DOODA UU FURAY BARKHAD XAAJI MR GABOOYE EE MAXAA LA II QUUDHSADAY

DOODA UU FURAY BARKHAD XAAJI MR GABOOYE EE MAXAA LA II QUUDHSADAY
Dooda uu furay barkhad xaaji cabdi mr gabooye guyaal dulmiga baahe gayiga yaala ,, gardarada iyo hiifka galabkasta taagan , ,garaad ku dhaaminoo hadal kugu ganaaya,, dulmiga gondaha laguu sudhee geesna u soconaynin,,alle waa gaf gooni soocaa qabtaane

SALAMU CALYKUM
MARKA HORE WAXAA MAHAD MUDAN BAHDA TOGA HERER OO KU DADAALAY INAY U ADEEGAAN BULSHADOODA SI HAGAR LA,AANA 

taageero buuxda oo aan siiyay walaalkay barkhad xaaji cabdi mr gabooye dooda uu furay ee ilaa maanta qabyada ah waxna laga qaban kasoo iftiimiyay cunsuriyada baahday ee bulshadeena ka dhex taagan waxaan aad u jeclaan lahaa inteena qurbaha joogta inay bal maskax yara isticmaalaan waxyaabihii aynu qurbaha kala kulan gaar ahaan dalalka yurub iyo north america

waxaynu had iyo jeer ka cabanaa in dadka cadaanka ah ee aynu martida u nahay ay ina karan tiimeeyaan
waxaynu aragnay in xuquuq badan oo aynu leenahay had iyo jeer la ina duudsiyo waxaynu aragnay in xataa shaqada markasta ninka cadaanka ah lagaa hormariyo waxaynu aad u aragnay in dadkii inaga soo horeeyay ee madawga iyo hindida xataa aan loo ogolaan jirin meelaha qaarkood oo lagu qori jiray no black and indian and dogs , madawga hindida iyo ayda waa ka mamnuuc soonahan cunsuriyada heerkaa gaadhay ayaa maanta la dabar jaray badankeedii waloow ay sii jirto ayadoo cilmiyaysan oo sidaan xaga sare ku sheegay wali xaquuqda dadka madaw iyo umadaha kale aan loo hagar bixin

hadaba miyaanay ahayn wax lala yaabo ama laga khajilo ama laga yaxyaxo in nin walaalkaa oo isku midab iyo isku diin iyo isku afba aad cunsuriyad ku samayso iyo afaara qabiil iyo hayb kala sooc miyaan ilahay subxaanahu watacaala odhan [INA AKRAMUKUM CINDALAAHI ATQAAKUM] ILAAHAY WAXAA U DHAW KA UGU ALA KA CABSIGA BADAN , maxay tahay saraynta reer habal kaga sareeyo reer hebel kama xiniiyo badnid kama qurxoonid kama aduunyo badnid
waxaan qabaa waa caqli jaahila oo isfuushan , carabtu waxay tidhaa , hadaa jahlu murakab

waxan qabaa inuu jiro dulmi wayn oo lagu hayo bulsho kaliya
waxaan qabaa in aynu dhibnay umad walaalaheen oo aynaan waxba dheerayn
waxaan qabaa in caqli nadiifa aan loo isticmaalin mushkilada haysata dad inala dhashay
waxaan aaminsanahay in dadka la haybsoocayaa ay yihiin qaar inaga caqli badan oo dulmiga neceb iyo xasarada jecelna walaalnimada iyo midnimada umada ay dhex joogaan balse lala garan waayay oo umad aqoonyari marin habaabiyeen hadafkii wada noolaanshaha iyo is ixtiraamka sidaana xaqii iyo kitaabkii quranka awaamirtiisii la baal maray

laba nin ayaan siin lahaa biladgeesinimo oo arintan ka hadlay kuna dhiiraday inay dulmiga ka dhiidhiyaan
1, abwaanka maxamed ibraahim hadraawi
2, madaxwayanaha cusub sh shariif sh axmed
geesiga midhkiisa waa loo qiraa laguna sharfaa laguna daydaa
labadan masuulba waxay aad u taabteen dulmiga jira waxaanay ku dhawaaqeen in la cidhib tiro
in cafis laga dalbo walaalaheen walibana la dhex galo oo laga guursado ayana kaa guursadaan sidaana bulsho caafimaad qabta lagu helo

hadaba akhristoow dulmiga lagu hayo umadeena iyo hayb kala sooca jira iyo anaa kaa abroon
ma u malaynaysaa in aakhiro lagaa dhaafaayo .jawaabtu waa maya .
eebahay subxaanahu watacaalaa wuxuu yidhi [kuluu watamatacuu qaliilan ] cuna oo iska raaxaysta mudo yar
waa maalmo aduunyadu nin kastaana waa ka tagayaa waxaana danbaysa geeri [ kulu nafsun daaiqatul mawt]

waxaan kusoo gabagabaynayaa qawlkii ilaahay subxaanahau wa tacalaa
[INII XARAMTU DULMA CALAA NAFSII FALAA TADAALAMUU]
waxaan naftayda ka xarimay dulmiga ee ha is dulmiyina 
ilaahay dul badanaa subxaanahu watacaalaa isagoo ina abuuray oo aan cidi xisaabinayn ayuu hadana inoo sheegayaa siduu dulmiga
isaka xarimay at same time ina farayaa in aynaan is dulmiyin

bal hal daqiiqad is waydii ma jirtaa cid eebe subxaanahu watacaalaa awood ku haysata oo xisaabinaysa
waa maya ma jirto . asagaa ah malikul muluuk . rabul carshul cadiim . jala jalaaluh, asagaa ah ALKABIIR , ALCADIIM, 
asagaa ah ALQANIYU aan wax uu inooga baahan yahay jirin
maca daalik ayuu hadana ina leeyahay [ waar naftayda ayaan dulmiga ka xarimee ha is dulmiyina]

famaa baalu ninka ugu faanaya nin muslima oo walaalkiiya anaa kaa sareeya oo kaa qabiil wacan
ninka aaminsan in aan inantiisa hayb gaari guursan karin asaguna ka guursan karin ee dulmi badheedha oo aan qiil haysan ku andacoonaya
ee cunsuriyad iyo hayb kala sooc xaqdaro ah ku faanaya toloow muxuu noqon danbigiisu

waxay ila tahay in la dhaafo jahliga oo waliba cafis la waydiisto umada in badan la dulmiyaayay
waayo danbiga aad ka gasho eebahaa subxaanahu watacaala waxaa kaaga furan toobad [inahuu qafuuru raxiim]
laakin danbiga aad ka gasho aadmiga waxaad kaga badbaadaysaa adoo cafis iyo saamax ka dalbada 
xilkanina wuxuu si gaara u saaran yahay masuuliyiinta muxaafid iyo mucaaridba inay isku hawlaan sidii loo cidhib tiri lahaa jahligan
bulshadana waxaa la gudboon inay taageero buuxda siiyaan la dagaalanka HAYBSOOCA IYO CAQLI XUMADA AAN SAL IYO RAAD KU LAHAYN DIINTA ISLAAMKA

GARWAAQSADAY GADAA WALAALKAY GABOOYOOW
NIN KUU GUNTANOO GARABKAAAGA JOOGAAN AHAY
GAR WEEYE HADALKAAGU LA GUDOONSADAAYE
GAARNA II TAABAY DAREENKIISU GALABTA
NAFTU INAY KA GUBATAAN WALAAL KU GARANSIINE

GUYAAL DULMIGAN BAAHE GAYIGA YAALA
GARADARO IYO HIIF GALABKASTA TAAGAN
GARAAD KU DHAAMINO HADAL KUGU GANAAYA
DULMI GONDAHA LAGUU SUDHOO GEESNA U SOCONAYNIN
ALAYLE WAA GAF GOONI SOOCAA QABTAANE

GUYAAL HADAA SABIRTEEN GALABTA WAA GUNAANADKII
GARGAAR EEBAHAY GUULBAA SOO BIDHAAMI
GAYIGOO NABADAA GOGOL LAGU WADA MAALI
ADNA NIN GEESIYOO GUNTAN BAAD TAHAYE
GEES KASTABA GAYIGU WAA KULA JIRAA
INTA GARAAD WACAN QABTAA KUMA GABAANE
GUUL ILAAHAYBAA IMAN GALIN DHAWE

GUUD HALDHAA GABDHAHA GABOOYE
GUUDKUNA UDABANYEE GAARI LAGU SHEEGO
EE GUULAHAY QURUX LA TAABTO GAAR USIIYAY
GEESIYADA KA DHASEE GAYIGA BUUXA
GUURTI IYO ODAYAAL GOLAHA LAKEENO
GARAADKA ABWAANADA XUSEEN AW FAARAX WEEYE[ ALAA YARXAMU]
MUU GAFIN CIBAADO CUMAR DHUULE ABIDKII[ ALLA YARXAMU]
CODKA GAARA MAXAMED SALEEBAANKA LA SIIYAY
MARYAN MURSAL WADANIYAD GUUBAABISA DADKEEDA
CAASHA YOONIS GEESIYAD REER HARGAYSA WEEYAAN
GARASHADA SANCADA BIRTA LAGU SHAQAYSTO
GAYIGOO JAAHILAY AQOON GAAR U HAYSTEEN
GOBWEEYE REERKUYE WAYNAAN GARWAAQSAN

WATACIDUHA UDUNUN WAACIYA 

wabilaahi tawfiiq
wasalaamu calaykum
siciid cabdi dheen
dheen12@mail.com
london

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: