DALKA HA LAGA BADBAADIYO DALLADA GUUD

DALKA HA LAGA BADBAADIYO DALLADA GUUD
Maanta 41 casho ayaa ka hadhay waqtigii komishanka doorashadu ku dhawaaqay inay doorashadii madaxtooyada Somaliland ku qabsoonta,maalinta ay cayimeen oo ah 29March,09.

Sida distoorka ku cadna waa inuu Madaxweynahu digreeto ku soo saaraa 45 casho ka hor waqtiga doorashada loo cayimay kadib markuu saxeexo qoraal ay u gudbiyaan komishanka doorashadu.Ilaa hadana waxba kamay soo bixin labadan qodob oo ah furahii qabsoonka doorashada madaxweyna iyo ku-xigeenka.

Waxa iyaduna jirta duufaano siyaasadeed oo dhirbaaxaya hab-socodka xasiloonida iyo suurta gelinta doorashada la saadaalinayo. Waxa kale oo barbar socda isbedelka siyaasadeed ee dalka aynu jaarka nahay ee Somaliya. Meeshana kama madhna inuu hab-socodka isbedelka guud ee xaaladda Somaliya saamayn ku yeelan karo siyaasadaha Somaliland. Dhinac ay ka soo dusaysaba waa la dareemayaa ma-hiigaanka soo damdam leh ee ku soo durkaaya Somaliland.

Markaynu xaaladaha guud si qoto-dheer u odorosno waxa hubaal ah inaynu arkaynu ifafaalaha dabarka halista xambaarsan ee loogu talo galay hab-socodka qarannimo ee Somaliland. 

Haddaba waxan ugu baaqayaa komishanka doorashooyinka inay qoraalka cayimaada si dhakhso ah ugu gudbiyaan Madaxweynaha Mudane Riyaale,si uu dhakhso u soo saaro digreetada looga baahanyahay inay si sharic ah inoogu qabsoonto doorashadu waqtigeedana u bilaabanto.

Waxa kale oo aan ugu baaqayaa labada gole ee baarlamanka iyo maxkamada sare ee Somaliland inay ka diyaar garoobaan ishana ku hayaan xaaladaha khalkhal ee ku soo foorara qaranimada Somaliland,diyaariyaana xal distoori ah. Talaabadaas oo distoorku uu farayo sida hoos ku xusan:

QODOBKA 96AAD

EEDEYNTA IYO MMMUUS-KA-XAYUUBINTA

MADAXWEYNAHA, KU-XIGEENKA MADAXWEYNAHA

IYO WASIIRADA

1. Haddii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Mad axweynaha lagu 800 oogo dembiyada kala ah:

b. Khiyaamo Qaran (High Treason) ama

t. Ku xad gudub Dastuurka.

Waxa ku soo oogi kara Madaxweynaha ama/iyo Madaxweyne-ku-xigeenka dembiyada ku xusan faqradan ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha ka tirsan Golaha Wakiilada; iyaga oo eedaynta u gudbin doona Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Golaha Wakiiladuna waxuu ku ansixin karaa cod tirada xubnaha Wakiilada badhkood iyo mid ah {Absolute Majority).

2. Golaha Wakiiladu wuxuu igmanayaa guddi aan ka badnayn toban (10) xubnood oo eedeynta M/weynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka kaga oogta Golaha Guurtida hortiisa, wuxuuna Golaha Wakiiladu adeegsan karaa qareemo madax bannaan oo arrintaas eedaynta ka kaalmeeya.

3. Waxa u fadhiisanaya xukunka eedayntaas Golaha Guurtida oo uu Guddoomiye ka yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhagaysanaya dacwadda ay soo oogayaan Guddida ay igmadeen Golaha Wakiiladu, iyadoo Madaxweynahu ama Madaxweyne-ku-xigeenku isaguna yeelanayo qareemo gaar ah oo difaaca. Golaha Guurtidu wuxuu ku ansixin karaa eedayntaas cod 2/3 (saddex meelood laba meelood) oo tirada guud ee Golaha ah.

Gunaanad, golayaasha baarlamanka iyo maxkamada sare waxa maanta shacabka Somaliland idiinka fadhiyaan inaad dalka ka badbaadisaan dallada guud ee Somaliya inay saamayn ku yeelato doorashada iyo qarannimada Somaliland.

Hussein Badmah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: