DAWLADNIMO QOFKII DOONAYOW ILLAAHAY HORTII KU EEG DALIILKA HORTAADA YAAL

DAWLADNIMO QOFKII DOONAYOW ILLAAHAY HORTII KU EEG DALIILKA HORTAADA YAAL
Ugu horayn waxaan salaamayaa shacbiga Reer Somaliland, gaar ahaana waxaan si gaara u salaamayaa noocyada kala duwan ee saxaafada Somaliland intooda Aaminsan jiritaanka dalkooda iyo dadkoodaba. 

Hadaan u soo noqdo ujeedada maqaalkayga,
Todoba sanadood ayaa ka soo wareegtay markii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin loo dhiibay talada kursigii ugu mudnaa uguna sareeyey qaranka Somaliland oo dhan.
Waxay ahayd runtii taariikh aan meelna aduunka hore uga dhicin,Africa iyo soomaaliyana iskaba daa. sanadkii ugu horeeyey ummadu waxay u arkaysay inuu yahay madax weyne wax qaban doona, waayo halgankii adkaa ee dalkan loo soo galay kamuu mid ahayn mw Rayaale. Laakiin wuxuu ahaa kuwii ka soo horjeeday siduu maantaba uga soo horjeedo isaga iyo inta badan golaha dawladiisu.

markiiba waxaa muuqatay inuu mw Rayaale ku hawlanaa doonistii iyo xulashadii kooxdii uu shaqaalaha ka dhigan lahaa ee dhaqankiisa iyo hadafkiisa siyaasadeed ee uu la aamusnaa la jaan qaadi lahayd.hal haysna wuxuu u lahaan jirey waxaan dhisayaa Dawlad tiro yar oo tayo leh. 

Runtii cidna looga sheekayn maayo dhacdooyinkii iyo foolxumooyinkii faraha badnaa ee midiba mida kale ka dhaawaca iyo dhegxumada badnayd.
Hadaba Dhawaaqii dhiilada iyo dhaawaca badnaa ee ka soo yeedhay Axmed yuusuf yaasiin,wuxuu ku noqday guud ahaan shacabka reer Somaliland Afariir iyo af kala qaad,laakiin anigu waxaan aaminsanahay inuu axmed yuusuf yaasiin run sheegay sababtoo ah samirkii ummada reer Somaliland u samirtay ayaa si toosa ugu dhacay waxaana lagu ducaystaa illaahayoow hana kashifin.

in badan ayaa lagu murmay hadafka siyaasadeed ee xukuumada somalilan laakiin Maanta waa illaahay mahadii mar hadii shacbiga reer somalilan meel kasta oo ay joogaanba mucaarid iyo muxaafid la arkay lana fahmay abaalka iyo aqoota dawlada mw Rayaale, tusaalana waxaa inoogu filan burburintii xisbigii Udub iyo dagaalka siyaasadeed ee aan waxba laysula hadhin ee ka dhacay golaha guurtida somalilan. 

miyaan la odhan Karin daliil cad oo sida qoraxda u muuqda iyo markhaati marag madoonto ah ayaa horteena yaala. Waxaana muwaadin kasta ku waajiba inuu ku quus qaato inaanay qof jeclaysi iyo qabyaaladi qiimo lahayn qarana aan lagu noqon Karin. 

Sidaa awgeed waxaan xasuus idiinka dhigayaa bal in qof waliba si gaara u eego kuwa ay yihiin wejiyadii aynu hogaanka ka dhiganay illaahay hortiina bal keligaa u qiimee adiga oo aan cidna ku xumaynaynin,laakiin eegaya Aayaha iyo mustaqbalka fog ee ubadkeena iyo jiritaanka dhabta ah ee Somaliland.

Guul iyo gobanimo
Xasan cali abokor 
Ottawa,Canada.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: