akhristayaasha ogaysiisyo in su’aasha mr gabooye tahay mid lagu lafaguraayo waxyaabaha aasaaska u ah quudhsigan indha la’aanta ah,isla markaana aan waqtiga lahayn, waa dood wax saxaysa qofkii haya fekrad wax saxaysa waa u furan tahay si uu uga badbaado maalin qof walba markhaati laga waydiinaayo waxuu ogaa isagoo aanay garbahiisa joogin tolkiis iyo cid kasta oo wax tari kartaa.
waxaan rabaa inaan wax yar ka iraahdo qoraalkii jibriil.

Runtii waxaan aad ula yaabay adiga oo og halka soomaalidu ka joogto diinta saxda ah ee samawiga ah inaan tiraahdo qowmiyad dhan waxaan ka aqaan hal qof oo diinta ku fiican, runtii waxaan filayaa inay jiraaan waxyaabo kugu kalifi kara hadalkaas sida inaad tahay nin da’ yar markaa hadalka sidaas oo kale ah waan kaaga nasteexaynayaa hadalka noocan oo kale ah. Tan kale waxaa jira in dhalinta gabooyahu ka cararaan waxbarashada runtii khaladkaasi waa jiraa balse waa mid intiisa badan ay leeyahiindadka wax quursada qof walba oo iskul soomaaliya ka dhigtay waxuu ka marag furi karaa dhaqanka lagula dhaqmo ardayda gabooyaha waqtiga ay iskuulada joogaan.

runtii qowmiyada gabooyahu waa ku baraarugsan yahiin dhibtaas waxaan socda si ardaydaas iskuulada loogu badbaadiyo in dadkan loo abuuro iskuulo khaas ah iyo macalimiin gaar ah haddii alle idmo.

Gebagebada dadka gabooyaha waxii ay khalad eebe ka galaan isaga ayaa kala xisaabtamaaya ma aha in xaquuqda ay dadka wadanka ula siman yihiin laga duudsiyo. 
maxaa qowmiyada gabooyahu ku waayeen in maamulada jira ay ka waayaan xubno metela sida golayaasha,xukuumadaha????.

Hussein Dualeh
Saintlouis Missouri USA
daahirjama@yahoo.com

Leave a comment