DADKU AYAGAA KA MASUULA HANTIDOODA M HARUN WAXAAN LEEYAHAY DAWLADU KAMA MASUUL AHA HANTIDA DADKA

DADKU AYAGAA KA MASUULA HANTIDOODA M HARUN WAXAAN LEEYAHAY DAWLADU KAMA MASUUL AHA HANTIDA DADKA
Dadku ayagaa ka masuula hantidooda maxamed haaruuna waxaan leeyahay dawladu kama masuul aha hantida dadka.
Guuleed Cusmaan Gahayr
(2/21/2009)
Hantida lagu dhacay magaalada hargaysa ee qaabka qorshaysan loo fuliyay runtii waa cashar ay ka faaiidaysan karaan dhamaan dadka kale ee wadanka degan

hadaba sida rag halkan wax ku soo qoray oo uu ka mid yahay nin isku magaacabay
MAXAMED HAARUUN runtiin aanan aqoonu lahayn
ayaa ku eedeeyay xukuumada inay tahay mid ayadu ka masuula dhamaan hantida la dhacay
balse anigu taa uma arko inay sax tahay xukuumaduna dadka hantidooda ma fara lagilso waxay ku qabsanayaan iyo waxay ku iibsanayaan midna ayadu kama masuul aha

sadex milon oo qof ninka yidhi lacagtooda dawlada ayaa la socota waxay ku qabanayaan
adeerkaasi maaha caqli saliima oo la qaadan karo
madaxwaynaha iyo wasiirkiisa ayaan is jeeb ogayn oo aan is ka waraysan hantidooda
sidaa awgeed dadku ayagaa ka masuula hantidooda iyo waxay ku qabsanayaan
ayagaa u xora halkay maal gashanayaan wixii dhibaato ka yimaadana ayagaa ka masuula

balse waxaa la gudboon shacbiga inay wixii dhibaato ay u arkaan ay u gudbiyaan dawlada
una sheegaan inay ka shakiyeen arimo noocaas oo kale ah
markaa weeye marka ay masuuliyada dawladu meesha imanayso
waa markaa marka ciidanka amniga looga baahan yahay inay baadhitaan ku sameeyaan
ashkatada loo soo gudbiyay
hadaba maxamed haaroonoow miyaad haysaa meel dawlada loogu soo ashtakooday iyo meel loogu soo gudbiyay wax war bixina
mise hadalkaagu waa sadexda milon ee reer somaliland hantidooda waa in dawladu masuul ka noqotaa
dee walaal taasi caqliga gali maysee bal yara shaandhee hadalka oo inaga yara milxi
yaynaan dawladuun la fuuline

waxaa lagu bilaabay lacag in la siiyo bilaasha
nin kastana waxaa laga qaadi jiray 500 ama kun ama 2000
ka dibna afar bilood ka bacdi ayaa la odhanaayay lacagtaadii waxay kuu dhashay 4000 kun oo kale , waayo waxaa lagu galiyay share holders noocaas ah oo kambanigii ku faa,iiday
ka bacdina qofkii waxay ku noqonaysdaa qaadan waa iyo filan waa lacagatan badan ee aanu geedna uga soo laaban ee uu ka helay faa,iidada wayn
ka dibna waxaa qof kastaaba keenay kii xigaalkii ama saaxiibkii 
sidaana uun alaa isu habar wacday
ninkastaana wuxuu rabay inuu ka mid noqdo kambanigan sida wayn dadka ugu faa,iidaynaya, sidaana habar kastaaba waxay ku iibsatay afar share ama 12 share si ay faaiido wayn u hesho
balse raga qorshahan watay ee budhcadi waxay sugayeen waqtiga ugu haboon ee ay 
doonta rari karaan dadkana dhulka la goyan karaan
waqti yar ka bacadina markii lacag badani soo xarootay waxay budhacdii go,aansdeen inay afarta irid u laabaan kombanigii beenta ahaa ee afkuun dadka magacyo aan jirin looga sheegaayay

hadaba maxamed haaruunoow ka waran markii dadka qaarkii faa,iidaayay hadii xukuumado hor joogsan lahayd
waxa hubaaala in dadku mudaharaad iyo dhagax tuur samayn lahaa
dawladana ku eedayn lahaa qarashka ay dadka ka hor istaagayso inuu yahay qalad

markaa dadku ayagaa ka masuula hantidooda iyo halkay marinayaan

guuleed cusmaan gahayr
ggahayr@yahoo.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: